Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Howlgallada 2011 final battle

Recommended Posts

Ciidamadda Dowladda Kenya oo saakay soo gaaray deegaanka Taabto ee duleedka degmada Afmadow, ayaa waxaa galabta la-sheegay inay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Taabto, ayna u dhaqaaqeen deegaanka Qooqaani, oo ay xalay la-wareegeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni.

 

Qof ku sugan deegaanka Taabto ee duleedka degmada Afmadow, ayaa wuxuu Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, uu galabta u sheegay, in Ciidamadda Dowladda Kenya ay ka amba baxeyn deegaanka Taabto, ayna aadeen dhinaca deegaanka Qooqaani.

 

Ruuxaan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa wuxuu sheegay in laba jeer ay soo dhaafeen ciidamo kala duwan oo ka tirsan Dowladda Kenya, kuwaa oo uu sheegay in iyagoo hubeysan ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Qooqaani.

 

“Waxaa ina soo maray 24 gaari oo ay saaran yihiin Ciidamadda Dowladda Kenya, oo jiidaayaa gawaarida goobta madaafiicda iyo hub kale” ayuu yiri ruuxaan oo isagu magaciisu u qariyay sababo la-xiriira ammaanka.

 

Wuxuu tilmaamay inay markale soo mareen Ciidamadda Dowladda Kenya oo wata 25 ka mid ah gawaarida waaweyn ee kuwa dagaalada, isagoo carabka ku adkeeyay inay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Sidoo kale Ciidamadda Dowladda Kenya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Taabto, ayaa waxaa lagu wadaa inay ku sii faafaan goobo hor leh oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, oo ay gacantu ku heyso Al Shabaab.

 

Saacad kahor ayay ahayd, markii Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya Yuusuf Maxamed Xaaj uu beeniyay, in Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;751808 wrote:
war abkeey yahuud haduu yiraahdo shabaaban la dagaalama waala so dhaweeyhaaya faa'ido lee inoogu jirto maahino?

So Ethiopia was right to invade to crash Islamists ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta *****lka ka qaaday inay weeraro ku tahay Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana sheegtay inay diyaarisay ciidamaddii weerari lahaa.

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Dr C/Qaadir Siidii”, oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho, oo ku hadla afka Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday duulaano xoogan oo ay ku qaadayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Gudoomiyaha ayaa wuxuu marka hore uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay gacanta ku dhigto qeybaha kala duwan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana wuxuu tilmaamay inay waajib tahay inay kala wareegaan Xarakada Al Shabaab.

 

Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Dr C/Qaadir Siidii”, ayaa wuxuu *****lka uu ka rogay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay ciidamo xoogan oo uu sheegay, inay si toos ah u gelli doonaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Dr Siidii ayaa wuxuu carabka uu ku adkeeyay inay ka go’an tahay in Xoogaga Shabaab ay wiiqaan, ayna Maamulka Dowlada Soomaaliya ka hir-elliyaan qeybaha kala duwan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu ku booriyay inay taageero balaaran u fidyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo uu sheegay inay doonayaan inay ka dul qaadaan waxa uu ugu yeeray cadowga.

 

Maanta ayay ahayd, markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Kaliil uu sheegay, in Xarakada Al Shabaab ay dagaalo xoogan uga furi doonaan Gobolka Gedo, isagoo taasi sabab uga dhigay in xilligaan ay Shabaabku dhawr meelood uga furan yihiin dagaalo qorsheysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ka waday gobollada Jubooyinka ayaa caawa fiidkii si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

 

Wariye Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ah wariyeyaal ka socda Warbaahinta Qaranka oo la socda Ciidammada Jubooyinka Howlgallada ka wada ayaa soo sheegaya in Ciidammadu ay si nabad ah kula wareegeen degmada Afmadow kadib markii ay halkaasi cabsi aawgeed u faarujiyeen Maleeshiyada Shabaab.

 

Saraakiisha hogaamineysa Ciidammada ka howlgalaya gobollada Jubooyinka ayaa iyana Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya u sheegay in howlgalku uu ku socdo sidii loogu talagalay islamarkaana ay hada ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada Hoose.

 

Waxaa marba marka kasii dambeysa isasoo taraya guullaha isdaba jooga ah ee ay Ciidammada Dowladdu kasoo hooynayaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada Kooxda Shabaab balse degmada Afmadoow ayaa ka mid noqoneysa degmooyinka iyo deegaannada gobolkaasi ee laga xoreeyey Maleeshiyada Khawaarijta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this