Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Howlgallada 2011 final battle

Recommended Posts

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa waaberigii saakay Howlgallo qeyb ka ah xoreynta dalka laga xoreynayo Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Howlgalka saakay ayaa waxa ay Ciidammadu si saf ballaaran ah uga sameeyeen degmada Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho halkaasi oo ah barta ugu xoogan ee ay ku harsanaayeen Maleeshiyada Shabaab ee Muqdisho inteeda kale laga saaray waxaana Ciidammada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay ka galeen degmadaasi ilaa Seddex Jiho oo kala ah Ex-Control Afgooye,Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo Wadada Warshadaha taasi oo sahashay in Ciidammada ay si fudud ula wareegaan inta badan degmada Dayniile.

 

Goobaha ay la wareegeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Bangala,Xaruntii Degmada,Xaafada Tiida,Saldhiga Dayniile iyo goobo kale oo dhammaanba ka tirsan degmada Dayniile waxaana Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ay fariisimmo cusub ka sameysteen isgoyska Dayniile.

 

Howlgalladu kaliya kuma koobneyn in Ciidammada ay baacsadaan Maleeshiyada Shabaab waxaase ay dhanka kale guri guri u baarayeen gebi ahaanba xaafadaha lala wareegay halkaasi oo ay kusoo qabteen maxaabiis isugu jirtay kuwo qoryo wata oo dagaalamayey iyo kuwo hubka tuuray oo dadka isku soo dhex daray kuwaasi oo saraakiishu noo sheegeen inay baarayaan.

 

Qasaaraha howlgalka ayaa waxa uu ahaa mid kooban waayo Maleeshiyada Shabaab ma aanay dagaalmin oo waxa ay ka carareem goobihii ay horey u joogeen kadib markii ay arkeen inaysan u babac dhigi karin Cududa Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku wajahneyd marka laga reebo qaar yar oo iyagu is adkeeyey kuwaasi oo qaarkood meydadkooda goobta ay yaaleen.

 

Xaalada guud ee goobihii saakay ay lawareegeen Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa hada degan waxaana Ciidammadu ay wadaan adkeynta Ammaanka ayadoo baaritaano lagu sameynayo dhamaanba xaafadaha saakay lala wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Thanks bro! Raaskambooni waa laga saaray Shabaab for the first time in two years. The good news is xabad kama dhicin wey iska carareen markey Kenya maqleen. One wonders why the "mujahiddeen" are only brave when facing local Somalis LOL. Give them a week, and Jubbooyinka and Gedo will be back to the locals' hands, of course with the Kenyan help. My take on the whole incursion is, when it comes Shabaab and Kenya, Shabaab are bigger evil. Plus, this time they are weakened and have 0 Somali support. They are gone!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this