Sign in to follow this  
Fiqikhayre

First ever ship of cattle leaves to Lebanon from Bosaso Port, Puntland State of Somalia

Recommended Posts

Markabkii Ugu horeeyey ee Lubnaan Xoolo u qaada oo Boosaaso ka shiraacaday

 

October 14, 2011

 

91.jpg

 

Boosaaso:-Waxaa shalay ka ambabaxay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Markab weyn oo nooca xamuulka ah kaas oo xoolo tiro badan u qaaday wadanka Lubnaan .Markabkan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee xoolo u qaada wadanka Lubnaan waxaana arintaas si weyn u soo dhaweeyey ganacsatada gobalka Bari iyaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Ganacsatada reer Puntland.

 

Guddoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan uuna xoolo u qaadi doona Lubnaan .Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadaal faro badan ku bixiyeenGanacsatada Puntland iyaga oo kaashanaya Maamulkooda in ay u suurto gasho in ay xiriir la sameeyaan ganacsatada dalka Lubnaan.

 

Dhanka Kale waxaa fududeeyey in ganacsatada Puntland ay xoolo u dhoofiyaan dalka Lubnaan Shirkada Somali Livestock sida uu saxaafada ka sheegay Gudoomiyaha Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi .

 

Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhawaan ay xoolo u dhoofin doonaan uuna iman doono maalmaha soo socda markabkii xoolaha u qaadi lahaa dalka Masar.Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatareer Puntland in ay ka faa,ideystaan fursada badan ee jira.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoolihii ugu horeyey ee loo dhoofiyo Lubnan

 

14 Oct 14, 2011

 

Zaki_2.jpg

 

Waxaa maalinimadii shalay kusoo xirtey dekedda Bosaso markab weyn oo loogu talo galay in lagu daabulo xoolo lagana leeyahay dalka Lubnaan.

 

Markabkan waxaa iska leh shirkadda ganacsiga ee Al-Jabour oo ka mid ah shirkadaha ka ganacsada xoolaha nool ee dalka Lubnaan iyadoona ay lasocdeen qaar ka mid ah ganacsatada shirkaddaasi oo u yimid Bosaso si ay ula kulmaan ganacsatada reer Puntland.

 

Lubnan ayaa sheegtay inaysan wax shuruud ah ku xirayn xoolaha nool ee Somaliya kuna kalsoonyihiin caafimaadkooda,waxana isla shalay gelinkii danbe ilaa xalay la daabulayey xoolo loo dhoofinayo dalkaasi Lubaan oo gaaraya ilaa 4500 oo neef.

 

Maxamed Farax Maxamud waa masuulka u sarreeya maxjarka Bosaso waxana uu ka sheegay dekedda Bosaso shalay munaasabad loo saameyey xiriirka wadashaqeneyd ee dhaxmaray ganacsatada Puntland iyo Lubnan in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinkooda,

 

"Waxaan dowladda Lubnan iyo ganacsatadeeda uga mahad celinaynaa xidhiidhka wanaagsan ee aanu wada yeelanay iyo sida ay u suurta galiyeen in xoolaha Puntland ay u dhoofsdaan dalka Lubnan ayna noqonayso markii u horraysay oo inta la ogyahay taariikhda dunida in xoolaha Somaliya ay gaaraan dalka Lubnan’’ayaa waxaa yiri gudoomiyaha maxjarka Bosaso Maxamed Faarax.

 

Sidoo kale masuuliyiinta ka hadashey halkaasi waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha golaha deegaanka Bosaso ahna duqa degmada Bosaso Xasan Abdalla Xasan ’’ waa alle mahadii in ganacsatada reer Puntland ay meel kasta u mareen sidii Lubnan xidhiidh kala samayn lahaayeen loona gayn lahaa xoolaha Somaliya dalkaasi, waan soo dhoweynaynaa si wanaagsan ayaana u gala shaqaynaynaa inay helaan xoolo nadiif ah’’ ayuu yiri Xasan.

 

Waxaa xusid mudan in ganacsatada ka socotay dalkaasi Lubnan ay sheegeen in mar labaad soo noqon doonaan si ay xoolo kale u rartaan,waxayana tani noqonaysaa mid ugub ku ah suuqa kala iibsiga xoolaha Somaliya kadib markii ganacsatadu xoolaha gayn jireen suuqyada carbeed ayna dhici jirety mararka qaarkood in lagu soo cesho,

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this