Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

Qarax ka dhacay xurunta alshabaab ee km-13 (tareedishe)

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Warar goor dhow naga soo gaarey deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay deegaankaasi.

 

Qof degan deegaankaasi oo Telefoon kula soo xiriiray xafiiska Raxanreeb ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay saldhig ay ciidamada Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow xaruntii hore ee DBG oo fariisin u ah maleeshiyada Al-Shabaab abaare 9:30 fiidnimo waqtiga Muqdisho caawa.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay waa meel ay Al-Shabaab ku qaataan lacagaha Zakada ay ku magacaabeen ee ay ka qaataan ganacsatada iyo gaadiidka.

 

Qofkaasi oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin wuxuu noo sheegay in qaraxa ka dib uu maqlay rasaas fara badan oo meesha ka dhacday, hase yeeshee uusan garan karin waxa ay tahay rasaastaasi. Waxaana adag in dadka ay bannaanka u baxaan sida uu sheegay qofkaasi.

 

Deegaanka KM-13 oo ka mid ah deegaanada ay dadku u barakeceen ee duleedka Muqdisho waxay fariisin u tahay maleeshiyaadka Al-Shabaab, mana cadda waxa uu yahay qaraxan caawa laga maqlay deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin ka soo Baxaysa Qarax Xalay ka Dhacay Saldhiga Al-Shabaab ee KM-13

 

Faahfaahin ayaa saaka ka soo baxaysa qarax xalay abaare 9:30 fiidnimo ka dhacay saldhig kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka KM-13 (Tareedishe) ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Ugu yaraan mid ka mid ah ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday labo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan deegaanada duleedka Muqdisho.

 

Goob jooge xalay telefoon kula soo xiriiray Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay in qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan saldhiga KM-13 oo ah goob Al-Shabaab ku xiraan dadka ay soo qabsadaan, isla markaana lacagaha ay ka qaataan ganacsatada ku urursadaan.

 

Qaraxa xalay habeenimadii ka dhacay KM-13 ayaa la sheegay inuu ahaa bambo nooca gacanta ah, mana cadda in bambada ay wateen ciidamada Al-Shabaab ee joogay saldhiga iyo in lagu soo tuuray.

 

Saraakiisha Al-Shabaab kama hadlin qaraxan xalay ka dhacay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa yaab ma barnaamijkoodii ayeey ku bilaabeen ayagana si eey u arkaan dhibkiisa ,mise dadkii caruurtooda ama waalidkooda eey ku dileen qaraxii eey ku faaneen ayaa aargudsi wada ?

''nin dab ku gubtay ayaa danbaskiisa ka cararo ''

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this