Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amisom peacekeeping forces on their way to the Garowe clan enclave

Recommended Posts

Faroole:“ Ciidamada AMISOM ayaa la gaynaa Woqooyiga Gaalkacyo”

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Mamaamul goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in uu faraha kasii baxayo amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, isagoo dhinaca kale tilmaamay in dhawaan halkaasi la gayn doono Ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu shaaciyay in amaanka Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo faraha uu kasii baxayo, waxaana uu tilmaamay in amaan darida ka jirta deegaanada Maamulkaasi ay ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in aan loo dul qaadan doonin amni darida ka jirta Magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in qabaa ilaadka dega halkaasi aan wax lug ah ku laheyn amaan dari hase ahaatee ay ka dambeeyaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

 

C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole ayaa barlamanka Maamulkaa ka hor cadeeyay in dhawaan Ciidamada AMISOM la gaarsiin doono Magaalada Gaalkacyo si ay u xaqiijiyaan amaanka Woqooyiga Gaalkacyo oo uu tilmaamay in maalmihii u dambeeyay amni xumo ay ka jirtay.

 

Ugu dambeyn Faroole wuxuu sheegay in Al Shabaab ay fool ka fool ula dagaalami Karin Ciidamada Maamulka Puntland, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay inay jiraan dad damiir laabeyaal ah oo gabaadsiiya Al Shabaab si ay dhibaatooyin ugu gaytaan deegaanada Maamulka Puntland.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo mar kale ku celisay in deegaannadeeda la geyn doono Ciidamada AMISOM

 

SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 18, 2012

 

Garoowe : (Sh. M. Network) Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaca ka qaaday in deegaannada Maamulkaasi la keeni doono Ciidamo ka socda Midowga Afrika AMISOM.

 

Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Warbaahinta ayaa mar kale sheegay in deegaannada Maamulka Puntland la gayn doono Ciidamada AMISOM si ay u xaqiijiyaan ammaanka, maadaama Deegaannada Maamulkasi ay soo gaareen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Al Shabaab.

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay socdaan kullamo ay la leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika AMISOM kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii deegaannada Maamulkaasi loo geyn lahaa Ciidamada AMISOM.

 

Halkaani ayaa waxa uu imanayaa xilli muddooyinkii dambe deegaannada Maamulka Puntland laga hadal hayay in Magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe la geynayo Ciidamo ka socda Midowga Afrika AMISOM si ay xaqiijiyaan ammaanka halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this