Sign in to follow this  
Carafaat

Sanaag parlementarians and elders dissapointed in Somaliland's Goverment

Recommended Posts

Carafaat   

Xildhibaano Iyo Siyaasiyiinta Bariga Sanaag Oo Xukuumada Dhaliilay

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11762&Itemid=62

 

Written by Qaran news

Sep 15, 2011 at 12:59 PM

 

Hargeysa (Qaran news)- Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada kaga jira beesha bariga Sanaag, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda deeganadaasi oo shalay galab shirku yeeshay Caasimada Hargeysa, ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo quus kaga muujiyey saamiga laga siiyay jagooyinka xukuumada iyo hay’adaha dawlada, oo ay sheegeen in xuquuqdii iyo saamigii ay xaqa u lahaayeen aan laga siinin beel ahaan, islamarkaana ku eedeeyeen xukuumada Somaliland in masuuliyiintii hay’adaha dawlada ee gobolka Sanaag ay ku lahaayeen dhamaantood la wada eryay xubnihii ka soo jeeday Sanaag bari.

 

Siddan waxa ay ka shaaciyeen shirk ay isugu yimaadeen xidhibanaada bariga Sanaag iyo aqoonyahankoodu oo aanay ka soo saareen war murtiyeed sidan u qornaa:-

 

“Haddii aanu nahay xildhibaanadda, aqoonyahanka, iyo guurtida bariga sanaag , waxaanu muddo farabadan dhawrayney una sid tirineyna bal in xukuumadu wax ka bedesho qaabka ay u wado saami qaybsiga maamulka dawladda, hada oo ay dhamaatay boosaskii xukuumadu heer gobol iyo heer qaran, haba yaraatee ma jiro qof ka soo jeeda beesha oo lagu daray maamulka Siilaanyo marka laga reebo laba wasiir iyo laba agaasime ,

Hadaba Haddii aanu soo koobno dhacdooyinka isdabajooga ah ee nagala kulmay xukuumada Siilaanyo waxaa ka mid ah.

 

1. Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guduhu oo qaabilsan amaanka dalka, Isago ka turjumaya siyaasada xukuumadiisa uu qoray qoraal una gudbiyey hay’adaha samafalka in bariga Sanaag yahay meel aan amaan ahayn sidaa darteed aan lagu darin xog ururintii hay’adda AMBICAP iyo UNICEF ee ka dhacay dhamaan magaalooyinka Somaliland.

 

2. Wasiirka kaluumaysiga Somaliland, ayaa ka sheegay VOA in deeqaha la siiyo wasaaradiisa oo ay ku jiraan World Bank ay ku eeg-yihiin Saylac ilaa Maydh, ma sheegin wixii bari ka xiga meesha wax looga keeni doono

 

3. Xukuumadu waxay si cad uga saartay beesha maamulka gobolkeeda Sanaag oo hore u joogeen laba isuduwe oo kelya oo beesha kaga hadhsanaa labadiina ay xilkoodii waayeen markii u horaysey ee Xukuumada Siilanyo talada la wareegtay.

 

4. Dhamaan hay’adaha madaxa banana oo ay ugu danbaysey gudida diiwaan gelinta iyo la dagaalanka budhcad badeedka ayaan si cad looga qadiyey.

 

5. Beeshu waxay kulamo iyo shirar la yeelatay xubnaha ugu firfircoon ee xukuumada waxayna kulan gaara oo heer Suldaana la yeelatay Madaxweyne Siilaanyo. Dhawr jeer. wax ka fuleyna ma jiraan.

 

6. Gobolka badhan oo ah gobol xuduud la leh Puntland, isla markaana ay ku furanyihiin dhibaatooyin, dagaalo Barakac iyo abaaro oo ay ahayd in tixgelin gaara la siiyo ayaan xukuumadu haba yaraatee wax xil ah iska saarin.

Maadaama aanu muddo dheer dhawreyney ixtiraamka, xidhiidhka iyo dhaqamadii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyey reer Somaliland, balse aanan marnaba ku qanacsanayn saami qaybsiga.

Maadaama aanaan ka hayn ilaa hadda wax raja ah cid aanu ambiil u qaadano oo noo garaabeysaana aaney jirin (madaxmeel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto) waxaad moodaa iney tahay ninkaan quusani isagaa quusa. Beeshuna waxay isugu noqoneysaa talo si ay uga tashato aayaheeda maadaama ay lagama maarmaan tahay in la helo fursad siyaasadeed oo u adeegaysa beesha iyo degaanka.

 

Waxaanu beel ahaan ka afeefaneynaa inaanan ku kici doonin waxa nabadgelyada Somaliland wax u dhimaya mase balanqaadi karno iney siyaasad ahaan ay wax u dhimi doonta siyaasada xukuumada.

 

 

 

TVSLE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this