Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe leader faroole accuses Galmudug for the Galkacyo unrest

Recommended Posts

Madaxwaynaha Puntland oo Gal-Mudug ku eedeeyay in ay ka qayb-galeen dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay

 

Axad, September 04, 2011 (HOL) - Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka Gal-Mudug uu ka qayb -galay dagaalkii labada maalin halkaa ka socday ,kaasi oo u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo kooxo maleeshiyo beeleed ah oo degan xaafadda Garsoor.

 

"Dagaalka waxaa ka qayb-galay maamulka Gal-Mudug oo dhabar jabiyay ciidamadeena, hadana warbaahinta ka sheegay hadallo aflagaado ah gaar ahaan ninka madaxda halkaa ka ah "ayuu yiri madaxwaynaha oo maanta la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee BBC-da.

 

Waxaa kalo madaxwaynaha uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay xubno ka ahaayeen dad uu ku tilmaamay in ay ahaayeen argagaxiso ,isagoo xusay inay jiraan dadka ka dhex shaqaynaya beelaha walaalaha ah ee wada degan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

"Mar hadii amniga Gaalkacyo uu xasili waayay waxa ay noqotay in culays aan saarno oo aan halkaa u dirno ciidamo amniga suga," ayuu hadalkiisa ku daray madaxwaynaha oo ay ka muuqatay carro la xiriirta dagaalladii halkaa ka dhacay oo sababay khasaarooyin badan oo dhaawac u badnaa.

 

"Maamulka Gal-Mudug waxa ay jabiyeen heshiiskii labada dhinac ka dhaxeeyay"ayuu mar kale yiri madaxwaynaha,isagoo beesha Goldogob ka codsady in ay ka qayb -galaan howlaha lagu sugayo amiga degmadaasi.

 

Sidoo kale madaxwayne Faroole ayaa u digay dad uu sheegay in amniga gobolka ay qal-qal ku hayaan ,isagoo waxgaradka beesha Goldogob ugu baaqay in ay ku daydaan beesha Maakhir oo uu sheegay in ay iska saareen dad amniga liddi ku ahaa.

 

"Puntland kuma aysan duulin beel ,balse waxaa la doonayay in la soo qab-qabto dadkii waday dilalka qorshaysan ,midda kale beesha Goldogob ayaaba kamid ah madaxda ugu sar saraysa maamulkan "ayaa hadaladiisa kamid ahaa madaxwaynaha.

 

Ugu danbayntii madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saari doono amniga magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhaceen bilihii la soo dhaafay dilal qorshaysan iyo qaraxyo lagu dilay masuuliyiin ka tirsan maamulka dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabadu waa qaali. Mar hadii la wada dego, waxaa wanaagsan in wixii xun ee dhibaato wada ee khalkhal gelinaya nabadda, walaalnimada, iyo wada deganaanshaha la iska qabto. Galkacayo hadii dagaal ka dhaco, shacabka dhan ayuu saamaynayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole has no clue what he is up to!, according to reliable sources Security minister(Mr.Mudan) was the main architect of this massacre.Now its high time for Faroole to realise the Terrorist/Alshabab card inuu gubtay,it was weeks ago when Foroole him self admited he was in talks with clan elders from Galgala to resolve the conflict there,months before, he was fighting with Alshabab Terrorist at Galgala mountains, in Galkayo he playing the same game again!. wuxu doqonsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Any leader should take extra care not free reign to anyone, it is well known without proper governance, and accountability, some rogue elements use the state forces to set scores, carry out killings cuz of existing old rivalries, revenge killing, killing alleged suspects before taken to court, or use the terrorism card to d terrorize innocent people.

 

It is very sad indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this