Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shirka Wadatashiga 2011

Recommended Posts

Wefdi balaaran oo ka socda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay galabta soo gaareen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Wefdi balaaran oo ka socda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay maanta soo gaareen magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

 

Wefdigaan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb gallaan shirka dib u heshiineed ee Beelaha Somaliya, oo maalinta berito ah ka furman doona magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo la-fillaayay in uu maanta soo gaaro caasimadda, ayaa wuxuu u baaqday sababo aan la-ogeyn, isla-markaana kama aysan hadlin Dowladda iyo Puntland toona.

 

Baaqashada Madaxweyne Faroole ayaanan faah faahin laga heyn sababaha uu maanta uu u soo gaari waayay magaaladda Muqdisho, xilli uu horey u shaaciyay in uu ka qeyb gelli doono shirka u heshiisiineed, isla-markaana uu magaaladda Muqdisho taggi doono seddexda bisha September oo maanta ku beegan.

 

Maxamed Cabdi Afey oo wariye madax banaan ah, kuna sugan magaaladda Garoowe ee xaruunta Maamul Goboleedka Puntland, ayaa wuxuu goor dhaw uu Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com, uu u sheegay in Madaxweyne Faroole uu caawa ku sugan yahay magaaladda Garoowe, xilli la-fillaayay in uu maanta gaaro magaaladda Muqdisho.

 

Iskusoo wada-duuboo Maamul Goboleedka Puntland oo xiriir wanaagsan iminka la-yeeshay Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu kaalin wanaagsan ka ciyaari doono shirka dib u heshiisiineed ee lagu qaban doono caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-Saxaafaddeed:(Mogadishu, Somalia, September 3, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa kormeer ku tagay goobihii loogu talagalay shirka wada tashiga ee bilaaban doona barito.

 

Goobaha uu booqday Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Baarlamaanka oo ah goobta shirku ka furmayo, howgii loogu talagay ergada ka soo qaybgalaysa shirka oo ku yaala Somalifuruud iyo qayb ku taala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa ahayd mid ku salaysan u kuurgalida howlaha qaban-qaabada ee shirkawada tashiga ah ee la filayo inuu dhaco maalinta bari ah.

 

Madaxweynahe Sharif ayaa wuxuu amaan iyobogaadin u jeediyay howl wadeenadii ka shaqeeyay goobahaas isagoo kula dar-daarmay in si wanaagsanloosoo dhaweeyo wafuuda ka imaanaysa Soomaliya iyo caalamkaba.

 

Madaxweynaha ayaa markuu kormeerkiisa soo gabagabeeyay wuxuu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha isagoo farxad iyo wanaag ku tilmaamay in umada Soomaliyeed ay mustaqbalkooda uga tashanayaan shirka wada tashi ee furmi doona barito, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyayergada ka soo qaygalaysa shirkaan si ay uga qayb qaataaan hanaanka nabada iyo horumarka dalkooda.

 

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ilaahay kabaryay in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah una horseeda umada Soomaliyeed mid ka samatabixiya dhibaatada ka jiray dalka mudo 20 sano ah.

 

- DHAMAAD –

 

Suldan A. Farahseed

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

 

sharif-wadatashi_2.jpg

 

sharif-wadatashi_4.jpg

 

sharif-wadatashi_9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaban qaabadii u dambeysa ayaa saaka waxay ka socotaa Xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo goor dhow lagu wado inuu ka furmo shirka wada tashiga looga hadlayo aayaha Soomaaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

 

Sida ay sheegayaan wararka shirka ayaa lagu wadaa inuu furmo 9-ka subaxnimo xilliga Muqdisho, iyadoo haatan ay ku qul qulayaan Xarunta loo asteeyay in lagu shiro Ergooyinka dhinacyada Soomaalida ee ka qeyb galeysa.

 

Xalay ayaa la soo gaba gabeeyay diyaarintii shirkaas iyo wixii farsamooyin ku aadan qabsoomidiisa, iyadoo Xafiisyada Madaxda Dowladda xalay ahaa mid aad mashquul u galay, kadib markii loogu xaadiray in laga helo waraaqadaha casuumaada ah.

 

Inta badan ergooyinka ka qeyb galaya shirka ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, Wafuud ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta shirka ka qeyb galaya, inkastoo Madaxweynayaashooda aanay soo raacin.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu shirka furo, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo Ra'iisul Wasaaraha ay khudbado ka jeedin doonaan.

 

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, iyadoo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mahiga uu shirka ka hadli doono.

 

Marka loo eego dhaq dhaqaaqa guud ee shirka ayaa ah mid aad looga dareemayo Caasimada, waxaa kaloo jirta in wadooyinka magaalada Ciidamo isugu jira Boolis iyo Sirdoon la dhigay si ammaanka loo adkeeyay.

 

Wariyeyaasha ayaa hada waxay taagan yihiin banaanka hore ee Xarunta Golaha shacabka, iyagoo lagu wargeliyay inay geli doonaan, marka ergooyinka galaan, ammaankana la sugo, gudaha xarunta ayaa Ciidamo Boolis oo kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan.

 

Hoolka shirarka lagu qabanayo ayaa si weyn loo diyaariyay, inta shirka socon doono oo ah saddex maalmood ayaa Saxaafada waxay ku casuuman tahay oo kaliya furitaanka iyo xiritaanka, waxyaabaha ka soo baxa ama ay isla meel dhigaan ergooyinka ayaa ugu dambeyn war murtiyeed laga soo saari doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow aad u xooggan kaasi oo ku aadan shika wadatashiga ah ee maanta magaalada ka furmaya iyadoo dhinaca kale ay ku si aad ah loogu qul qulayo xarunta shirka uu ka furmayo ee gollaha shacabaka ee magaalada Muqdisho waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.

 

Wafood caalami ah iy ergooyinkii shirka ka qayb gali lahaa ayaa waxa ay ku sii qul qaulayaan xarunta gollaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo lagu wado in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo shirka wadatashiga.

 

Shalay illaa hada ayaa waxaa si aad caadi ahayn uga soo dayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ergo iyo wafuud caalamka ka kala socota kuwaasi oo dhammaantood u soo diyaar garoobay in ay qayb galaan shirka wadatashiga ah ee Soomaalida ay isugu imaanayaan.

 

Dhinaca kale ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay dhammaan waddooyinka magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya xarumaha dowladda ayaa ah meellaha sida weyn looga raxadaray oo ay ammaankeeda si wada jir ah u sugaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika.

 

Waxaana la daremayaa dhaqdhaqaaq xooggan oo ku aadan si goor dhow oo si rasmi ah u furmo shirka wadatashiga ee Muqdisho la dhacaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Wada tashiga ayaa wali furmin, iyadoo xarunta Golaha shacabka ay xaadir ku yihiin dhamaan ergooyinka shirka ka qeyb galaya, oo isugu jira Hey'adaha Dowladda, Maamul Goboleedka iyo Ahlusuna, waxaana la sugayaa Ergeyga Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

 

Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsah Golaha Wasiirada, Wafuuda ka socota Maamulada Galmudug, Puntland, Ahlusuna iyo Baarlamaanka.

 

Inkastoo wali la sugayay Madaxda Dowladda ee shirka furi laheyd ayaa hadana Ra'iisul Wasaaraha Dr. C/wali iyo Golihiisa Wasiirada ay hada ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha si ay u soo dhoweeyaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa isna ka maqan madasha oo la filayo.

 

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Agoustine Mahiga ayaa ku sugan xarunta Golaha shacabka, waxaa la sugayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo furi doono shirka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Shirka ayaa sida muuqata saacado ay dib uga dhaceen furitaanka, inkastoo dhamaan ergada ka qeyb galaya ay madasha ku sugan yihiin, waxaana diyaar ah dhamaan wixii farsamo ee shirka loogu tala galay ay diyaarsan yihiin.

 

Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan Kooxda Fanaaniinta oo la filayo inay furtaanka shirka ka qaadaan Hees, sidoo kale Kooxda Baambeyda ee Muusikada ayaa iyana goob joog ah, si ay u garaacaan muusika Astaanta qaranka.

 

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdishoa ayaa soo sheegaya in shirka ay bilowgiisa muuqato mid furmay, marka loo eego xubnaha ku sugan shirka oo ah intii shirka quseeyay.

 

La soco wixii ku soo krodha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa Caalin wa yimi

 

laakin reer Galmudug iyo reer Garsoor waa iney Airportka gabigiisba xiraan ama uu noqdaa airport ummada gobolka

wada degta u siman yihiin

 

FG

 

Waxaan qabaa inuu dagaal lagu kalo baxo oo sedex geesood ah u dhaco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jiiroow Bakaal;744046 wrote:
Waxaan qabaa inuu dagaal lagu kalo baxo oo sedex geesood ah u dhaco

 

In la is dilo ayaad qabtaa oo dadku dhintaan miyaa ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this