Sign in to follow this  
Jiiroow Bakaal

War in Galkacyo Take 2

Recommended Posts

http://www.raxanreeb.com/?p=109900

 

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaalkii saaka ka bilawday magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Garsoror ayaa goor dhoweyd joogsaday, waxaana soo baxaya khasaaraha uu dagaalka geystay oo aad u tira badan.

 

Dadka ku dhintay dagaalka saaka ayaa la xaqiijiyay in ay kor u dhaafayaan 10 ruux, waxaana dhaawacu gaarayaa ku dhowaad 50 ruux sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha la socda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee soo daad gureynaya dhaawacyada, iyadoo dadka dhintay ay u badan yihiin dhinacyadii dagaalamayay, halka dhaawaca ay u badan yihiin shacab ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

 

Waxaa intii uu dagaalku socday la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhibaato xoogan ay soo gaartey shacabka magaalada Gaalkacyo iyadoo khasaaruhu isugu jiray naf iyo maal.

 

Waxaa burburay dhismayaal ku yaala xaafadaha magaalada Gaalkacyo sida Garsoor iyo Israac oo ay ku dhaceen madaafiic la isweydaarsaday labada dhinac, waxaana la arkayay dadweyne farabadan oo ka cararaya goobaha dagaalka ka agdhow.

 

Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, Isbitaalka GMC iyo Isbitaalka koonfurta Gaalkacyo ayaa la geeyay dad farabadan oo dhaawac ah, waxaana dadkaasi ay isugu jiraan dhaawacyo fudud iyo kuwa culus, waxaana Saraakiisha isbitaaladu ay shacabka ugu baaqeen in ay dhiigaga u shubaan dhaawacyo farabadan oo khatar ugu jira in ay u geeriyoodaan dhiig la’aan.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this