Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga qaybtii 5aad

Recommended Posts

Positive   

Waa tan qayb kale oo ka mid ah taxanihii kobcinta af-soomaaliga. Akhris wanaagsan.

 

Alle aamin ma iisho

 

Hilibkii oo isku raasuqay oo geedo ay Qalanjo ku gurtay uu maraqa ka soo kam kamayey ayuu Xange xeero weyn ku af-rogay. Annagoo og in aan la hubin goorta dambe ee cunto sidan u wanaagsan aan heli doonno ayaannu ka hirqanay.

Qalanjo se hammuuntii uun bay iska bi’isay. Intaannu waagu beryin ayaannu awrkii rarnay oo socodkayagii bilownay. Waxyaabaha fekerkayga ku wareegayey waxaa ka mid ahaa in waxkastaa tacab iyo Alle aamin u baahan yihiin. Dhibaatadu waxay timaada marka labadaas arrimood ay midi maqan tahay ama ula-jeedada aad leedahay ay tahay mid waxyeelo u leh naftaada ama inta kale ee ay khusayso. In dhibtan dheefi nooga dambayn doonto ayaan markaas ku qanacsanaa. Waxaan dareemayey tamar badan oo rajo wanaag ku lamaan yahay.

 

Nasiib wanaag ilaa hadda ma aanaan arag bahalo na waxyeeleeya. Bahala sare sida Dhurwaaga, libaaxa shabeelka iyo kuwo kale oo khatar ah oo hadday na helaan aan na badbaadiyeen baa buuxay. Sidoo kale bahalo hoose oo ka mid yihiin maska, abeesada iyo abgurida ayaa dhulka joogay. Aaminka Alle ayaanuse dugsanaynay oo inuu belada naga xijaabo ka baryeynay.

 

Maalintii markay kala bar tahay oo hoosku ku soo ururay gondaha ayaannu geed harac weyn ku bayrnay si aan ugu nasano. Intii aannaan geedkii gaarin ayuu Xange yiri “Hadda waynu nasanaynaa. Habeenkii ayeynu gudaynaa si aan la inoo arag”. Markii aannu geedkii soo hoos istaagnay mise qof ayaa jiifa geedka. Xange ayaa intuu warankii iyo gaashaankii soo dhowaystay oo hoggaankii awrkana ii dhiibay ayuu qofkii xaggiisii u dhaqaaqay. Intuu dul staagay qofkii hurday isagoo warrankii gacan ku haysta gaashaanna gacanta kale ayuu yiri” Waar maxaa la sheegay”. Qofkii oo maro gaduudan ay madaxa iyo manjaha ugu duubnayd ayaa intuu maradii iska rogay oo qaarka sare la kacay ayuu yir” nabad iyo caano ayaannu sheegnay ee kuwama ayaad ahaydeen. “ Kuwo safar ah ayaannu nahay” ayuu ugu warceliyey Xange.

 

Qofkii geedka hurday oo noqday nin u muuqday inuu ku jiro cimriga raggu ugu xoogga badan yahay, qiyaastii afartan jir, ayey is yara waraysteen Xange. Isagoo u muuqday inuu shaki-baxay ayuu Xange cod kalsooni aad ka dareemayso nagu yiri ” awrka fura”

 

Intaannu awrkii furay ayaannu hilibkii iyo maraqii wixii noo haray diirsanay oo dhammaantayo ka hirqanay. Xange iyo ninkii iyagu iswaraysi iyo kaftan dheer bay galeen aniga iyo Qalanjona aamus baannu ku dhegaysanay. Ninkii reerkayagii wuu gartay wuxuuna noo sheegay inay u badan tahay inuu sii dhex maro beesha. Xange ayaa ninkii weydiiyey inuu fariin gaarsiin karo aabahayo iyo hooy taas oo uu uga jawaabay "haa.”

 

Xange yaa yiri waxaad ku tiraahdaa:

 

Gacalle aabo iyo hooyo,

Salaan waalid guddooma,

Gabartii aad jeclayd

Iyo gabankii Huriwaa

Iyo Xangoo gaar ka haayeen ah

Saddexdaas oo nimco guuri

Ka guddooma salaan

Ha guhaadin naftiina

Hadday geeri na dayso

Mar uun buu garabkiina

Guulahay uu na keeni

Ee duco noogu gargaara

Gabartiina hibeeya.

 

Ninkii ayaa intuu warankiisi oo dhinaciisa yiil dhufsaday yiri” fariini waa qaan. Ilaahay hadduu i badbaadsho oo nabad aan reerihii ku gaaro fariintaas waan gaynayaa. Idinkana amaano Allah iyo amaano rasuul”. “ Ammaano Allah” ayaannu ku wada jiibinay. Wuxuu u dhaqaaqay xaggaas iyo dhinacii aannu ka nimi. Markuu naga libdhay ayey Qalanjo oo wejigeeda welwel ka muuqdaa tiri” maxaad sidaas u yeeshay”. Xange ayaa u caqli celiyey oo yiri” badbaadadeenna Ilaahay oo aynu talo saaranay ayaa shaqo ku leh. Laakiin waa xil ina saaran in waalidkeen aan gaarsiino in aynu nabad qabno”.

 

Waxaan ka daba tuuray” waa runtii. Alle aamin ma iisho; wixii xaq ah baqdin loogama bayro". Qalanjo ayaa intay madaxa noo ruxday tiri “ Waa runtiin. Xumaanta oo had iyo goor wehel doon ah ayaa isku dayday inay i jiidato”. “ Waa laga adkaystaa” ayaan ku iri cod dheer oo kayntii ka sanqariyey. ” Sidee looga adkaystaa” ayey igu soo celisay “markaan jid kale oo kula quman kuu muuqan?”.

 

Su’aashaasu aamus ayey abuurtay. Xange ayaa markii dambe kacay oo intuu iga codsaday in aan raaco ayaannu soo gurnay caws badan. Dhowr goor markaan noqonay oo cawskii soo kordhinay oo hor dhignay awrkii dabranaa ayaa qofba meel uu madaxa dhigo raadsaday.

 

Mar aan in hurdo laga bogan karo hurday ayaan waxaan ku toosay awrkii oo buubay iyo Qalanjo oo awrkii ka dabo oroday. Dhinacayga meel aan toban tallaabo ka badnayn waxaa taagnaa Xange oo warankiisa iyo gaashaankiisa qaab dagaal u haysta oo libaax labada lugood oo hore ku taagani uu hor fadhiyo. “ Yur, yur” ayuu Xange ku lahaa libaaxa isagoo hadba waranka ku waabinaya. Markaan libaaxii arkay timihii jirkayga oo dhan baa kacay. Jiriiricaa igu jabtay. Naxdin iyo argagax aya Ilaah ii keenay, talo ayaana igu caddaatay. Markii dambe anigoo aan ka war hayn waxa aan sameynayo ayaan intaan istaagay oo gacanta la haleelay qori dogob ah oo meesha yiil ayaan barbar istaagay Xange oo bahalkii la yureeyey.

 

Libaaxii meeshii kama dhaqaaqin ee hadba kaayaga yureeya ayuu indhaha la raacay. Qorax dhac bay soo noqonaysay waxaanna arkayey Qalanjo oo awrkii intay gaartay oo hoggaanka u qabatay hortaagan meel bidhaanteeda aan ka arkayey. Markaannu cabbaar sidaas isu hortaagnayn libaaxii ayuu markii dambe dhulka ku sameeyey xariiq. Xange ayaa isuguna warankii xariiq ku sameeyey dhulka. Saddex xariiqood markuu libaaxii dhulkii ku sameeyey oo Xangena saddex ku sameeyey ayuu libaaxii dhinacaas u dhaqaaqay oo fadhiistay meel naga durugsan laakiin aannu ka arki karo.

 

Xange ayaa ii sheegay in libaaxa ay wacadtameen. “Dhulka uu xariiqayey is-dhaarsi ayuu ahaa. Marka waxba ina yeeli maayo ee waa inaan Qalanjo u tagnaa ayuu yiri" . Halhaleel markaan ku soo guranay wixii alaabo geedka naga hoos yiil oo awrkii saaray ayuu Xange u dhiibay Qalanjo hoggaankii awrka isaguna dhinaca dambe ayuu maray isagoo isha la raacaya marna sanqadh dhegaysanaya libaaxii.

 

Guure dheer oo aan joogsi lahayn ayaannu habeenkaas oo dhan ku jirnay. Labaaxiina wuu na dabo socday isagoo aan aad noogu soo dhowaan laakiin isla markaas aan naga fogayn. Sanqarta cididiisa ayaannu maqlaynay oo jabac jabac jabac lahayd.

 

Subaxdii markii waagii beryey ayaannu aragnay xayn dabotaag ah oo meel daaqaysa. Isna libaaxii oo u gabanaya ayaannu aragnay. Intuu libaaxii ku dhex dhacay ayuu mid ka qabtay. Markaan aragnay isagoo qabtay oo ay firig-firig leedahay ayaa Xange oo middi sitaa ku cararay. Intuu qoorta qabtay dabotaagtii ayuu gowracay kadibna dhinac uga yara bayray. Libaaxii baa intuu yara dhugtay Xange oo labada lugood ee hore dhigtay ayuu dhiigii cabbay. Markuu dhiigii laastay ayuu dhinac u yara dhaqaaqay. Xangaa markaas afartii jeeni ka soo gooyey neefkii ugaarta ahaa oo hilibkii intii kale uga yimi libaaxii.

 

Saxiibtimo ayaa sidaas noogu bilaabantay libaaxii. Waxayna socotay shan iyo toban casho oo annu safar ku jirnay ilaa annu ka nimi meeshii Xange noo waday.

 

Dhammaad.

 

Erayada aan farta waaweyn ku qoray haddii aan macnahooda u fiirsano oo aynu wadaagno way fiicnaan lahayd.

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Mahadsanid sxb, waa alaab aan caadi aheyn, halkaa ka wad, si fiican baan ugu taxnahey qoraaladaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Erayada hoos u qoran waxay sheeko xariirada ugu jiraan micnaha aan eray walba ku hor qoray:

 

 

raasuqay = si wanaagsan isugu bisladay; kariskii intuu jilciyey si wanaagan dhadhan iyo dhacaan isugu milmay.

kam kamayey = urayey; qiiq ur wanaagsan leh bixinayey

xeero = weel qori ka samaysan oo cuntada lagu cuno.

af-rogay = shubay; ku gembiyey.

hirqanay = ka dheregney; caloosha ka buuxsanay.

hammuuntii = dareenka gaajada; baahidii cuntada.

gondaha = lugaha dhexdooda.

harac = har; hoos.

guhaadin = hiifis; dhib; canaan iyo eedayn.

Guulahay = Ilaahay, Eebbe.

hibeeya = bixiya; hanneeya.

libdhay = aan la arki karin; muuqaalkiisii la waayey fogaan awgeed.

meel uu madaxa dhigo= meel uu seexdo; meel uu jiifsado

buubay = baqdin awgeed orday; cabsi awgeed cararay.

talo ayaana igu caddaatay = wax aan sameeyo ayaan garan waayey.

Yur = eray la isticmaalo marka bahal ku soo weeraro; dhawaaq la iskaga celiyo waraabah, libaaxa iwm.

dogob = qori qalalan.

wacadtan .= ballan; axdi.

Halhaleel = deg-deg; dhaqso.

dabotaag = nooc ugaar ah (magac).

ku dhex dhacay= weeraray; dhex galay isagoo raba inuu mid ka disho.

 

 

Erayo kale oo aadan fahmin hadday jiraan waad ku soo biirin kartaa.

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this