Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: British gov delegation led by Andrew Mitchel arrive for talks: PICS

Recommended Posts

uk-wafdi_1.jpg

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Britain Andrew Mitchell ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu u qiimeeyo dhibaatada macluusha ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo kulan uu la qaatay Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas.

 

Andrew Mitchell ayaa noqonaya Sarkaalkii u horeeyay ee ka socda Dowladda Britain oo muddo 18-sano kadib booqasho ku yimaada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen ayay uga hadleen Xaalada macluusha ee ka jirta Soomaaliya

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga Andrew Mitchell ayaa sheegay in isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ay ugu horeyn ka wada hadleen saameynta ba'an ee macluusha ka jirta Soomaaliya, isagoo sheegay in ilaa 400-kun caruur ay macluul daran ay heyso.

 

"Waxaan soo aragnay dhibaatada macluusha ba'an ee ka jirta Soomaaliya, waxaan arkeynaa inay jirto daacuun caloolaha, gaar ahaan 400-kun caruur ayaa xilligan macluul daran ay ku heysataa Soomaaliya"ayuu yiri Andrew Mitchell

 

Andrew Mitchell ayaa sheegay in doorka gurmadka Beesha Caalamka uu yahay sidii loo baajin lahaa caruurta le'aneysa, waxaana uu sheegay in Britain ay safka hore kaga jirto bulshada Caalamka ee ka hortageysa dhibaatada macluusha, sidii ay uga qeybq aadan lahaayeen.

 

Waxaa uu sheegay inuu helay fursad ay isku arkaan isaga iyo Ra'iisul wasaaraha, waxaa uu tilmaamay in sideed ka tirsan Golaha Wasiirada oo dhowaan ka soo laabtay Qurbaha inuu la kulmo, waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Dowladda KMG ay xalisay khilaafaadkeeda, isla markaana diyaar u tahay inay la dagaalanto musuq maasuqa.

 

Andrew Mitchell ayaa sheegay in Dowladda KMG looga baahan yahay inay muddo sanad ku qabato doorashooyinka, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in laga faa'ideysto ka bixitaanka Al-Shabaab ee Magaalada Muqdisho, isla markaana Dowladda ay gudbiso gar gaarka sama falka.

 

"Beesha Caalamka si wax badan ugu qabato, waa inay wax muuqato ka aragto Dowladda KMG, lana dagaalanto musuq maasuqa, si degenaansho ugu keento"ayuu yiri Andrew Mitchell.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo Xoghayaha Horumarinta Caalamiga Andrew Mitchell, isagoo sheegay in dhibaatada macluusha Soomaaliya ay tahay mid meel halis ah mareysa.

 

Dr. C/wali ayaa sheegay in 3.5-milyan ruux ay xaalado bani'aadanimo iyo macluul ku heyso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay gar gaar la soo gaaraan.

 

Wafdigan ka socda Dowladda Britain ayaa dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay saaka ka soo duuleen, iyagoo kormeero ku tagay Xarumaha Dowladda KMG.

 

By C/casiis Golf

Chief Editor

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

We can fix whatever problem we got with the northern Somalia region. United we are strong.

 

But I understand ur point lol^^

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol Dukey you care other wise you wouldn't mention it , Good development though Andrew is helping Somalia these are hard times in famine effected let's hope many lives can be saved.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah many Somali lives are at stake, but XX thinks its only a Kunfurian problem or issue.

Anyhow this tragedy and the defeat of Al Shabaab presents a new opportunity for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

At least maal mahan waxaan ka nasanay too many thread about somaliland way dhuustay, way duushay, waa dhaqaaqday, waa degtay, way kacday, way soo socotaa opened by XX and JB... One reason could be XX can't post as easy anymore..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this