Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland president Signs investment deal with Chinese Govt

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku gudo jira scdaalka ay ku jiraan dalka China, ayaa dawladaha China iyo Itoobiya isku afgarteen heshiis iskaashi oo sadex geesood ah, oo ku saabsan in gaasta Itoobiya laga dhoofiyo marsada Berbera oo dawlada China ay dhisto dhuumaha gaadhsiinaya magaaladaasi.

Waxa kale oo heshiiska ka mid ah in dawlada Chinaca ay kaalin ka geysatay casriyayanta iyo balaadhinta dekada Berbera.

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Weftigii uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gudo galay hawlihii ay u tageen Wadanka Shiinaha ayaa ilaa imika waxa ay gaadheen guulo balaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawlada shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Waxyaalaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee ku jira waxa ka mid ah in gaasta Ethiopia laga dhoofiyo dekeda Berbera, isla markaana wadanka shiinuhu gacan ka gaysto sidii loo samayn lahaa dhuumihii qaadi lahaa gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekeda berbera.

Waxa kale oo laysku afgartay in dekeda berbera laga sameeyo xarun balaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliida Caydhiin iyo Gaasta labadaba.

Waxa kale oo heshiiska ku jira in wadanka shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo balaadhinta dekeda berbera oo mashruucaasi uu yahay mid dekeda berbera ka dhigaya mid u adeegi karta geeska afrikada bari oo dhan.

Waxa kale oo heshiiska ku jira wadooyinka xadiidka ah ee tareenadu Maraan iyo wadooyin caadi ah oo isku xidhaaya wadanka Ethiopia iyo Somaliland.

Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan-doonaa xaflad balaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Wadanka Ethiopia, China iyo Somaliland

Maalgashigan iyo mashaariicdan oo noqondoonta horumar laxaad leh oo lagu talaabsaday taasoo wax weyn ka bedelidoonta dhaqaalaha wadanka iyo nolasha bulshada guux ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thats unfortunate what about the people who live there who don't get polaged abused tortured raped and Murdered, do they have a say about the resources in the region?

Share this post


Link to post
Share on other sites

What about the ordinary citizens in the region are you saying they all get harassed raped and murdered or perhaps they all work for the System and the government and are they all sympathizers all of them?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

What deal? Malla isku ciyaaraa? Ninkan la sheegayo in Bejing lagu xiray (and Waagacusub is not my source) miyaa wax saxiisay? Horta ma run baa in la xiray?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abwaan;740421 wrote:
What deal? Malla isku ciyaaraa? Ninkan la sheegayo in Bejing lagu xiray (and Waagacusub is not my source) miyaa wax saxiisay? Horta ma run baa in la xiray?

:D :D ... and :D :D@waagacusub aint my source..

 

Che -, the gas of the O'gaden is well-protected, ninkii hal far saaraana shidaalkaas shan farood baa la saari. Meles knows that, China knows that and soon Siilaanyo will know it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack-The gas in the Ocaden is least of the problem, the mismanagement of land, leasing of farm lands to foriegn brokers, and unchecked mineral exploration is displacing hundreds of thousands of peasants from Gambella, Oromo region and Amhara regions. Now, you have an army of displcaed people, many poor and unfit for urban areas.

 

In the Ocaden, famine is not talked in the region. You have the ban on charities and the on-going conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this