Sign in to follow this  
Jiiroow Bakaal

TFG Soldiers or Alshabaab?

Recommended Posts

Alshabaab never do this to the poor IDP people

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/Aug/wararka_maanta5-14486.htm

 

Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 10-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dahawceen rasaas ay ciidamada dowladda KMG ah ku fureen barakacayaal ku jira xerada Badbaado ee degmada Dharkeynley taasoo ah xerada ugu weyn ee ay dowladda KMG ah dajisay barakacayaasha ka yimid gobollada koonfureed ee dalka.

 

Rasaasta ay ciidamada dowladda KMG ah ku fureen dadka shacabka ah ayaa timid iyadoo la doonayay in dadka xeradaas ku jira loo qaybiyo mucaawino, taasoo ay isku dayeen ciidamadu inay dhacaan, balse ay shacabku ka hortageen.

 

"Mucaawinada markii la keenayay ayay ciidamadu damceen inay boobaab, balse waxaa taas ka jawaabay shacabka xeradaas ku jira oo iyaguna damcay inay boobaab gargaarka, balse rasaas ayaa lagu furay in ka badan 10-qof ayaana dhintay," ayuu yiri mid ka mid ah barakacayaasha.

 

Dadka dhintay oo dhan ayaa ahaa barakacayaashii ku jiray xeradaas, kuwaasoo dhowr jeer oo hore ka cawday dhac ay ciidamada dowladda KMG ah u geysteen raashin gargaar ah oo loogu talogalay.

 

Isbitaalka Madiina oo ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay inta badan dhaawacyadii ka dhashay rasaasta ay ciidamada dowladdu sida aan kala sooca lahayn ugu fureen barakacayaasha ku jira xerada Badbaado.

 

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin falka ay sameeyeen ciidamada dowladda ee lagu dilay barakacayaasha, iyadoo xasuuqan uu noqonayo kii ugu baaxadda weynaa ee ay ciidamada DKMG ah u geystaan barakacayaasha abaaraha.

 

Barakacayaashii ku jiray xeradaas ayaa saakay billaabay inay dib uga barakacaan xerada, iyagoo qaarkood ay u sheegeen HOL inay aadayaan goob walba oo ay ku heli karaan nabadgalyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this