Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament Passes new law on forming new political parties

Recommended Posts

HTlK6.jpg

 

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeerka Furashada Ururada Iyo Golahaas Oo Fasax Galay.

 

Hargeysa (Ramaas) July. 31, 2011- Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aan buurnayn ku meelmariyay xeerka furashada ururada siyaasada oo ahaa mid xasaasiya oo ay dhinacyada siyaasadu ku aragti duwanaayeen.

 

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaa oo ay ka soo xaadireen 49 xildhibaan oo ka mida 82-ka mudane ee uu aqalka wakiiladu ka kooban yahay.

 

Xildhibaanada golaha ayaa cod u qaaday xeerkan , ka dib markii uu sidaas ku wargeliyay guddoomiye Cirro, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 29, waxa diiday 4 mudane , waxaana ka aamusay 15 xildhibaan guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaa lagu ansixiyay xeerka furshada ururada siyaasada.

 

Ka dib markii ay dhamaatay ansixintu waxa uu guddoomiyaha golaha wakiiladu Cabdiraxmaan Cirro, uu wargeliyay in uu mudanayaashu ay fasax geli doono wakhti ku siman ilaa 6 toddobaad.

 

Xeerka maanta la ansixiyay waxa ku kala aragti duwanaa dhinacya ku loolamayo masraxa siyaasada ee dalka, xukuumada ayaa doonaysay in la furo ururo siyaasadeed oo cusub, taasoo qayb ka ahayd ballan qaadkii ay ololaha ku gashay, iyada oo rag badan oo ka mida golaha wasiiradu ay quudaraynayaan in ay ka qaybgalaan nidaamka siyaasadeed ee cusub, halka ay saddex xisbi oo uu ka mid yahay xisbiga talada ee Kulmiye ay ka soo horjeedaan furista ururo cusub oo siyaasadeed, laakiin markan waxa ay u muuqataa in la suuldaaray qorshoodii diidmada ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Good step.

 

Somali's nr.1 hobby is Politics and this should not be exclusive to few individuals only. Dadka ha la kala mashquuliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka furista Ururada siyaasadda

 

July 31st, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay Xeerka furashada ururadda siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka doorashooyinka.

 

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somailand Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madashada ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiilada, waxa ogolaaday 29 Mudane, waxa diiday 15 Mudane, waxa ka aamusay 4 Xildhibaan Guddoomiyhuna muu codayn.sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka furista ururada siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka hawada.

 

Xeerkan waxa ku jira lacag deebaaji ah oo lagu xidhay inay bixiyaan ururada siyaasada ee dalka ka furmaya oo qadarkeedu yahay 20 kun oo dollar oo u dhiganta 150 Milyan oo shilinka Somaliland ah.

 

Xeerkan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Aqalka odayaasha Somaliland si ay iyaguna go’aan uga gaadhaan arrintan.

 

Sadexda xisbi qaran ayaa hore uga soo horjeedsaday furista ururada siyaasada hase yeeshee waxa soo dhaweeyay rayul caamka bulshada Somaliland iyo dadka hungurigu kaga jiro inay tartamaan.

 

Dhinaca kale, Golaha Wakiilada Somaliland ayaa galay fasax dhan 6 todobaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: House Of Representative Approves Bill Of Forming Political Parties.

 

Posted on 31/07/2011

 

Hargeisa (JSLTimes.com)-Members of Somaliland House of Representative held their session in the parliamentary premises as usual and approved the Bill of formation of more political parties and the amendment of the law of elections.

 

The session was chaired by the speaker of the House of Representative Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi known as ‘Cirro’. Forty-nine MP’s attended today’s session in order to make their voice heard when it comes to approving the Bill of forming political parties.

 

When the voting process started, twenty-nine MP’s voted in favor of passing the Bill, four MP’s refrained from the voting process while fifteen MP’s voted against the bill. The parliamentary speaker did not cast his vote. Finally, the speaker of the House of Representative announced that the Bill is officially approved.

 

The Bill includes money which the coming would –be –political parties are expected to pay and the amount is estimated to be around 20, 000 dollars which is equivalent to 150 million Somaliland Shillings. The bill is expected to be submitted the House of Elders with in the coming days in order to reach a final verdict on the bill.

 

The three existing political parties were strongly opposed the formation of political parties.

 

However, the public greeted with a joyous welcome to this long awaited verdict and those who have a desire to contest the forthcoming elections.

 

Once the House of Elders make their decision on the bill, it will be submitted to the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud known as ‘Siilaanyo’ to put the pen to paper and sign the bill. Once the president ratifies the bill, it will be put into immediate effect.

 

On the other hand, Somaliland House of Representative will be on a short recess for six weeks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this