Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo Welcomes Diaspora Members for a presidential dinner+PICS

Recommended Posts

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Oo Ay Ka Socoto Munaasibad Soo Dhawayn Ah Oo Loo Sameeyay Qurba-joogta Iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyay.

 

Hargeysa (Ramaas) July 30,2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka qayb-galay munaasibad balaadhan oo qurba-joogta dalka ku sugan loogu sameeyay qasriga Madaxtooyadda.

 

Munaasibadan soo dhawaynta ah ee qasriga Madaxtooyadda loogu sameeyay Qurbo-joogta Somaliland oo hadda ka socota Madaxtooyadda ayaa waxa ka qayb-galaya inta badan masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo qurbo-jooga Somaliland ee ka kala yimid wadamada Yurub, Maraykanka iyo dalalka waqooyiga Ameerika.

 

Munaasibada oo ay hadalo ka soo jeediyeen shakhsiyaad ka mid ah qurba-joogta Somaliland ayaa sidoo kale waxa hadal kooban ka soo jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu khudbadiisan uu u badnayd waxtarka ay qurba-joogtu u leeyihiin dadka iyo dalka Somaliland wax kaga tilmaamay waxqabadka joogtadda ah ee ay dalka la garab taagan yihiin.

 

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ka sheekeeyay doorkii qurba-joogtu ku lahaayeen halgankii xoreynta dalka, isaga oo tilmaamay in markii lagu jiray dagaaladii dib dalka loogu xoreynayay ay ahaayeen isha kaliya ee jabhaddii SNM dhaqaalaha ka heli jirtay, sidoo kalena SNM lafteeda lagaga dhawaqay Magaaladda Lodon markii la aasaasay.

 

Munaasibadan soo dhawaynta ah ee Madaxtooyada loogu sameeyay qurba-joogta reer Somaliland, oo ilaa hadda socota, wixii war ah ka soo kordha kala soco RAMAASNEWS.COM, iyagga oo wararkaasi uu soo gudbin doono Wariye Maxamed Boosh oo qasriga Madaxtooyadda ku sugan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Marti-qaad balaadhan Madaxtooyada ugu sameeyay qurbo-jooga dalka ku sugan

 

July 30th, 2011

 

Waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii aad inta badan u soo halganteen”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira casho-sharaf iyo soo dhawayn.

 

Xaflad balaadhan oo qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Golaha Guurtida iyo boqollaal ka mid ah qurba-jooga Somaliland oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo dunida ah.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaweeyey qurba-jooga Somaliland, isaga oo ka waramay doorkay ku leeyihiin horumarka dalka iyo marxaladihi halgan ee loo soo maray goonni-isu-taaga Somaliland, waxaannu yidhi “Waxaan salaan kal iyo laab ah u soo jeedinayaa dadweynaha ka soo qaybgalay, qurba-jooga reer Somaliland iyo martisharafta kale ee madaxda leh ee ka soo qaybgashay.Qurba-jooga Somaliland waa dad aynu wada qirayno oo ognahay waxa xiisaha qarankooda ay u yimaadeen jacaylka ay waddankooda u qabaan, karaamaday dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin,. Waxaan aad u xasuustaa waqtigii halganka dheer lagu jiray ee Somaliland xornimadeeda u dagaalamaysay meesha talada, arrinka iyo xoogguba ka imaanayey amma lagu soo aasaasayey ururka SNM waxa uu ahaa waddamada ay qurba-joogeenu ku dhaqan yihiin, waxay ahaayeen dadweynaha ka ciyaarayey doorka muhiimka ah ee halganka, hadday tahay xorriyada iyo nabadda, mar walba door laxaad leh oo muuqda oo la qiimayn karo oo aan u booggaadinaayo ayey marwalba ku lahaayeen qurba-joogu. Waxa kale oo qurba-joogu gacan weyn ku lahaayeen dhismaha dalka iyo horumarintiisa.”

 

Waxa uu Md. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay qurba-jooga inay sii laban laabaan dedaalka ay dalkooda horumarkiisa ugu jiraan. Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu wac-darahay qurba-joogu ka sameeyeen meelkasa oo ay joogeen oo ku muujinaayeen qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.

“Waxa loo baahan yahay waxa weeye in hawshaas la sii labanlaabo, waynu ognahay inay qurba-joogu magaalooyin badan, tuulooyin badan iyo gobollada fog fog mid walba halkii ka yimi ay dhisayaan meelihii caafimaadka, dugsiyadii, waxaynu ognahay inay Barlamaanada iyo dunida ay la joogaan qadiyada Somaliland ka muujiyaan, waxa lama iloobaan ah .20 guuradii 18-ka ee ka soo wareegtay goonni-isu-taaga Somaliland doorkay ka qaateen meel kasta oo ay joogaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

“Waxaannu idin leenahay aad iyo aad baannu idinku soo dhawaynaynaa, waddanku waa dalkiinii, dawladdu waa tiinii, qaranku waa qarankiinii, waa tii aad u soo halgamayseen,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa uu madaxweynuhu ku guubaabiyey qurba-jooga Somaliland inay carruurtooda ku barbaariyaan waddankooda iyo nabadgelyadiisa, isla markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya mandaqadda.

“Nabadgelyada oo ah aynu ku caan-baxnay oo aynu ognahay doorkaynu ku leenahay, waxaan jecelahay dhallinyarada iyo meeshay joogaanba lagu abuuro oo had iyo goor ka warqabaan dareenada iyo mandaqadaynu ku nool nahay warkeeda oo dadka waaweyn ee xilkasta ahi ku guubaabiyaan dhallinyarada waddaniyada, dhaqanka iyo diinta jacaylkeeda,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

 

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Muuse Biixi Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa hadalo soo dhawayn ah halkaas uga soo jeediyey qurba-jooga, isaga oo ugu baaqay in ay waddankoda qurxintiisa iy horumarintiisa dhinaca aqoonta ku dedaalaan oo xil iska saraan.

“Wixii hore aad soo qabateen waannu idinku mahad-naqaynaa, waananu idinku hambalyeynaynaa, waqtigan waxa jira oo qoladan qurba joogahi ii sheegeen in hoygu macaan yahay, haddii aad doonaysaan hoyga aad ku soo noqonaysaa ee carruurtiinu ku soo noqonayso qurxintiisu idinkuu idiin yaalaa, waxaannu doonaynaa inaad hormood u noqotaan kumanaan injineer, boqollaal dhakhtar iyo intaas oo aqoonyahan oo aad fursad u hesheen intaaba inaad barataan inaad dalkiina ku soo kordhisaan inaad isku qabaysaan oo xilkaa qadaan,” ayuu yidhi Mr.Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isagu waxa uu iftiimiyey doorkii ay qurba-joogu ka qaateen guushii xisbiga KULMIYE ka so hooyey doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dhacday, isaga oo sidoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dib-u-dhiska dalka, waxaannu yidhi; “Waa dadkii dib-u-dhiska iyo dib-u-xorraynta dalka qaybta weyn ka qaatay, waa dadkii isbeddelkii dalka ka dhacay laf-dhabarta ka ahaa. Waad mudan tihiin in madaxweynuhu xafladan caawa idiin sameeyo.”

Mr. Saleebaan Maxamed oo ah Guddoomiyaha Wakaallada Qurba-jooga ah, ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha xafadan ballaadhan ee uu ku shafray.

 

“Waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya afka qurba-jooga Somaliland intii duruuftu ay u samaaxday inay dalkooda dib ugu soo noqdaan aad iyo aadbay noo farxad gelinaysaa,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Maxamed.

Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah qurba-jooga Somaliland, ayaa halkaas ku soo bandhigay filim dokumatari ah oo si mug leh uga warramaya waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay jirtay, kaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana tabanaayey dhinac wal oo horumarka dalku gaadhay ah.

 

Abwaaniinta waaweyn ee dalka Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), Abwaan Dacar iyo fannaaniintii kale ee waaweyn ayaa caawa ku soo bandhigay bandhig faneed aad loo jeclaystay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Wait Xaaji....he's done his Awdal trip??? What happened to travelling to Borama the capital of Awdal?

 

Or did I miss something and he did go?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful;737780 wrote:
Wait Xaaji....he's done his Awdal trip??? What happened to travelling to Borama the capital of Awdal?

 

Or did I miss something and he did go?

He went to awdals capital borama didn't u see the pictures i made a whole thread about that

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

missed that thread!

 

He can go to a lot of places with his militia!

 

The youth won't protest like they did on May 18th with those many gunmen around

 

5984402167_838ddea60c_z.jpg

 

5984966766_d8853ca246_z.jpg

 

5984402279_213913c462_z.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful thats wajaaale he went there because its the most busiest town in Gabiley region, Why would people in wajaale protest thats where Kulmiye got the most votes ever in the last presidential election

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this