Sign in to follow this  
oba hiloowlow

ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

iidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay sariisimo cusub oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab oo ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho kaddib howlgal fas ballaaran oo ay ka wadaan goobahaasi ciidamada dowladda.

 

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya meelaha ay howgalka kula wareegeen waxaa ka mid ah isgoyska Forolonsa xaruntii hore ee ubax kacaanka xaafado ka mid Siinaay waxaana wali soconaya dagaal saf ballaaran oo ka socda degmada Shibis C/casiis Wardhiigleey iyo meelo kale .

 

Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada qaranka G/sare C/laahi Cali Caanood ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada qalabka sida sida ay hormar ka gaareen dhammaan meelihii ay saakay howlhalka ka bilaabeyn, isagoo intaa ku daray in ciidamada wali ku sii siqayaan deegaanno ka mid dagmada Yaaqshiid.

 

Taliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda ay aad u qiireysan yihiin islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay dhamays tiraan howlgalka maanta ay wadaan. Waxa uu intaa raaciyay in uu howglka yahay mid qorsheysan oo socon doono in dalka laga saaro kooxda Shabaab.

 

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbin doona Insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa war wanaagsan waayadan danbe aad bey ujilceen wax jukeeya ayey waayeen mooyee , abaarahan ayaa joojiyay wax walba mooyee kuwaas in farmaajo lagu daayo ayaa fiicnaan lahayd aminkaan waaba lanadiifin lahaa ayaan qabaa .

nafaqa daro ciidankoodana wey heysaa oo ilmihii yaryaraa ee u dagaalamani jiray kana yimid gobolada sida baay ,bakool ,shabeelada hoose waxey la tacaalayaan sidii qaraabadooda eey wax un ugu qban lahaayeen qaarkood weyba lasoo qaxeen oo alshabaabnimada wey ka baxeen , qof wax yar oo iimaan ah uu ku jiro ma suura galeyso inuu biil iska qaato reerahiisana waalidiintiisana eey gaajo u baqtiyaan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haatan si toos ah ulla wareegay wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo wali wada howlgalka ayaa waxa ay wariyayaasheena oo jiidda dagaalka ku sugan inoo soo sheegeyn in ciidamada ay gacanka ku dhigeen wadada Soconka waxayna dhammaanba si toos ah ulla wareegeyn xaafadaha Suuqbacaan Towfiiq iyo deegaanno kale waxaana wali socda dagaalka iyadoo ay si wada jir uga qayb qaadanayaan dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Sidoo kale waxaa jira meelo kale oo ay ciidamada hormar ka sameyeen oo ka mid tahay Degmada Shibis, saraakiisha dagaalka hoggaamineya ayaa inoo sheegay in aysan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamada tan iyo inta uu howgalka billoowday, iyadoo dhinaca kale ay jiraan qasaaro xoog leh oo soo gaaray Khawaarijta Shabaab.

 

ciidamada ayaa haatan ku sii jeeda garoonka ciyaaraha ee Stadio Muqdisho waxayna gacanta ku dhigeen Baar Ayaan waxaana la la filaya in goor dhow ay guddaha u gallaan xarunra Isbartiibadda.

 

saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda ay gaari doonaan xaafado ay ka mid tahay Suuqa Xoollaha iyo deegaanka Gubta.

 

waxyaabaha ku soo kordha si deg deg ah ayaan idin kugu soo gudbineynaa Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda oo galay suuqa Bakaaraha iyo dagaal ka dhex socda gudaha suuqa

 

Dagaalada saaka ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ayaa goobo kala duwan oo magaalada ah ka soconaya, iyadoo Ciidamada Dowladda ay goor dhow gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha, oo horay ganacsigiisa ugu xirmay dagaalada, waxaana ka socda gudaha suuqa dagaal goos goos ah.

 

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay baro muhiim ah ka joogaan, gaar ahaan wadooyinka koowaad iyo labaad Suuqa Bakaaraha, waxaana Ciidamada ku sugan yihiin Bankiga Dahabshiil, agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra.

 

Ciidamada Dowladda oo gudaha ugu jira suuqa ayaa rasaas iyo toogasho waxay ugu imaaneysa dhinaca Shabaab, waxaana ay yihiin kuwo gudaha iyo hareeraha kaga sugan suuqa oo gebi ahaanba yihiin kuwo ku hareersan.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya inay kaabiga ku hayaan Isgoyska Baar Ubax, waxaana baraha Ciidamada ku sugan yihiin ka mid ah halkii laga rari jiray Boosteeda Gaadiidka aada Galgaduud, biya dageenkii ku dhowaa Baar Ubax iyo goobo kale, waxaana Ciidamada ay joogaan bartamaha suuqa.

 

G/sare C/llaahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada ayaa sheegay in iyagoo bur bur u geysan suuqa ay hareeraha ka qaadeen Ciidamada, isla markaana ay fariisimo ka sameysteen gudaha suuqa bakaaraha.

 

Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho oo ah kuwo qorsheysan ayaa waxaa saraakiisha Dowladda ay sheegeen inuu sii soconayo ilaa ay kula wareegaan goobo hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Muqdisho ka socda iyo Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Isbartiibo

Iyadoo saaka dagaalo culus ay ka qarxeen Magaalada Muqdisho ayaa dagaalada waxay yihiin marba marka ka dambeysa kuwo wararkooda ay isa soo tarayaan, isla markaana ay ku fidayaan qeybo hor leh oo ka tirsan degmooyinka ay saaka ku jermaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xaafadaha qaar ugu jira qaab efandari ahaa.

 

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan Taangiyada AMISOM ayaa ku dhaqaaqay goobo hor leh oo ay ku sugnaayeen Xoogaga ka soo horjeeda ee AMISOM, sida Saraakiisha Dowladda ay saxaafada u sheegeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa cagta saaray wadada Sodonka iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid oo ay gudaha ugu jiraan, sida Isgoyska Towfiiq, Suuq Bacaad iyo Laanta Suuq Bacaad.

 

G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen fariisimo muhiim ah, isla markaana dagaalka uu sii socdo.

 

"Saaka abaarihii 5:30 ayuu howl galka bilowday, anagoo fulineyna awaamiirta Madaxweynaha, waxay Ciidamada ku dhaqaaqeen wadadii Jeneraal daa'uud, Xararyaale, waxay Ciidamada joogaan Baar Ayaan, Xamar Bile, isgoyska Cali Kamiin, Suuq Bacaad ilaa Towfiiq"ayuu yiri Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

 

Mar uu ka hadlay qasaaraha dagaalka dhankooda ka soo gaaray ayuu sheegay in labo askari ka dhimatay, halka dhanka Shabaab ay ka dileen 15-askari, labo dagaalyahan ay dhaawacyo ku qabteen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa kaabiga ku haya Garoonka Stadium Muqdisho oo ay ku dhow yihiin, sidoo kale waxaa ay ku dhow yihiin Xaruntii Xisbiga, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa wadada aada dhanka Isbartiibada.

 

Ilaa iyo hada waxaa magaalada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qorshaha dagaalka uu u muuqdaa mid Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay saldhigyo muhiim ah kula wareegaan.

 

Dhinaca kale dagaalkii saaka ee iyana ka socday deegaanada Waqooyiga Muqdisho sida C/casiis iyo Shibis ayaanu jirin war laga helay ilaa iyo hada, inkastoo wali laga maqlayo hugunka madaafiicda noocyadooda kala duwan

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this