Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

ciidama aan nidaam lahayn iyo alshabaab oon naxariis lahayn

Recommended Posts

Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta rasaas qasaaro geysatay waxa ay ku fureen dad barakacayaal ah oo ku jira xero ku taala duleedka degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 1-ruux oo ka mid ahaa dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday halka mid kalana uu ku dhaawacmay kadib markii maanta ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay rasaas ku fureen barakacayaasha xeradaasi.

 

Rasaasta qasaaraha sababtay ee lagu furay dadka barakacayaasha ah ayaa ka dambeysay kadib markii qaar ka mid ah barakacayaasha ay ku xoomeen raashin gar-gaar oo loo qeybinayay sida Idaacadda Shabelle uu u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaasi ku daray in qofkii ku dhaawacmay rasaasta loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

 

Barakacayaasha ku jira Xerada lagu magacaabo Badbaado ee ku taala duleedka degmada Dharkeenlay oo dib u dajin ay u sameysay dowladda KMG ayaa dhaawaan xaalado abaareed uga soo barakacay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaahi waa yaab shacabkii dhan waxa dhibayo alshabab oo noloshii xitaa u diidan ,dhanna waxaa ka heysta nidaam xumo ka jira ciidanka dowlada .

shacabkii meel eey u cararaan malahan ,qaar abaaro ayaa baabi'inaya qaar Alshabab ayaa usoo tafa xeydanaya si uu bisha ramadaan usii xasuuqo ,qaarna ciidama aanba dishibiliin qabin ayaa naftooda ku cayaaraya , hadaba shacabka yaa uroon .

Allow u gargaar shacabkan wax unaxariista waayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo isku rasaaseeyay degmada Waabari

 

Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta waxa ay is rasaaseyn ku dhxmartay degmada Waabari ee gobolka Banaadir taasi oo geysatay qasaaro dhimasha ah.

 

 

Galinkii dambe ee maanta ayaa is rasaaseyn u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ka dhacday nawaaxiga xeradii Afasiyooni ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa.

 

 

 

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halka ay is rasaaseyntu ka dhacday oo la hadlay Idacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in is rasaaseynta ay ka bilaabatay markii hore labo askari oo ka tirsan dowladda ay lakala safteen dhalinyaro ku murmay kubad ay ku ciyaarayeen Afasiyooni kuwaasi markii dambe gurmad ka kala helay askar kale taasi oo uu sheegay goobjoogaha inay keentay in halkaasi ay ku geeriyoodaan 2-Askari oo ka mid ahaa ciidamadii dagaalamay.

 

 

 

Intaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in uu joogsaday iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamada ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo sida uu ku joogsaday aan la ogeyn, iydoo arintaasi ay saameyn ku yeelatay mudo kooban isku socodkii gaadiidka iyo dadka ee wadada hormarta Afsiyooni ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Israsaaseynta galabta ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaxmartay Nawaaxiga xeradii Afasiyooni ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay qeyb ka tahay isku dhacyada inta badan ciidamada dowladda ku dhxmara magaalada Muqdisho kuwaasi oo geysta qasaarooyin isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaara dhinacyada dagaalama iyo dadka aryidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ciidamada noocaan oo kale waa in laga saaraa ciidanka , ciqaab adag la mariyaa , xitaa guutooyinka eey ka tirsan yahiin madaxdeeda waa in lasoo qabtaa oo lala xisaabtamaa .

waxa maalmahan ka dhax dhacaya ciidanka dhaxdiisa waa waxan suura gal ahayn .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this