Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia: X.D.SH.S.I Party gets a new chairman and new secretary general

Recommended Posts

Jigjiga: Xisbiga Tallada Haya Ee Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyahoodii, Xohayihii Xisbigaana U Doortay Guddoomiye.

 

Jigjiga (Ramaas) July 34,2011 – Xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomalida Itoobiya ( oo shalay shir uga furmay xarunta dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga.

 

Shirkan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa markiiba waxa xilkii guddoomiyenimo lagaga qaaday Cabdifataax Sheekh Cabdilaahi, iyadda oo sidoo kalena guddoomiye loogu doortay xoghayihii xisbigaas Md Maxamed-rashiid *****.

 

Shirkan oo ka socda hoolka shirarka ee xisbigaas, ayaa ka hor inta aan xilka laga qaadin guddoomiyihii xisbiga, waxa la soo bandhigay waxqabadka xisbiga ee saddexdii bilood ee u dambeeyay, iyadda oo sidoo kalena xubnaha xisbiga waxqabadkooda gaarka ah mid mid qiimayn loogu sameeyay.

 

Guddida fulinta xisbiga dimuqraadiga ah ee shacabka Soomalida Itoobiya ayaa amaanay waxqabadka saddexdii bilood ee u dambeeyay guddoomiyaha xisbiga ee xilka laga qaaday, balse waxa ay soo bandhigeen waxyaabo badan oo u baahnaa in la qabto intii uu xilka hayay guddoomiye Cabdiftaaax Sheekh Cabdilaahi oo aan qabsoomin, taasina waxa ay sababtay in cod loo qaado in xilka laga qaado iyo in kale, waxaana la isla gartay in la badalo oo guddoomiye cusub la doorto.

 

Shirkan xisbiga dimuqraadiga ah ee Soomalida Itoobiya oo saddexdii biloodba hal mar la qabto ayaa waxa lagu amaanay xoghayaha xisbigaas Maxamed-rashiid *****, iyadda oo markii dambana lagu doortay cod aqlabiyad ah inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee xisbiga dimuqraadiga shacabka Soomalida Itoobiya ee haya tallada dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya.

 

Ugu dambayn, xubnaha xisbiga haya taladda dawlad deegaanka Soomalida ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee xisbiga cod aqlabiyad ah kaga saaray xubin-nimada guddida fulinta, taas oo xeer hoosaadka xisbigu qeexayo in guddoomiyaha xisbigu aanu ka mid noqon Karin xubnaha guddida fulinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

TPLF playing with its toys.

 

Warar aan ka helnay ilo-xogogaal ah oo xafiiska Cabdi iley ku sugan ayaa noo soo tabiyay goor dhaweyd in laga qaaday dhamaan xilalkii ay u hayeen xisbi ku sheega ESPDP iyadoo warar kale ay sheegayaan inuu Ina Iley qudhiisu kawaanka saran yahay.

 

Sanadihii la soo dhaafay wuxuu Cabdi fataax ku magacawnaa gudoomiyaha xisbi ku sheega ESPDP ay abaabuleen EPRDF-tu ee lugooyada shacabka loogu talagalay halka uu ku xigeenka koobaadna ka ahaa Suldaan wali.

 

Cabdi fataax ayaa ilaa iyo 2003dii ahaa xubnaha oogu firficoon maamulka gumaysiga uu dhigtay Jigjiga iyadoo Dr.Suldaan Wali-na uu sanooyinkii u dambeeyay madax ka ahaa xafiiska Biyaha oo mashaariicda ugu badan qaata. Khilaafka Cabdifataax iyo Cabdi iley ayaa ka bilowday socdaalkii labadooda loogu soo diray dibadaha, kolkaasuu uu aad uga maagay dhaqan xumada Cabdi iley iyo aqoondaradiisa, halka uu Cabdi iley uga shakiyay inuu dacwada badan oo laga geeyay Addisababa uu isaga ku lug lahaa.

 

Warar la hubo ayaa sheegaya in Cabdi ilay oo ilaa hadda ka baxsaday shirqoolo badan oo loo dhigay isagoo marwalba ka dhigta damaanad laynta shacabka iyo lacagta xad dhaafka ahee uu siiyo saraakiisha xaaraan quudatada ah, ayaa laga yaabaa in lagu eryo shirarka ilaa hadda u socda guamsyi kalkaalka.

 

Warka kama dabeeysta ah waxaan heli doonaa marka laga soo dareero shirka. Waxaana hadda si ku-meel gaadh ah loogu badalay Cabdi fataax oo shirka gudoominaya afhayeenka xisbiga lugooyada Mahamed rashiid *****.

 

ONA /Jigjiga hoolka shirka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this