Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

New rift between the two sharifs and the newly appointed Prime Minister.

Recommended Posts

Caqabad Hortaagan Ilaa Xiligan Ku Dhawaaqista Golaha Wasiirada Ee Dawladda Sheekh Shariif

 

Muqdisho July 17, 2011 (W/wararka)- Iyada oo Sabti shalay lagu waday in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada ee xukuumadda Cusub ee Raysal wasaare Dr.Cabdiweli Cali Maxamed, ayaa waxaa soo food-saaray khilaaf iyo jahwareer hor leh, kaas oo sababay in soo bandhigida liiska magacyada golaha wasiirada mar kale dib u dhacaan.

 

Sida uu qabo Dastuurka Dawladda Federaalka u dhigan waxaa magacaabista golaha wasiirada iska leh Raysalwasaaraha oo la tashanaya Madaxweynaha, balse arrintaas ayaan ahayn mid ka shaqeysa Dawladda dhexdeeda, waxaana magacaabista iska leh Madaxweynaha, Raysalwasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanlka, Beesha Caalamka, Wadamada Deriska ah iyo weliba Maamul goboleedyada.

 

Raysalwasaare Dr.Cabdiweli Cali Maxamed iyo Guddoomiayaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku kala aragti duwan, islamarkaa khilaaf ka dhashay marayaa meeshii ugu xumeyd, kadib markii Afhayeenka Baarlamaanku uu u gudbiyey Raysalwasaaraha liiska uu la doonayo in ay ka mid noqdaan golaha wasiirada, Dr. Gaas ayaa la sheegay in uu aad uga cadhoodey liiska Shariif Xasan, isla markaana uu u sheegay in dawladdu ku dhisan tahay waxa loogu yeedho 4.5, oo aanu xaq u lahayn in beel aan tiisa ahayn uu u soo xulo Wasiiro, khilaafkaas ayaa la sheegay in Shariif Xasan uu garwaaqsadey, isla markaana laga gudbey.

 

Si kastaba ha ahaatee khilaafkii u danbeeyey ee maanta hadheeyey magcaabista golaha wasiirada ayaa ahaa, cidda loo magacaabayo Wasiirka Maaliyadda, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ku adkaystey in booskaas loo soo celiyo Beesha Digil & Mirifle, isla markaana Booska Wasiirka Gaashaandhiga dib loogu celiyo Beesha *******, Dr.Gaas ayaa ku adkaysanaya in arrinta sideeda loo daayo, isla markaana labada Wasiir ee hadda haya jagooyinkaas ay sii wataan shaqadooda, maadaama muddadii ay hayeen xilka ay si wanaagsan u guteen shaqadooda.

 

Muddada u hadhsan in Raysalwasaaruhu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada ayaa ah mid gabaabsi ah sida uu qoraayo heshiiskii Kampala, waxaana Raysalwasaaruha shukaanta lala hayo haystaa muddo 12 cisho ah oo keliya, Wararka qaar ayaa sheegaya in Dr.Gaas uu maanta ku hanjabey in uu xafiiska banayn doono, isla markaana la ciqaabi doono cidkasta oo caqabad ku noqotey soo magacaabista Golaha Wasiirada, taas ayaa dadka qaarkiis ku tilmaameen in Raysalwasaare Dr.Gaas uu ciyaarayo turub siyaasadeed, isla markaana Shariifyada uu ka dilaayo waqtiga, uuna damacsan yahay in daqiiqadaha u danbeeya uu ku dhawaaqyo Golaha uu doonaayo in ay ka mid noqdaan xukuumaddiisa.

 

Heshiiska Kampala ayaa amar ku siinaya golaha Baarlamaanku in muddo 14 cisho gudahood ah ay ku ansixinayaan golaha Xukuumadda, waxaana la ciqaabayaa cidkasta oo heshiiskaas jebisa iyada oo loo dhisey hay’ad dusha ka maamusha Dawladda.

 

Sida laga bartey khilaafyadii hore ee Dawladda, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo dhexgasho Khilaafka waxa loogu yeedho Bulshada Caalamka, isla markaana lagu dhawaaqo golaha Xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirrada oo maanta lagu dhawaaqayo iyo madaxda DKMG ah oo xalliyay khilaaf u dhexeeyay

 

Isniin, July 18, 2011 (HOL) – Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah lagu dhawaaqo, kaddib markii madaxda DKMG ah ay ka gudbeen muranno ku saabsan magacaabista golaha wasiirrada.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay xubno ku darsadeen golaha wasiirrada, kuwaasoo iyaga wakiillo ka ah.

 

Magacaabista golaha wasiirrada ayaa dhowr jeer dib u dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kaddib markii madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay isku qabteen wasaarado ay u arkaan inay muhiim u yihiin.

 

Jagada wasaaradda maaliyadda oo la sheegay inay ahayd midda muranka badanayd ayaa waxaa loo dhaafay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo la sheegay in jagadaas uu u magacaabayo nin ay aad isugu dhow yihiin.

 

Ilo wareedyo ay HOL la xiriirtay oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa sheegaya in xubno horay uga tirsanaa golihii wasiirrada xukuumaddii Farmaajo ay waayi doonaan xilalkooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: wasiirka maaliyadda iyo lacagta, wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali oo si aad ah ugu wareegay khilaafka madaxda DKMG ah ee ku saabsan xubnaha ay ku yeelanayaan wasiirrada, ayaa la sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay in xubno hoggaamiye kooxeedyo ah ay kusoo biiraan golaha wasiirrada, kuwaasoo uu watay Shariif Xasan.

 

Hoggaamiye kooxeedyadii loo diiday inay ka mid noqdaan golaha wasiirrada ayaa wada abaabullo ku aaddan inay ka hortagaan in xildhibaannada baarlamaanka ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda lasoo magacaabayo.

 

Golaha wasiirrada ee soo socda ayaa lagu wadaa inay noqdaan 23-wasaaradood, kaddib markii ay codsadeen labada Shariif in la kordhiyo wasirrada si loo qanciyo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii magacaabidda golaha wasiirrada oo dib u dhacay illaa berri

 

Isniin, July 18, 2011 (HOL) – Waxaa maanta baaqday magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in la magacaabi doono maalinta berri ah.

 

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay HOL in dib u dhaca magacaabidda aysan ku iman khilaaf u dhexeeya saddexda mas'uul ee dowladda ugu sarreeya si la mid ah sidii dhacday toddobadayadii lasoo dhaafay.

 

"Maalinta berri ah ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa golaha wasiirrada, mana jiro wax khilaaf ah oo madaxda dowladda u dhexeeya, magacyada xubnaha wasiirrada noqonayana waa kuwo miiska saaran," ayuu yiri mas'uul ka tirsan dowladda oo diiday inuu magaciisa sheego, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu saxaafadda la hadlo.

 

Wasiirrada oo la qaybsaday ayaa la sheegay in dhanka Shariif Xasan ay saddex xubnood ka imaanayaan, kuwaasoo kala ah: Burci Maxamed Xamza, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Halka dhanka Madaxweynaha ay ka imaanayaan xubno uu ka mid yahay wasiirka wafaafinta C/kariin Xasan Jaamca oo maamulka Puntland uu xasaasiyad ka qabo iyo laba xubnood oo kale.

 

Heshiiskii Kampala ayaa qabay in mas'uuliyiinta wasiirrada loo magacaabayo la tuso ka hor inta aan lagu dhawaaqin Danjire Mahiga iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo goob-joog ka ahaa heshiiskii Kampala.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa u haray dhowr maalmood muddadii laga sugayay inuu kusoo dhawaaqo golaha wasiirrada, waxaana lagu wadaa in marka lagu dhawaaqo berri isla maalinta xigta la horgeeyo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

These leaders fighting over this positions?? The country is in ruins,people are starving and running for their dear lives and they are fighting over this?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this