Sign in to follow this  
Coofle

Afka-Maldahan Qaybta 1aad

Recommended Posts

Coofle   

Nabdaadin Dabadeed

I have been a silent reader of this Forum for few years now, I finally summed up enough courage to post something I deem to be useful to the Somali community.

I have googled it few times a while ago and none came about "Afka-maldahan" So I took the initiative to start writing about it....Again I was hit by writers block and cannot go forward.

 

Afmaldaha afka soomaliga

Afmaldaha ama Afka maldahani waa hadalka oo la sogordahay (*****lay).

Si fudud, waa hadalka oo sida uu yahay maahee si kale loo dhigo. Afmaldahu waxa uu suugaanta ku daraa qurxin, gaabin , ujeedo qeexid isla markaana ka dhigaa mid soo jiidasha leh.

Afmaldahu waxa uu la mid yahay Balaaqada luqada carabida (بلاغه). Inkasta oo meelo farabadan ku kala duwanyihiin, laakiin fikrada ay xambaarsanyihiin waa mid qudha.

 

Noocyada afmaldaha.

Jaadadkiisu waa Ekeyn, Qofayn, Sarbeeb, Dayrin(Yamxeero), Buunbuunin iyo Sillan-sugan. Suugaanyahanada qaar baa intaa ka badiya, laakiin ilaa imika inta lagu heshiiyay waa intan.

 

1-Qofayn:-

Qofayntu sida magaceeda ka muuqata waa inaad shay aan qof ahayn ula hadasho sidii qof ku fahmi kara kuuna jawaabi kara.Had iyo jeer maaha in ay walaxdaasi jawaabto laakiin waa inaad u ekeysiisa in ay walaxdu dhuganayso weedhahaaga.

Tusaale

Ismaaciil mire wuxuu yidhi.

 

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, *

hadaad mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku,

Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, **

 

*Guuguule=nooc ka mid ah shimbiraha.(shimbirkan waxa loo yaqaan sidoo kale shimbirka colaada)

**gabooyaha= qalabka dagaalka.

 

Gabaygan waxa uu ismaaciil mire la hadlayay guuguulaha isaga oo ka samirsiinaya dhibta jiilaalka-ku-lamaanan colaadu ku hayo.

 

Tusaale 2

Cali xuseen wuxuu yidhi:-

 

Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye*

Haddii aan laguu imannin waad, aammusi lahayde

Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurkutaallada'e?

 

Waxay tidhi "Ilaahay taqaan, aad u garanayso

Oo aad Islaam tahay iddaa, waa irdhaysnahaye."

 

gabaygan cali xuseen waxa uu la hadlayay fiinta oo ah nooc shimbiraha ka mid ah, sida inoo muuqata waxa uu cali xuseen ka dhigay fiinta mid u jawaabtay oo uu yidhi waxay tidhi.

 

2-Ekeeye:-

Ekeyntu waa shayga loo yaqaan carabiga tashbiih (تشبيه) oo ah in aad shay u ekaysiiso shay kale. inta badan waa barbardhig, waxana loo adeegsadaa in qof ama shay la amaano, walax kale loo ekaysiiyo amaba mararka qaar deelqaafo qof kale.

Inta badan Ekeynta waxa ku lamaanan Ereyada ; Sida, dhigoodii baad tahay, lagu mood, la mid tahay, tahay iwm.

 

Tusaale

 

sida geed caleenloo

ubax guud ka qariyo

ooy gooni laamahu

ay midiba geesteed

hoobaan is gaadhiyo

guntin midha ah leedahay

oo soo gandoodoo

galka faraqa soo daray

oo godon barwaaqiyo

durdur aan go'ayniyo

gacan webi ku yaaloo

oon gu' iyo jiilaal

midab guurin baadtee

 

Heestan gabadha lagu amaanayo loona ekaysiinayo geed wayn oo caleen iyo ubax leh , isla markaana midho badan oo bislaatay leh, midhahaas oo ah hoobaan ( kuwa iyaga oo aan la karin la cuni karo sida cinabka), geedkaas oo ku soo foorara haro ka hoosaysa, haba soo fooraree waabu taabtay oo biyihii ayay laamihii ku ciyaarayaan, oo hirarka biyaha kicinaya. Haradaas gacan biyaha ku soo shuba ayay leedahay oo aan gudhayn gu' iyo jiilaal. Sawirkaas ereyo fudud baan ku dhigay lakiin ninkii arkay ayuun baa garanaya quruxda ay leedahay!!

 

3-Sillan-sugan

Waa xusid laba weedhood oo iska soo hor jeeda ama liddi isku ah. sida magaca inooga muuqata sillan waa shay wax u dhimanyihiin ama naaqus ah, sugan waa shay dhamaytiran amase xaaladii lagu yaqaanay ku sugan oo aan nuqsaan lahayn.

 

Tusaale:-

Qaasim wuxuu yidhi:-

Dacartuba mar bay malab dhashaayood muudstaa dhabaqe.

waxaan ahay macaan iyo qadhaad meel ku wada yaale.

midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode.

Midi waa martida soora iyo maata daadihise.

midina waa mindiya xiirayiyo murriyo deebaaqe.

Masalooyin talantaaliyaan maandhaw leeyahaye.

 

Qaasin tuducyadan waxa uu ku sheegay waxyaabo badan oo isku liddi ah, ka bilaw dacarta oo ah geed ku caan baxay qadhaadhka ayaa waxa uu sidoo kale xusay dhabaqa ay bixiso oo isaguna aad u macaan , macaanka iyo qadhaadhkuna waa isku liddi. deetana waxa uu isku matalay sida dacartaas qadhaadh iyo dhabaqeeda macaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Welcome coofle, I learned something today, thanks for sharing. One suggestion though, qaar buu Afsomaligu ku adag yahay ee no yara jilci next time.

 

For example Qofayntu=Personification... Just my two cents but welcome none the less

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

@Nabad_dadaye, Waan isku dayi walaal. @Naxar Nugaaleed, Thanks and Your idea is excellent, I will try to add some English flavor next time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this