Sign in to follow this  
Saalax

Marykanka oo sheegay in Duqayn ay ka geysteen Qandal oo Ka tirsan jubada Hoose ku dileen I. Afgaani

Recommended Posts

Saalax   

Marykanka oo sheegay in Duqayn ay ka geysteen Qandal oo Ka tirsan jubada Hoose ku dileen Ibraahim Afgaani

 

Xukumada Washington ayaa baahisay inay duqeymo maalmahan ay ka waday gudaha dalka Soomaaliya inay dhibaato xoogan ku soo gaarsiisay Xarakada Alshabab ee ku kacsan dawlada kmg ah & Ciidamada Amisom ee dalka soomaaliya ku sugan,waxaana mareykanku sheegey in duqeymihii dhawaan ahayeen kuwo lagu bartilmaameedsadeen xarumaha shabaabka.

 

Sida lagu qoray wargeyska lagu magacaabo The Long War Journal ayaa lagu xusay in dawlada mareykanku weeraradii cirka ee gobolada Jubooyinka ay guul muhiim ah ka gaareen isla markaasna ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Alshabab,waxaana ay sheegeen in Sarkaalkaasi uu ku dhintey degaanka Qandal ee gobolka Jubadda hoose.

 

Waxaa wargeyskaas lagu qoray inay dileen diyaaradaha mareykankuy sarkaal lagu magacaabi jirey Shiikh Ibraahim Afgaani Ama Ibrahim Hajj Jama and Abubakar al-Seyli’i,waxaana dawlada mareykanku sheegtey inuu ahaa sarkaal sare oo ka mid ahaa sarakisha ugu cad cad hogaaminta Xarakada Alshabaab ee ka soo horjeeda dawlada kmg ah ee soomaaliya.

 

Sidoo kale waxa saraakisha dalka mareykanku sheegeen inuu Shiikh Ibraahim Afgaani uu ka mid ahaa ragga ku jiray liiska Al-Qaacida ee ah JTF-GTMO ee dawlada mareykanku sida weyn u raadiso,waxaana saraakisha mareykanku sheegeen inuu tababaro muhiim ah ku soo qaatey wadanka Afganistaan ee uu ururka Alqaacida ku xoog badan yahay.

 

Dhanka kale waxaa Saraakisha dawlada mareykanku sheegeen in ay weerarkaas isna ku dhaawacmeen sarkaal sar oo ka tirsan ururka Alqaacida isla markaasna ahaa ku xigeenkii madixii Al-qaacida ee bariga Afrika kaasi oo lagu magacaabo Bilal Al-Barjaawi oo u dhasha wadanka Britain,waxaana dawladu mareykanku shaacisay inay ku dileen weeraro cirka ah oo ay dhawaan ka fuliyeen degaanka Qandal ee jubadda hoose.

 

Saraakisha dawlada mareykanku waxay *****lka ka qaadeen in Shiikh Ibraahiim Afgani & Shiikh Aadan Xashi Cayrow ay muddo ka soo dagaalameen wadanka Afgaanistaan,waxaana ay sheegeen inay nimankaasi ahayeen nimanka ugu khatarsan ururadda Alshabaab & Alqaacida ee wadanka soomaaliya ka dagaalama, Ceyrow waxaa isaga lagu dilay weerar ciidamada mareykanku ku qaadeen magaalada dhusamareeb ee gobolka galgaduud sanadkii 2008-dii.

 

Si kastey ahaataba waxa Sarakiisah dawlada mareykanku sheegeen inay aad uga shaki qabaan inay Shiikh Afgaani ku dileen weerarkii ay dhawaan ku qaadeen Degaanka Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo,waxaa kale oo ay sheegeen inay qaar kale oo ka tirsanaa ilaaladiisu la geeriyoodeen markii duqeynta ay diyaaradaha dagaalku u geysteen.

 

Axmed Kulan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;732904 wrote:
Not believing this remember they claimed they killed Al amriki and abu Mansuur before and not they claim they killed Ibrahim afghani Meecaad.

It's a crime supporting terror organisation in Holland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wishing, i am not wishing anything i just believe that he is dead when Alshabaab says he is dead the same way al qaeda confirmed that Osama was dead i am not an uncle tom who blindly follows and believes what the US state department reveals as the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this