Sign in to follow this  
Siciid1986

Ingiriiska oo Ammaanay Militariga Somaliland, Faahfaahina ka Bixiyey Qorshe Lagu Dhisayo Ciidanka...

Recommended Posts

Ingiriiska oo Ammaanay Militariga Somaliland, Faahfaahina ka Bixiyey Qorshe Lagu Dhisayo Ciidanka Badda ee Somaliland

 

 

Addis Ababa-(Qori)-Safiir-ku-xigeenka Safaaradda dawladda Ingiriisku u fadhiya magaalada Addis Ababa ee Itoobiya Mr. Matt Woods ayaa maagalada Bristol ee carriga Britian kulamo kala duwan kula yeeshay jaaliyadda Somaliland, isaga oo faahfaahin ka bixiyey kaalinta dawladdiisu kaga jirto horumarinta, nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo kor-u-qaadista kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland. Sida uu ku soo warramay suxufiga Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo deggan Bristol, Safiir-ku-xigeenka oo ah masuulka safaraadda Ingiriiska ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha Somaliland oo Isniintii toddobaadkan booqasho ku tagay magaalada Bristol, waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee Somaliland ku sugan tahay waqtigan iyo mashaariicda kala duwan ee safaaradda iyo xukuumadda UK ka fuliso Somaliland. Mar uu ka hadlayay heerka Somaliland marayso waxa uu tilmaamay inuu isbeddel fiican oo dhinaca dimuqraadiyadda ah ka dhacay, isagoo xusay in doorashadii dalka ka dhacday sannadkii hore ay sumcad aad u ballaadhan u soo jiiday Somaliland, “Waxa ay Somaliland heshay kalsoonida dunida, waxana kor loo qaaday mashaariicda horumarineed ee Somaliland laga fulinayo,” ayuu yidhi Mr. Matt. Waxa kaloo uu tilmaamay in dalal badan oo markii hore indhaha ka lalinayey ay iminka u soo jeesteen sidii Somaliland wax loola qaban lahaa, waxaannu xusay in xataa Maraykanku dejiyay siyaasad cusub oo uu kula dhaqmayo Somaliland .Dhinaca dawladda Ingiriiska waxa uu sheegay in mshaariicda ka wadaan Somaliland ay ka mid yihiin dhismaha Ciidammada Badda, waxaannu intaa ku daray inay haatan gacanta ku hayaan diyaarinta qorshaha lagu horumarinayo, laguna ballaadhinayo ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, gaar ahaan sidii loo ogaan lahaa baahiyaha kala duwan ee ciidankaas iyo siday u noqon lahaayeen kuwo awood u yeesha ilaalinta ammaanka xeebaha dalkooda iyo la-dagaalanka budhcad-badeedda.Safiirku waxa uu sheegay in saddex bilood gudahood lagu diyaarin doono qorshe dhammaystiran oo ciidanka badda ah, kadibna loo gudbi doono dawladaha caalamku si ay gacan uga geystaan, iyaoo hirgelinta mashruucaasna ay hormuud ka noqon doonto dawladda UK . Waxa kale oo uu xusay inay kor u qaadi doonaan tayada hay’adaha garsoorka Somaliland , isla markaana ku talo jiraan in la abuuro maxkamad wareegta oo tayo leh oo qaada dembiyada budhcad-badeedda. “Sidoo kale waxay dawladda Britain ka caawin doontaa Somaliland kor-u-qaadidda tayada ciidammada booliska Somaliland .”Mr. Matt waxa uu intaa raaciyey in Wasaaradda Horumarinta Caawimada Dibedda ee UK ay xidhiidh toos ah la yeelan doonto dawladda Somaliland , kalana shaqan doonto dhinacyada ammaanka, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iyo kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo weliba horumarinta ganacsiga. “Magaalo kastoo Somaliland ku taal dhibaatada ugu weyn ee laga cabanayaa waa shaqo la’aan, markaa waxay dawladda UK muhiimad weyn siinaysaa si aannu dhibaatada shaqo la’aanta gacan uga geysano oo bulshada fursado shaqooyin loogu abuuro,” ayuu yidhi Safiirka oo ka hadlayay shaqo la’aanta ka taagan dalka. Safiir-ku-xigeenka oo ka hadlayey aragtida dawladdiisa ee ku wajahan shir-nabadeedkii dhowaan lagu soo gebagebeeyey magaalada Widhwidh ee Gobolka Sool iyo heshiiskii ay kala saxeexdeen dawladda Somalland, kooxda SSC iyo dadweynaha degaannada Sool iyo Buuhoodle, waxa uu carrabka ku adkeeyey inay aad iyo aad u soo dhoweynayaan tallaabadaas, waxaannu dawladda Somaliland ku ammaanay gogosha nabeed ee ay u fidisay kooxaha ka soo horjeeday. Waxa kaloo uu tallaabo fiican ku tilmaamay sida degenaanshaha iyo furfurnaanta leh ee Madaxweynaha Somaliland u wajahay xallinta arrimaha gobollada bari ee Somaliland .Mar uu ka hadlayey qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo meelaha loo mari karo waxa uu yidhi; “Inkastoo aannu la soconno dareenka dadweynaha reer Somaliland iyo dhibtii soo gaadhayba, haddana way qurux badnaan lahayd inay Somaliland wadahadal la yeelato maamulka Muqdisho si la mid ah siday Koonfurta Sudan ula hadashay woqooyiga Suudan, waana tallaabo fiican in shirarka muhiimka ah ay Somaliland ka qaybgasho oo ay mawqifkeeda ka caddayso fagaarayaasha caalamka ee lagu kulmo.”Mar safiir-ku-xigeenka Ingiriiska wax laga weydiiyay furitaanta ururrada siyaasadeed ee Somaliland, waxa uu sheegay inay tahay tallaabo fiican oo fursad siinaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, isagaoo xusay in dadweynaha reer Somaliland yihiin qaar u bislaaday dimuqraadiyada oo aan lagu cabsiin karin in la yidhaa ururro diimeedyo iyo kuwa qabali ah ayaa abuurmi doona, waxana muhiim ah in muwaaddin kastaa uu xaq u yeesho in uu urur furan karo, la dooran karo, waxna uu dooran karo. Ugu dambayn, safiirka oo ka hadlayay millatariga ee Somaliland, ayaa tilmaamay in Ciidammada Qaranka Somaliland yihiin awood nabadeed oo mandaqadda Geeska Afrika sugidda amnigeeda kaalin muhiim ah ka qaata, waxaannu tusaale u soo qaatay in ciidammada Somaliland kaalin masuuliyadeed muujiyeen xilligii doorashada iyo waliba doorkii ay ka geysteen kala dhex-galidda beelaha ku diriray degaanka Kalshaale. Waxa kaloo uu xusay in dawladda Britain gacan siin doonto horumarinta awoodda millatariga Somaliland , dhawaana magaalada Burco ka dhiseen cusbitaal ciidan, mashaariic kalana fulin doonaan dhawaan. Mar uu ka hadlayey mawqifka dalka UK ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, waxa safiir-ku-xigeenku yidhi; “Inkasta oo aanaan Somaliland weli aqoonsan, haddana waxaannu ula dhaqannaa sida dal la mid dalalka la aqoonsan yahay.” Xubno badan oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ayaa su’aalo kala duwan waydiiyay, waxaana aakhirkii Safiir-ku-xigeenka shahaado-sharaf guddoonsiiyay Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo magaca jaaliyadda reer Somaliland ugaga mahadnaqay kaalinta fiican ee Safiirka iyo shaqaalaha Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa ka geysteen horumarka Somaliland iyo u-adeegidda bulshada reer Somaliland. Safiir-ku-xigeenku muddadii uu ku sugnaa magaalada Bristol waxa kaloo uu kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

The queen bounced back to its orphans.. Enjoy the praises if that releives 20+ years of cabaad for recongnition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;732692 wrote:
The queen bounced back to its orphans.. Enjoy the praises if that releives 20+ years of cabaad for recongnition.

This is what i call cabaad ;)

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this