Sign in to follow this  
Dhuujiye

Magacaabista Golaha Wasiirada DKMG iyo Qancinta Puntland + U Hogaanka Amarada Labada Shariif (Warbix

Recommended Posts

Dhuujiye   

Muqdisho (RBC) Iyadoo uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa haatan xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ka bilawday wada hadalo hoose oo ku saabsan soo xulista shakhsiyadka ka mid noqonaya golaha cusub ee wasiirada ee DKMG.

Warar hoose oo RBC Radio ka heley madaxtooyada ayaa sheegaya in raysal wasaaraha cusub C/wali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Shariif Axmed ay maanta yeesheen kulankii ugu horeeyey ee ay uga arinsanayaan raga dhankooda ay ku soo darsanayan golaha cusub ee xukuumadda waxayna haatan bilaabeen inay xushaan asxabtooda ugu dhow.

Sidoo kale afhayeenka barlamaanka KMG Shariif Xasan, oo sida uu dhigayo heshiiskii Kampala qeybtiisa ku leh golaha wasiirada ayaa isaguna soo gudbistay liis dheer oo ay ku qoran yihiin shakhsyaad uu rabo in golaha xukuumadda ay ka mid noqdaan, waxaana shakhsiyaadkaasi ugu cad cad C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo maalmo ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Ibbi

C/raxmaan Ibbi ayaa xukuumaddi Raysal wasaare Cumar C/rashiid ka ahaa wasiirka kalluumeysiga, waxaana intii uu xilkaasi hayey uu lunsaday lacago fara badan, isagoo ka mid ahaa dadkii ku jirey warbixintii fadeexadda ahayd ee guddiga UN-ka ku cadeeyeen iibsiga viisooyinka dawlada la siiyo iyo seminaarada dibadda.

C/raxmaan Ibbi ayaa maanta iyo shalay ku sugnaa hoyga Shariif Xasan oo hadda saaxiibo yihiin, wuxuuna sugayaa inta magaciisa ku soo baxayo liiska uu ku dhawaaqi doono raysal wasaare C/wali Gaas.

Xasan Abshir Faarax

Sidoo kale raga kale ee Shariif Xasan liiskiisa ku soo bandhigay, uuna u rabo golaha wasiirada waxaa ku jira Xasan Abshir Faarax oo Puntland ka soo jeeda hase yeeshee aad ugu dhow labada Shariif.

Ma cadda in Xasan Abshir uu taageero ka heysto madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole taasoo u fududeyn kari lahayd inuu xil wasiirnimo ka helo dawlada, laakiin Xasan Abshir wuxuu aad ugu xiran yahay Shariif Xasan tasoo uu rajo weyn ka qabo.

C/raxmaan C/shakuur

C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo isaguna xilka wasiirka qorsheynta ka soo qabtay xukuumaddii Cumar C/rashiid, kana mid ah saaxiibda ugu dhow Shariif Xasan aya ku jira liiska Shariif Xasan uu wato.

Waxaana C/raxmaan C/shakuur uu la socday Shariif Xasan tan iyo markii uu dalka ku soolaabtay ee uu ka yimid Kampala oo ay wada yimaadeen magalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa raggii DKMG ku soo galay ururkii Dub xoreynta ee Asmara, saaxiibo dhowna ahaan jireen madaxweyne Shariif ayey beryihii dambe iskhilaafeen, taasoo keentay inuu dhanka Shariif Xasan la safto.

Mr. C/raxmaan C/shakuur wuxuu ahaa ninkii gacantiisa ku saxiixay heshiiskii 2010 lagu iibiyey badda Soomaaliya qeyb ka mid ah oo Kenya loogu wareejin lahaa taasoo markii dambe ay diideen golaha barlamaanka.

Dadka yaqaana Mr. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in xil wasaaradeed loo magacaabo.

C/risaaq Juriile

Proff. C/risaaq Cismaan Juriile oo mar wasiir ka soo noqday dawlidihii KMG ee xilligii C/laahi Yuusuf, kana mid ah asaabta Shariif Xasan ayaa isaguna la hadlhayaa inuu xil heli doono, marka loo eego saamiga uu heli karo Shariif Xasan.

Proff. C/risaaq Juriile oo hadda iska soo xadiriyey Muqdisho wuxuu hore u ahaa macallimiintii Jaamacadda Lafoole xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waana shakhsigii uu Sharif Xasan u rabay in loo dhiibo xilka raysal wasaaranimo ee Soomaaliya inkastoo uu madaxweyne Shariif arintaa ka hor yimid.

Proff. Juriile oo ka soo jeeda gobolka Bari ee Puntland waxaa la sheegaa inuusan wanagsaneyn xiriirka uu la leeyahay maamulka Puntland ee madaxweyne Faroole.

Proff Juriile waxuu kaloo kamid ahaa ragii dagaalka dadban kula jirey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/Laahi Yuusuf kadibna sababtay in uu xilkii iska casilo.

Shakhsiyaadka kale ee uu wato Shariif Xasan waxaa ku jira Cali Axmed Jaamac Jangali oo marar badan wasiir ka soo noqday DKMG, iyo Cumar Islow oo ah gacan yaraha Shariif Xasan.

Dhanka Shariif Axmed

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif ayaa isaguna wata xubno uu rabo inaysan masraxa ka maqnaanin, waxaana ka mid ah:-

1- C/kariin Xasan Jaamac oo hadda ah wasiirka warfaafinta. C/kariin waxaa la sheegaa inuu yahay saaxiibka ugu fiican ee madaxweynaha isagoo xitaa aan ka harin marka uu safarada dibadda uu u baxayo madaxweynaha.

Hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in haddii C/kariin uu wasiir noqdo uu caqabad ku noqonayo Cali Axmed Jangali oo ay isku deegaan ka soo jeedaan dhanka Shariif Xasana ka socda, taasoo ay adkaaneyso in labada nin ay xukuumadda wada galaan.

2- C/rashiid Khaliif Xaashi oo hadda ah wasiirka hawlaha guud. C/rashiid wuxuu ahaan jirey agaasimaha xafiiska madaxtooyada ee Sheekh Shariif, waxaana lagu tilmaamaa nin ay isku manhaj yihiin Sheekh Shariif aadna isu fahmeen.

Waxaase jirta in Mr. C/rashiid Khaliif ay sii yaraaneyso kalsoonida uu ka heysto deegaankiisa Puntland gaar ahaan beeshiisa oo durba soo bandhigtay in nin kale loogu bedelo booskiisa.

3- C/qaadir Macalin Nuur oo hadda ah wasiiru dawlaha madaxtooyada. Mr. C/qaadir oo markii hore ku yimid awood qeybsiga Ahlu-suna waxaa uu noqday asxaabt ugu fiican ee madaxweynaha, wuxuuna xitaa yeeshay dhaqdhaqaaq dhanka dagaalka ah ka dib markii uu dhowr jeer ka khudbeeyey furimaha hore ee dagaalka.

C/qaadir waxaa dhanka kale dhalay wadaad caan ku ah dariiqada Suufiyada ee wadanka Soomaaliya oo geeriyooday Macalin Nuur kana mid ahaa wadaadadii diinta ee waqtiga dheer dadka waxbari jirtay.

4- Maxamed C/laahi Omaar oo hadda ah wasiirka arimaha dibadda. Mr Omaar waxaa dhici karta in booskiisa loo daayo maadaama uu xilkaasi ku hayo awood qeybsiga 4.5 isagoo ka soo jeeda deegaanada Somaliland oo DKMG ay ilaalineyso awood qeybsiga beelaha.

Mr. Omaar oo la sheego inuu yahay nin qabow, wuxuu dhanka kale xiriir aad u dheer la leeyahay madaxweynaha oo la sheego inay xagga siyaasadda isku fahmeen.

5- Maxamuud Cabdi Garweyne oo hadda ah wasiirka ganacsiga. Mr. Garweyne oo welgii ka tirsanaa ururkii Al-Itaxaad waxaa lagu tilmaamaa nin madaxweynaha xagga Itaxadnimada ay iska weheshadaan, laakiin waxaa xusid mudan in Mr. Garweyne uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha koonfurta Soomaaliya oo saamiga beeshiisa uu ku yimid wallow uu ka mid ahaa qurbe joogtii uu keenay Raysal wasaare Farmaajo.

Waxaa jira xubno kale oo dhowaan ku soo biiray taageerayaasha madaxweyne Shariif, waxaana ka mid ah siyaasiga Cali Ismaaciil Cabdi (Giir) oo isaguna aad uga rajo qaba in xil wasaaradeed ee ka helo madaxweynaha.

Giir kuma jirin dawlahadan KMG ah balse wuxuu haatan wadaa olole uu ku dhacsanayo xil cusub.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in waqti dhow si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha cusub ee wasiiradda, iyadoo raysal wasaare C/wali Maxamed Cali la arki doono sida uu u kala maareeyo una kala shaandheeyo liisaska labada Shariif ay wataan oo ay adag tahay in an loo hogaansamin maadaama raysal wasaaraha laftiisa uu ku yimid girgortan.

Arintan ayaa soo baxaysa iyadoo maanta Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu ka dhawaajiyey in uu ka hor iman doono haddii golaha cusub ee wasiirada DKMG qeyb ku yeelan waayo, taasoo iyaduna hal xiraale cusub ku ah raysal wasaare C/wali oo ay u taalo qancinta Puntland iyo u hogaansanka amarada labada Shariif.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this