Sign in to follow this  
Dhuujiye

Madaxwaynaha Puntland oo soo jeediyay in lagala tashto wasiirada kasoo jeeda Puntland ee ka mid noqo

Recommended Posts

Dhuujiye   

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabada 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay magacaabista ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda KMGS.

 

Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ogolaatay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada ee la filayay in la qabto ka hor bisha Augsto islamarkaana muddo sanad ah loogu kordhiyo hogaanka sare ee dowladda KMGS.

 

Waxaa uu sheegay in ogolaashahaasi ay tahay mid ku salaysan in mudada sanadka ah ee loogu kordhiyay dowladda KMGS ay talooyinkeeda wax ku yeelato maamulka Puntland,kadib markii dowladda Puntland ay xiriirkii wada shaqayn ay horay ugu jartay dowladda KMGS.

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay in magacaabitsa ra’isal wasaaraha dowlada KMGS uu ahaa mid lagala tashtay maamulka Puntland islamarkaana aysan filyn in gadaal laga toogto maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhageyso madaxwaynaha oo ka hadlaya arintan

 

Waxaa uu sheegay madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole in loo baahanyahay golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Cabdiwali Maxamed Cali in laga tashto maamulka Puntland islamarkaana wasiirada kasoo jeeda Puntland ee qaybta ka noqonaysa xukuumadda in loo baahanyahay in maamulka Puntland uu raali ka yahay.

 

“Raga dowladda u galaya Puntland waa inay noqdaan rag aan raali ka nahay oo taladeedu leeynahay,waa qasab hadii kale arintu meeshaydii ayay ka bilaabmaysaa” ayuu yiri madaxwanaha dowladda Puntland.

 

Waxaa uu intaasi ku daray inaysan ogolaan doonin in rag sheegta Puntland islamarkaana colku ah maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay inay ka mid noqdaan wasiirada cusub ee uu soo magacaaabi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Prof.Cabdiwali Maxamed Cali.

 

Dowladda Puntland iyo dowladda KMGS ee uu hogaamiyo madaxwayne Sheekh Shariif ayaa waxaa horay u jiray khilaaf soo noqnoqday oo la xiriira dhinaca siyaasadda iyo deeqaha ay dowladda faderaalka ee ka hesho beesha caalamka,taasi oo uu maamulka Puntland uu ka dhaliilay inaan waxba laga siinin taageerada ay Dowladda Faderaalka ay ku hesho magaca Soomaaliyeed,waxaana taasi ay keentay in maamulka Puntland uu sanadkii la soo dhaafay uu jaro xiriirkii Dowladda Faderaalka.

 

Si kastaba macada go’aanka uu ra’isal wasaaraha dowladda KMGS uu ka qaadanayo hadalka soo yeeray madaxwaynaha Puntland,waxaana arintan ay imaanaysaa xilli ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda KMGS laga sugayo inuu soo dhiso golihiisa xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhuujiye   

Faroole lacagtii Tax ahayd ee uu kaqadan jiray Galkacyo Iyo Bossaso ba deeqiwaysay Marka lacag buu karabaa wasiirada Puntland lakin Dr. Abdiwali maka yeelayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this