Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian troops vacate Awaare district

Recommended Posts

(QOL) Wararka naga soo gadhaya Degmada Awaare ee Gobolka Jarar ayaa xaqiijinaya in ciidanki milatariga Itoobiya ee daganaa Degmada Awaare ay gabi ahaan ka guuren sidoo kale Dig iyo Nustariiqa oo ka tirsanaa Degmada Awaare ayay ka guuren ciidanki Itoobiya lama garanayo sababta keentay in ciidamadani faaruqiyaan xeryahooda.

 

Waa markii ugu horaysay ee ciidanka Itoobiya ka guuraan Degmada Awaare tan iyo intii ciida ********ya uu sogalay gumaysiga Itoobiya Degmada Awaare waxaa ku yaalay shan xero oo ay ciidanka gumaysiga Itoobiya ka daganaayen Degmada waxayna kala ahaayen xerada ku taala Eeribodki hore ee Degmada xerada ciidanka ee ku dhawayd Dugsiga sare xerada ciidanka ee ku taal wadada uga baxda Degmada dhanka Hergaysa xerada ciidanka ee kutal wadada uga baxda dhanka Dhagaxbuur iyo xerada ugu wayn oo ahayd Kifla doorka kuna taalay badhtamaha magaalada.

 

Sido kale waxaa ku taalay xero ciidan oo ay daganaayen maleeshiyada Taqaaqaygu taliyihii ciidanka Itoobiya ee Degmada Awaare oo lagu magacaabo Gush ayaa intii ayna magaalada kabixin cidanka Itoobiya soo shiriyay dadkii isagoo u sheegay in amaanka magaalada ay ku sii wareejiyen maleeshiyo aan saa ubadnayn oo jogtay magaalada.

 

Dhankakale maamulkii ku sheega Degmada Awaare ayaa u soo baxsaday dhanka xarunta Gobolka Jarar ee Dhagaxbuur sida ay Qorahay Online u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Dhagaxbuur sidoo kale ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaaa Dig iyo Nustariiqa oo katirsanaa Degmada Awaare ayaa la xaqiijinayaa inay soo gaadhen Degmada Guna-Gado

Wixii ka soo kordha guuritaanka ciidanka Itoobiya ee Awaare Dig iyo Nustariiq gadaaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa ee ha ka fogaanin Qorahay Online oo diiradda ku haysa dhamaan xaaladaha ka taagan caalmka gaar ahaan ********ya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this