Sign in to follow this  
Somalina

Al-shababiwood

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa xalay kusoo bandhigay xarunta degmadaas ee Jowhar filimaan ku saabsan dagaallada ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmarya magaalada Muqdisho, iyadoo goobta lagu soo bandhigay filimaantan ay ku sugnaayeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

 

Filimaantan ayaa waxaa isku-soo-duway telefishinka Al-Kataa'ib ee ku hadla afka Xarrakada Al-shabaab, waxaana qayb ka ahaa qaraxyo lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda ku leeyihiin Muqdisho.

 

Dadweynaha degmada Jowhar ayaa filimaanta daawaday, iyadoo dadkii goobta ku sugnaa ay sheegeen inay arkeen maydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu jiidayo waddooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

 

Saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaa shacabkii aflaantaas daawanayay ku booriyay inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ay sheegeen inay yihiin cadow duulaan ku ah diinta Islaamka.

 

Gobollada dalka qaarkood ayaa sidan oo kale loo geeyay filimaantan si ay dadku u daawadaan, iyadoo magaalada Muqdisho laga baahiyay iyagoo maqal iyo muuqaal ah telefishinka Al-Kataa'ib iyo idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Xarrakada Al-shabaab.

 

Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay awood ku qabsato dalka oo dhan, si ay ugu soo rogto ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Militants want aid groups back

 

World Wires Wednesday, July 06, 2011

 

Somalia's most dangerous militant group says it may allow aid agencies back into the territories it controls considering the region's crippling hunger and drought crisis. A spokesman for al-Shabab, Sheik Ali Mohamud Rage, said late Tuesday that the group wants to open communication with aid agencies to negotiate their return. Rage said the aid groups' only objective can be to help the needy. Al-Shabab in 2009 began to ban aid agencies, fearing the groups could host spies or promote an un-Islamic way of life.

 

But in recent weeks tens of thousands of Somalis have fled militant-controlled areas because of a lack of food. A severe drought is causing herds of animals to die, and aid agencies are warning of impending disaster.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

"Cid walba oo gargaaraysa dadka Soomaaliyeed Muslim iyo cid kaleba waan soo dhaweynaynaa"

 

Arbaco, July 06, 2011 (HOL) – Afhayeenka guud Xarrakada Mujaahidiinta Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saacado ka hor shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo gacan siinaysa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Sheekh Cali Dheere, ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id ku sheegay inay sameeyeen guddi ka shaqeeya gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen, kuwaasoo uu madax u yahay Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow oo ah madaxa siyaasadda iyo wilaayaadka (gobollada) ee Xarrakatul Shabaab.

 

"Cid walba oo gargaaraysa dadka abaaruhu dhibaateeyeen oo Muslimka ah ama aan muslim ahayn maanta wixii ka dambeeya waxay lasoo xiriiri karaan mas'uulka ugu sarreeya guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in cid kasta oo aan dano kale lahayn oo keliya doonaysa inay caawiso shacabka gacan ayaan ku siinaynaa, ciddiise wax kale rabta waan ka qaban doonnaa.

 

"Guddiga gurmadka abaaraha waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cid walba oo gargaar siinaysa shacabka, waxaana guddiga ka mid ah walaalkeen Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed," ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa raaciyay.

 

Sidoo kale, afhayeenka Xarrakada Al-shabaab wuxuu baaq u diray ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii lagu gargaari lahaa dadka walaalahood ah ee dhibaateysan, isagoo sheegay in Alle uu ajar ugu bedelo kaalmadii ay horay u geysteen haddana mid kale looga baahan yahay.

 

Guddiga cusub ee gurmadka Abaarha ee ay Xarrakatul Shabaab magacowaday ayaa la sheegay inay taakuleyn doonaan dadka abaaruhu ku haystaan gobollada ay ka taliyaan, sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan cid walba oo dadkaas gargaaraysa.

 

Baaqa Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo kumanaan qof ay bilaabeen inay isaga barakacyaan gobollada dalka ee ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen, kuwaasoo soo galaya magaalooyinka waaweyn sida Magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dagaallo.

 

Ugu dambeyn, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu dagaalladii ka dhacay Dheg-tuur isagoo sheegay inay ahaayeen dagaallo sokeeye oo aan ku bannaanayn diinta Islaamka, isagoo ku baaqay in la joojiyo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wararka ka imaanaya deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay shalay rasaas ay ku fureen goob ay Kubad ku ciyaareysay Dhalinyaro uu ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaradii ciyaareysay.

 

Sida ay sheegayaan wararka dilkan ayaa ka dambeeyay markii dhalinyarada oo goob Kubad ku ciyaareysay ay ku amreen Ciidamo ka tirsan Shabaab inay Kubada joojiyaan, isla markaana ay safaf galaan, hase ahaatee dhalinyaradii ay ka kala carareen.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas uu furay mid ka mid ah askartii ay haleeshay wiil dhalinyaro ah, taasoo uu u geeriyootay.

 

Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada uu u durba u dhintay rasaastii uu ku furay askariga, isla markaana ay ka baxsadeen goobta dhalinyaradii kale.

 

Qof goob joogaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dhacdadan oo aheyd mid dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen, isla markaana lagu weeraray dhalinyaro aanay waxba galabsan oo kaliya Kubad cagta ciyaareysay.

 

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa hadal hayay falkii shalay lagu dilay wiilka dhalinyarada ee Kubada ciyaareyay, iyadoo warar goor dhow na soo gaaray ay sheegayaan in la qabtay askarigii dilka u geystay wiilka dhalinyarada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dad badan ayaa la badbaadin lahaa hadii ay horay u ogolaan lahaayeen, hada waa ku toosan yihiin, waana soo dhoweynayaa

Axmed Diiriye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its funny how they now want to work with the Gaalo as the drone strikes have increased and they have lost the Bakara cash cow in Mogadishu.

This movie is a comedy and not as dramatic as their old releases.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Gaal hala dilo iyo caawimaadiisa waan rabnaa labo meel wada gasha ma'aha! As the saying goes "afMuslim mise afGaal" hala yimaadaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;732374 wrote:
Its funny how they now want to work with the Gaalo as the drone strikes have increased and they have lost the Bakara cash cow in Mogadishu.

This movie is a comedy and not as dramatic as their old releases.

Crazy stuff innit! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al Shabaab xaqdaro bay wadeen, Alla baana dadkii muslimiinta kala jirsaday. Waxaa isku soo beegmay arimahaan oo dhan waqtigaan xaadirka ah:

 

1-moralkii oo ka dhintay

2-dhulkoodii oo gaajo iyo faqri waratay

3-dadkii soomali iyo gaalo ayaga oo horay cadow uga dhigtay

4-dadkii oo dhulkoodii is xun uga barakacay

5-Duqeyntii cirka oo lagu bilaabay ayada oo drones la isticmaalayo

6-Amisom oo la kordhiyay oo 12,000 hada ah, iyo Jabuuti oo ku soo biirayso

7-Saxansaxan dowladeed oo la dareemayo ayada oo dad kooban oo tayeysan la geeyay wasaaradaha, oo adeegii dowlada la dareemayo

8-Xamaasad Soomaaliyadeed oo aad loo dareemay Kowda Luul

9-Dadkii oo bislaaday

10-Dowlada oo mucaawino badan heshay iyo ayada oo masuqmaasuqii yareeyey

Just got this from another site..

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa yaab in dadkii shalay diidanaa eey maanta ogolaadeen gargaarka bini aadanimo , waxaase muhiim waqtiga uu ku soo beegmay go'aankaan . waxaase laga yaabaa in arinku uu laxiriiro qodobadan soo socoto midkood :_

1: in dadkii lalaayay ee sida fazuul iyo yarkii la dhintay iyo madax kaloo waaweyn oo la laayay ee ka mas'uul ahaayeen diidmada .

2: in uu jiro khilaafaad dhaxdooda ah ,ooy qaar daruuro ka dhigeen in loo furo wado dadka kaalma gaarsiin karo shacabka ,qaarna eey diidan yihiin

3: in isbadalo iyo dib isugu laabasho eey suubiyeen kadib dhimashadii usaama bin laden AUN .

4: iney dareemeen in uu shacabkii nacay taageeradiisiina aad u yaraatay maadaama eey ka celiyeen dadkii wax ukeeni lahaa ayagana eysan heynin awood eey ugu gargaaraan ,so wexey rabaan in taageerada shacabka dib u helaan .

qodobadaan oo dhan waa macquul , Ellah ayaana og waxa saxda ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

George Clooney speaks :D

--------------------

 

Somali Islamist Leader Accuse Arab League of Laxity Towards Somalia Crises

 

Hiiraan Online

Friday, July 08, 2011

 

Somalia’s opposition Islamists on Friday accused the Arab League and Muslim nations of failing to help restore peace in the troubled country and their laxity over drought intervention measures.

The former leader of Somalia’s defunct Hisbul Islam party, Sheikh Hassan Dahir Aweys said the laxity of Arab nations regarding the aggravating situation of the country is a powerful testimony of negligence and an utter failure of Arab and Muslim leaders.

 

"Our Arab brothers have neglected us. The Arabs have abandoned us because of just a problem that is the conflict” the enraged leader said

 

“We are appealing for immediate assistance from the Arab and Muslim nations to assist the people of Somalia”

 

Speaking at a relief food distribution centre in the restive capital Mogadishu, the religious leader said the Arab League have watched and allowed Somalia to be invaded by foreigners who are the enemies of the Somali people.

 

Sheikh Hassan took issue with the inaction of the Arab League and member countries saying when it comes to Somalia issue, a member country, the League had made little or no financial and political support.

 

He said it is yet time for Muslim nations to re-evaluate their influence in helping the poor and helpless Somalis especially at this time when a crippling drought condition is sweeping large swathes of the country.

 

Sheikh Hassan whose party joined Islamist Al-shabaab a few months ago appealed for a drought mitigation effort for Somalia where several seasons of failed rains is culminating into a major catastrophe.

 

“We are appealing for an emergency aid to help drought-hit families in the country, the situation is at the moment very bad” the sheikh said

 

Somalia joined the Arab League in 1974 at the height of the military regime of President Siad Barre and has been an active member of the league until the ouster of Barre in 1991.

 

The organization’s 21 Arab nations have been dealing lethargically with Somalia’s political sickness that has been continuing for a period of two decades.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali militants order schools to teach Arabic

 

 

MOGADISHU (Reuters) - Somalia's al Shabaab rebels have banned English from schools in the southern port city of Kismayu they control and demanded teachers switch the curriculum to include Arabic and Islamic studies.

 

The latest edict shows the disconnect between the al Qaeda-allied rebels intent on stamping harsh laws on areas they control, and Somali leaders who have agreed to hold an election next year even though the internationally backed government barely controls any territory beyond the capital.

 

The new school ruling also comes just days after the rebels ordered businesses on the outskirts of Mogadishu to rip down posters in English and Somali and replace them with Arabic ones.

 

Teachers in Kismayu said al Shabaab ordered the syllabus be changed from the beginning of this month after a week of meetings between the two parties.

 

"We used to teach the students Kenyan, Sudanese or Malaysian curricula which are written in English so that students can understand the material when they reach university," Mahmud Ali, headmaster of Mohamed Jamac secondary and primary school in Kismayu, told Reuters by phone.

 

"But now we can't teach because we have to change everything, including our teachers who are mostly Kenyan and don't speak Arabic. We also used to teach students Somali literature, we don't know what to do now," he said.

 

The southern port city of Kismayu has about six secondary schools that teach in English, while most of the primary schools already teach in Arabic.

 

Al Shabaab have in the past sought to recruit school children to join a holy war against Somalia's government and its allies. They have already banned English and science studies in other parts of southern Somalia.

 

Read the rest of the article at http://af.reuters.com/article/topNews/idAFJOE7860H320110907?pageNumber=2&virtualBrandChannel=0&sp=true

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this