Sign in to follow this  
NASSIR

Governor of Sanaag calls for Puntland to lift the supply route Blockade

Recommended Posts

NASSIR   

June 17, 2011

 

Maamulka gobolka Sanaag ee dowladda Puntland ayaa ka hadlay wadooyinka isku xira magaalada Boosaaso iyo degmada Laasqoray oo mudooyinkii ugu dambeeyay xirnaa.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dowladda Puntland Maxamuud Saciid Nuur Dabayl oo waraysi siinayay barnaamijka Xog Ogaal ee ka baxa Horseed Media ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka isku xira magaalada Boosaaso iyo degmada Laasqoray,kadib markii sida uu sheegay ay xireen gudiga nabadgalayada Puntland.

 

Xirnaanshaha wadooyinka ayuu sheegay gudoomiyaha inay la xariirto dagaalka ay kula jirto dowladda Puntland kooxda Maxamed Saciid Attam oo weeraro rogaal celis ah dhowaan ku soo qaaday fariisimo ciidamada Puntland ku leeyihiin buuraha Galgala.

 

Waxaa uu sheegay inay wadooyinkan ay ku suganyihiin ciidamada Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay diideen in qaar ka mid ah gaadiidka isku safraan labada degmo ee Laasqoray iyo Boosaaso.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl ayaa sheegay inay cabashooyin u soo gudbiyeen shacabka gobolka islamarkaana ay u sheegeen inaysan wax raashiin ah uga soo gudbi karin magaalaada Boosaaso. Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay gudoomiyaha inuu ka codanayo gudiga nabadgalyada dowladda Puntland inay wax ka qabtaan arimahaan.

 

Hadalka gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada Puntland dhaqdhaqaaqyo balaaran ay ka wadeen wadooyinka isku xira Boosaaso iyo Laasqoray,iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda Puntland oo ku saabsan arimahan Hadaba waxa mudooyinkan soo badanaya cabudhiska ay wado Dowlada Faroole taasoo sabab karta inay dhaliso kala fogaanshiyo u dhaxaysa dadka deegaanka iyo Maamulka uu gadhwadeenka ka yahay Mr Faroole kaasoo caadaystay inuu ku mashquulo arimo aan khusayn P/land laakiin uu dhaqaale ku raadinayo sidii uu mar labaad ugu soo bixi doorashada soo socota.

 

Waxaase loo sheegayaa Madaxweyne Faroole inaanay kusii jirayn Go,doominta aad ka wada Galbeedka Gobolka Bari oo mudo kuu dabranaa sidii aad xal ugu heli lahayd Waxaana hada la soo gaadhay xiligii dulqaadku sii dhamaan lahaa waana mid kugu keeni doonta cawaaqib xumo aan maaro hodhow loo helin

 

halkan guji si aad u dhagaysato warka usiiyay Maayarka Laasqoray VOA

 

Maakhir Media Xafiiska Ba

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Indeed ya Suldaan but this is nothing new.

 

JB, thanks for the NGONGE thread. I missed many interesting discussions. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The mayor of LaasQoray discusses the road blockade, which has been in place for more than a week, in an interview with a local radio SPR

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this