Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Fazul Abdullah killed in Mogadishu

Recommended Posts

Just In .................. The mastermind of the Nairobi & Dar Es Salam US Embassy bombings has been killed in Mogadishu.

 

 

Stay tuned ...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Degel   

Jiiroow Bakaal;728016 wrote:
They killed Fuaad Shangole

 

They killed Hebelka al-Amriki

 

These guys who ever they kill keeps coming back:D:D:D

KKKKK. Proof is needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Arbacadii tagtay ee taariikhdu ahayd 8-da June 2011, xilli habeen ah dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda u qaabilsanaa Bariga Afrika. Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay saarnaayeen labo nin oo midkood ajnabi ahaa.

 

Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase u awood sheegtay ciidamada qalabka sida oo ku guuleystay in ay dilaan labada nin. Ka dib markii laamaha ku shaqada leh ay baaritaan ku sameeyeen ninkan ajnabiga ah, lagana qaaday dhecaanka DNA ee lagu ogaado haybta qofka, waxaa la xaqiijiyay in uu yahay Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidda ee Bariga Afrika.

 

Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan uu ka soo safray dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya.

Fazul Cabdalla waxa uu adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan ah. Waxaana ka muuqatay dariiqii uu uu soo maray.

 

Ninkan waxaa sidoo kale laga helay Sawirro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden. Ciidammada Sooma-jeestayaasha ah ee dilay ninkan argagixisada ah, waxay tusaale cad u yihiin feejignaanta iyo kartida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ciribtirka argagixisada caalamiga ah ee gabbaadka ka dhiganaya dalkeenna, dhibaatada joogtada ahna ku haya dalka, dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

 

Dowladda Soomaaliya waxay abaal marin u qalanta howsha ay Qaranka u qabteen siin doontaa askartii dilay dhagar qabe Fazul Cabdalla oo khatar ku ahaa Caalamka oo dhan

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Saxaafadeed 034/2011

 

Dowladda Soomaaliya oo Cadeysay Dhimasadii Fazul Cabdalla.(Muqdisho, 12 Juun, 2011) – Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Arbacadii tagtay ee taariikhdu ahayd 8-da June 2011, xilli habeen ah dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda u qaabilsanaa Bariga Afrika.

 

Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay saarnaayeen labo nin oo midkood ajnabi ahaa.Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase u awood sheegtay ciidamada qalabka sida oo ku guuleystay in ay dilaan labada nin.

 

Ka dib markii laamaha ku shaqada leh ay baaritaan ku sameeyeen ninkan ajnabiga ah, lagana qaaday dhecaanka DNA ee lagu ogaado haybta qofka, waxaa la xaqiijiyay in uu yahay Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidda ee Bariga Afrika.

 

Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan uu ka soo safray dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya.

 

Fazul Cabdalla waxa uu adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan ah. Waxaana ka muuqatay dariiqii uu uu soo maray.

 

Ninkan waxaa sidoo kale laga helay Sawirro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden.

 

Ciidammada Sooma-jeestayaasha ah ee dilay ninkan argagixisada ah, waxay tusaale cad u yihiin feejignaanta iyo kartida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ciribtirka argagixisada caalamiga ah ee gabbaadka ka dhiganaya dalkeenna, dhibaatada joogtada ahna ku haya dalka, dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

 

Dowladda Soomaaliya waxay abaal marin u qalanta howsha ay Qaranka u qabteen siin doontaa askartii dishay dhagar qabe Fazul Cabdalla oo khatar ku ahaa Caalamka oo dhan.

 

Dhamaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xogta Ninkii la socday Fasuul Cabdalla oo Radio Muqdisho Helay.Xog-hoose.

 

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal haynta dilkii ninkii Madaxda uga ahaa Al-qaacidda Bariga Africa oo lagu magacaabi jray fasuul Cabdalle, Waxaana la xaqijiyay in mid ka mid ah labada nin ee ciidadma Dolwadu Khaarijiyeen uu ahaa, Waxaase jiray Nin kale oo ku dhintay Howlgalkaas.

 

Hadaba ninkaas ayaan u kuurgalnay sidii aan u helilahayn Cidda uu yahay iyo waxa uu uqaabisanaa Al-qaacidda,

 

Ninkaan waxaa Magacisia rasmiga ah la yiraahdaa Muuse Xuseen ,Wuxuuna ku dhashay dalka Kenya magaaalda Wajeer, Wuxuuna ahaa nin muhiim u ahaa Holwlgalada Al-qaacidda ee dalalka bariga Africa, Waxaana looga yaqiinay Gudah Shabaab iyo al-qaacidda Magaca C/llaahi Dheere.

 

C/llaahi Dheere wuxuu ka go’naa lug, Wuxuuna uga go’ay dagaaladii maxkamadaha ay la galeen Cabdi qaybdiid sanadkii 2006. kaddib wuxuu u baqoolay dhanka Kenya, Wuxuuna joogay Magaalada Nirobi halkaas ayuuna ka waday abaabulka howlaha Shabaab iyo al-qaacidda,waxaana jiray in marar badan ay qabteen Ciidamda Biliska kenya balse damiin lagu sii daayay laguna amray in uusan ka bixi karin Kenya sida aan ku helnay Xog hoose oo uu Radio Muqdisho helay,

 

Musue wxuu ahaa nin ay aad isugu dhaw yihiin Fasuul cabdalla wuxuuna ahaa xilligii uu dhimanaaye Daralka Fasuul, Wuxuuna qayb wayn ku lahaa Kooxdii gaysatay qaraxii kambala ee sanadki Hore.

 

Muuse Sidoo kale waxa uu ka soo baxsaday Dalka kenya Fep 2011, xilli la qabtay rag muhiim ah oo ka mid ahaa shabakaddii fulisay Qaraxii Kambala.

 

C.llaahi Dheere waxa uu ahaa Nin dhallin yaro ah o fir fircoon, wuxuuna haa nin gacan ku dhiigle oo lagu tuhansanaa dilka dad badan. Muuse Xuseen waxaa la soo baxsaday Walaashiis oo lagu magacaabo Zam xam oo ay xagga Hooyo walaalo ka yihiin aabaheedna uu yahay Kenyaati aan ahayn Soomaalida Kenya iyo nin qabay gabadhaas oo Booran ah.

 

Muuse waxaa lagu yaqiinay Shirqoolada iyo ismaahinta oo uu xariif wayn ku ahaa, Muuse Hooyadiis iyo Aabihiis way geeriyoodeen xilli uu ahaa nin yar, Wuxuuna sidoo kale xiriir lalahaa Wadaadka shabaabka iyo Al-qaacidada u bixiya fatwada Ee lagu magacaabo Xassaan oo deggan Magaalada Nirobi,

 

Muuse oo shabaab u Yaqaaniin C/llaahi Dheere ma lahayn Aqoon lagu tilmaamo ama shahaadooyin balse maskaxdiisa aya lasheegay in uu ahaa nin farsamada iyo xiriirada ku fiican, Wuxuuna masuul ka ahaa Xiriirka Shabakadaha Al-qaacidda ee Soomaliya iyo Guud ahaan Bariga Africa,

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow, the second pic, is fake and comp geenerated.

and by the way, fazul is not the man ladilay. if you closely follow the news, this two men came from ceelasha biyaha, and they were headed blabla, lakiin wey soo lumeen, a canadian man and a kenyan somali called muuse. allah hauraxmado.

 

after all, there's no victory about the death of a muslim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ninyahow war waa Fuzul 2 nin oo caadi miyaa heysta so many passports and cash,, by the way who said it is a victory? War dowladd ba ma jirtee shabaab yaaka reyni doono shiit

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this