Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament speaker receives Dutch Minister for EU Affairs and International Cooperation

Recommended Posts

Wasiirka Iskaashiga Caalamig Ah Iyo Arimaha Yurub Ee Waddanka Holland Mr.Pen Knapen Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Loo Sameynayo Golaha Guurtida Somaliland.

Hargeysa (Waaheen) Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen oo safar qaatay hal maalin ah ku yimid Somaliland, wasiirku waxa kale oo uu dhagax dhigay Dhismaha Fooqa ah ee loo dhisayo Golaha Guurtida ee Somaliland,

 

Kulankan ay yeesheen ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Golaha wakiilada ee Caasimada Hargeysa.

 

Guddomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan (Cirro) iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Baashe ayaa uga waramay Waftigaasi Horumarka Somaliland ay gaadhay iyaga oo u sheegay in Somaliland gooni isu taagtay 1991kii Xiligaas oo ay xornimadeeda kala noqotay Dalkii laysku odhan jiray Somaliya, waxa kale oo ay u sheegen in Somaliland wax badan qabsatay.

 

Intaasi ka dib ayaa Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland Mr.Pen Knapen iyo Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxman (Cirro) waxay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhisme Cusub oo loo sameeynayo Golaha Guurtida Somaliland.

 

Hadaba Waasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen ayaa waxa uu qabtay shirjaraa’id oo uu kaga hadlay safarkan uu Somaliland ku yimid waxanu ku nuxnuxsaday in Somaliland tahay Dawlada waxbadan qabsatay. Waxana uu yidhi “Waxaanu Somaliland ka taageernaa dhincayo badan sida dhismayasha labada Gole, gaar ahaan kan aanu maanta dhagax dhigayno ee dhismaha Golaha Guurtida, waxa kale oo aanu aad ula dhacnay Nabadgelyada Somaliland ka jirta, oo ah mid aad taabo gal u ah, waxa kale oo aanu xukumada Somaliland ku hambalyeynaynaa doorashiidii aad u qurux badnayd ee somalialnd ka dhacday, Dawlada aan ka socdo iyo Somaliland xidhiidh fiican ayaa ka dhexeya.”Ayuu yidhi Wasiirka Holland

 

Mar la waydiiyey Sida uu u arko Nabadgelyada iyo Xasiiloonida dumuqraadiyada ka jirta Somaliland. Waxa uu yidhi haa waanu ognahay in Somaliland tahay meel nabadgelyadeedu sugan tahay, dhincayo badan ayaanu ka taageernaa Somaliland, waxanu la soconay Doorashadii Somaliland ka dhacay oo ahayd mid xor iyo Xaal ah, Somaliland waanu taageernaa, imikan waanu taageeridoona

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this