Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland officers Graduate From Ethiopian Military college and welcomed back Home+PICS

Recommended Posts

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xaflad soo Dhawayn ah U Sameeyey Saraakiil Ciidanka Qaranka ah oo Soo Dhammaystay Waxbarasho Dibadeed

Hargeysa (SDWO 06/06/2011) Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, gaar ahaan dhinaca dagaalka oo ay ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyayaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale.

Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxbarashada saraakiishani soo qaadatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay muddo ku dhaw saddex sanno oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin.

Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya, gaar ahaan Ciidanka Fadaraalka Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland.

“Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku.

DSC02768.JPG

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland.

“Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Saraakiisha%20%283%29.JPG

Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland, isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan.

Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Dibise oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebisay, waxaannu yidhi, “Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen.”

Saraakiisha%20%282%29.JPG

Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona.

Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Congrats to the Graduates ....

Strong Security forces are needed to stand in the face of terrorism, piracy and other criminality.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Face of terrorism lol, Terrorism (Shabab) kicked Ethiopia's ***. And Ethiopia would never give the full training so its probably around 60-70%.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Thankful   

welcomed back Home
+PICS

How misleading, these pics are from triangle celebrations a few weeks ago.

Amazing how Ethiopia still trains us ever since the fights against Siad Barre's regime began.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Degel   

Gar_maqaate;726785 wrote:
gormaa bey jabhad beeleedkii soomaalidiidka ahayd qaran noqotay?

That is the million dollar question :D:D:D

Hadday kasii dareen oo ciidamadii Ethiopiana sheegteen :o

Share this post

Link to post
Share on other sites

The pics are from Somaliland that's what matters and Going to military college in Ethiopia is good i welcome that Ethiopia has one of the best Military college's in africa.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Degel;726798 wrote:
That is the million dollar question
:D
:D:D

Hadday kasii dareen oo ciidamadii Ethiopiana sheegteen
:o

Lool are you saying the pics are from Ethiopia looolz

Share this post

Link to post
Share on other sites

Saraakiishii u Horreysay Ciidanka Qaranka ee ka soo Qallinjabisa Aqoonta Hoggaaminta Colalka oo Soo Gaadhay Hargeysa

Last Modified: Tue 07th Jun,2011

Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo si wadajir ah xaflad soo dhawayn ah ugu qaabilay saraakiishaas

Hargeysa (Jam)- Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, gaar ahaan dhinaca dagaalka oo ay ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyayaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale.

Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxbarashada saraakiishani soo qaadatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay muddo ku dhaw saddex sanno oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin.

Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya, gaar ahaan Ciidanka Fadaraalka Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland.

“Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay tiradoodu tahay 7 laakiin kaalin wayn waxay ka qaadan doonaan hoggaaminta ciidanka Qaranka,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku.

Axmed Tanzani waxa uu sheegay in saraakiishan baahi weyn loo qabay, maadaama saraakiishii hore ay noqdeen wax dhintay iyo wax hawlgab ah.

Isagoo ka hadlayey nooca aqoonta ay barteen, waxa uu yidhi, “Waxay qaateen tababar ku saabsan habka hoggaaminta colalka ee nooc kasta taatiko ahaan iyo istaraatijiyad ahaanba, maadaama dagaalka wakhtigan casriga ahi u baahan yahay aqoon fiican waxa lagama maarmaan noqotay in la helo saraakiil aqoon u leh fulinta nooc kasta oo dagaalka ah.”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland.

“Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyuhu waxa uu sheegay in laba kooxood oo kale oo saraakiisha hoggaaminta ciidammada ahi wakhtigan ku jiraan kulliyadda Itoobiya, kuwaas oo noqon doona jiil cusub oo ciidanka bedddela.

Gen. Nuux oo la dardaarmayey saraakiishu waxa uu yidhi, “Waxaad ogaataan inay idiin taalo hawl ballaadhan, kuna talogala inay idinka uun idin sugayaan inaad tababartaan saraakiisha kale ee soo kacaya.”

Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland , isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan.

Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebiyey oo uu ku tilmaamay inay nasiib u heleen kulliyad tayo sare leh.

“Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen, aad baanu ugu faraxsanahay in aad heshaan fursad aad ku gashaan kulliyadaas,” ayuu yidhi Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland .

Wakiilka Itoobiya waxa uu sheegay in dawladdiisu Somaliland kala shaqayn doonto sidii ciidammadeedu u horumari lahaayeen, “Mudanayaal ogaada in fursad labaad la kordhin doono saraakiisha gelaysa kulliyadaasi ee ka socda Somaliland .”

Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona.

Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin.

Dhinaca kale, saraakiisha cusub ee soo qallinjebiyey ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ay sheegeen inuu ka mutaystay.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this