Sign in to follow this  
Liqaye

Siilaanyo Oo dhawaan lagu wado in dhawaan uu xilka ka qaado Waziiro ka tirsan Dowladiisa

Recommended Posts

Liqaye   

June 05, 2011 - QOL - Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} uu qorsheynayo inuu dhawaan isku shaandheyn xoog leh ku sameeyo golihiisa wasiirada oo hadda shaqeynayey muddo ku dhow 6-bilood, iyadoo si weyn loo hadlahayo in xubno miisan culus golahaasi ku leh ay dhici karto inay xilalka waayaan.

 

Sida laga soo xigtay ilo wargal ah oo ku dhowdhow madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in wsaaradaha qaar la kala qeybin doono, kuwo kalena la isku dari-doono sidoo kalena ay wasiiro badani xilalkooda waayi doonan, halka kuwo kale la isku bedeli doono, iyadoo ay dhinaca kale ay jiri doonaan wasiiro xilalkooda loo deyn doono.

 

Sida ay daabeceen qaar ka mid Wargeysyada ka soo baxa maamulka Somaliland ragga laga cabsi qabo inay xilalka waayaan ayaa waxaa ka mid wasiirka maaliyadda iyo xubno kale, halka wasaaradda arrimaha gudaha la sheegay in loo qeybin doono labo wasaaradood oo ay mid noqoneyso wasaaradda amniga, lamana oga in wasiirka hadda shaqada haya uu soo noqon doono iyo in kale

 

Sida warku sheegayo wasaaradda gaashaandhigga maamulka Somaliland ayaa la sheegay in loo magacaabi doono siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo ay wararka qaar sheegayaan in laga dhigi doono Maxamed Cabdi Xaabsade oo hadda ah wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaaliland.

 

Waxaa kale oo wararkani sheegayaan inay xilalkooda waayi doonaan wasiirada Ganacsiga, Boosaha iyo isgaarsiinta, Macdanta iyo Biyaha, Cadaaladda, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, sidoo kale, waxaa xilalkoodu waayi doona 8-Agaasime guud iyo 5 Guddoomiye gobol, iyo maareyayaal iyo wasiiro ku xigeeno.

 

Golahan cusub ayaa la sheegay inay ka mid noqon doonaan wajiyaal cusub oo aan hore ugu jirin siyaasadda, taas oo muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay magacaabista xubnaha cusub ee lagu soo daridoono Golaha wasiirada, lagu tilmaamay difaacada qorshe siyaasadeed cusub oo dhawaan ka soo yeeri doonaa Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo xubnaha cusub ee xukuumaddiisa la sheegay inay ku jiridoonaan l-xubno firfircoon oo la jaanqaadi kara isbedelka siyaasadeed ee ka socda geeska Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this