Sign in to follow this  
OdaySomali

Ciidamada Puntland iyo Raas Caseyr oo Caluula isku hor fadhiya

Recommended Posts

CALUULA:- Wararka naga soo gaaraya Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay kataagan tahay Xiisado dagaal oo udhaxeeya Maamulada puntland iyo Raascaseyr.

 

Xiisadan dagaal ayaa Timid kadib Markii ay Magaalada Caluula ay kudhawaadeen Ciidamada Puntland isla markaana ay iyagana dhaq dhaqaaqyo dagaal ay bilaabeen Ciidamada Raas Caseyr.

 

 

Saciid Yuuf Diiriye oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Raasacaseer ee degmada Caluula ayaa Sheegay in Ciidamada Maamulka Raascaseyr aysan u adkaysan doonin dhibaatooyin uu sheegay in ay kuhayaan Ciidamada Puntland.

 

 

Waxaa uu Tilmaamay in ay ka go’een Maamulka Puntland kadib Markii ay ka waayeen xaqii ay lahaayeen haatana ay diyaar uyihiin in ay dhulkooda difaacdaan.

Maamulka Puntland ayaa horay wacad ugu maray in aysan jirin karin cid kala goysa Dhamaan Deegaanada Maamulkooda.

 

 

WARQAAD.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Ciidamada Maamulka Raascaseyr ayaa ka jirta degmada Caluula ee gobolka Bari, Xiisadaani dagaal ee laga dareemayo degmada Caluula ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Puntland maalmihii u dambeeay ay weerarro isdabajoog ah ku qaadeen degmadaasi taasi oo sababtay in Maamulka Raasacaseyr uu isdifaaco islamarkaana Dagaal adag uu la galo Maleeshiyaadkii Puntland ee soo weeraray Deegaannadooda.

.

Saciid Yuusuf f Diiriye oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Raasacaseyr ee degmada Caluula ayaa waxaa uu sheegay inay inay ka madaxbanaanyihiin Maamulkaasi, isagoo carabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin duulaan kasta oo kaga yimaada dhinaca Puntland in ay iska difaacaan.

 

 

Wixii ka dambeeyay markii degmada Caluula ee gobolka Bari looga dhawaaqay Maamulka Raascaseyr ayaa waxaa jiray Xiisdaha dagaal ee u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Ciidamada Maamulka Raascaseyr, waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka Raascaseyr ay sheegeen in xiisaddaani ay sabab u yihiin markii sida ay sheegeen xubno ka tirsan Maamulkoodu Puntland ay ku xirtay Magayalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

 

 

HILAAC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this