Sign in to follow this  
Che -Guevara

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalkii ka Dhacay Deegaanka Gambadha

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadlay dagaal saacado badan socday oo shalay galab illaa 7:00 cawaysnimo ee xalay ayaa ka dhacay deegaanka Gambadha ee gobolka Sool.

Taliyaha oo maanta u waramayay Saxaafaddu waxa uu sheegay inay maleeshiyadii huwanta ahayd ee weerarka soo qaaday ay ka qabteen lix maxbuus.

“Shalay dagaal baa ka dhacay deegaanka Gambadha la yidhaahd oo 30 Km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood, waxa na soo weeraray koox nabad diid ah oo ka yimid Buuhoodle qaarna isku urursadeen meesha la yidhaahdo Tuko-raq waxaanay ku soo weerareen dhawr tikniko ah way carareen oo way iska tageen mar dambe ayay haddana soo weerareen iyagoo intii hore ka badan markaa dagaal ayaa halkaasi ka dhacay waana la eryaday kooxdii dagaalka soo qaaday. Markii laga soo noqday ee meesha higlada la yidhaahdo ciidanka qaranku marayay saacadduna 4:00 galabnimo ay tahay ayaa kooxdii SSC ah iyo Ciidamo Puntland ah oo wada socda oo wata tikniko ilaa labaataneeye ahi ay soo weerareen ciidanka qaranka waxaana ka dhacay halkaasi dagaal socday ilaa 7-dii cawaysnimo ee xalay.”

 

Nuux Ismaaciil Taani waxa uu sheegay in ciidanka qaranku ay maleeshiyooyinka Puntland iyo SSC oo is garabsanayay ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen, waxaanu intaasi ku daray in ciidanka qaranka uu kaga dhaawacmay dagaalkaasi sadex askari.

 

“Waxay kooxdan nabad diidka ahi ay doonayaan inay isku dhuftaan Somaliland Iyo Puntland ka dibna ay ka dhex baxaan. Waxaan leeyahay Puntland kooxdan nabad diidka ahi yaanay inaga dhex ridin dagaal aynaan labadeenuba qorshaysan taasi oo aan dan u ahayn Somaliland iyo Puntland-ba waxaanan leeyahay nimankaasi ama qabta ama anaga noo daaya,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka qaranku.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;725163 wrote:
Waxay kooxdan nabad diidka ahi ay doonayaan inay isku dhuftaan Somaliland Iyo Puntland ka dibna ay ka dhex baxaan.

Somaliland

 

Che -Guevara;725163 wrote:
“" Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis".

Puntland

 

It seems they are reading from same script:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Che -Guevara;725167 wrote:
Somaliland

 

 

 

Puntland

 

It seems they are reading from same script:D

Same conflicting scripts.

1. Somaliland and puntland are brotherly and ssc baa isku diraysay

2. S/land said puntland militia attacked us, p/l said were in the fight and s/land should leave Sool..

 

Now both aad bay u marqaansanyihiin and scripts kii baa isku dhex yaacay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

For some add reason, whenever something happens, Nuux Taax waa murqaansanyahay and he speakes of the record wuxuu rabo.. Mar dhow buu odhanayaa hadan AS baa meesha nagu soo gashay..lol.. This guy waa entertainer weyn..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this