Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:internal bickering within the kulmiye party Mujahid Musa biixi shows his muscles

Recommended Posts

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inaanay waxba ka jirin Shirkaasi

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa maanta magacaabay guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ku began Lixda bisha Juun, Xubnahaas oo ka kooban 11 kuwaasoo ah Guddidii hore ee qabatay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee Musharaxnimada iyo Guddoomiyenimadaba loogu wada doortay Madaxweynaha hada talada haya Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo

 

Waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha dhexe oo saxaafadda loogu talagalay u qornaa sidan:-

 

Ujeedo: Magacaabid Guddida Qabanqaabada Ee shirka Golaha Dhexe

 

Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabasshada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku began June 06,2011, waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacawno guddi qaban qaabo oo ka hawlgasha dhamaan hawlaha ku began qabashada shirka golaha dhexe.

 

Sidaa darted, manta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan u magacaabay inay noqdaan guddida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:-

 

1. Axmed Muxumed Madar Guddoomiye

 

2. C/kariim Axmed Xinif Xoghaye

 

3. Maxamed Muuse Abees Xubin

 

4. Nimco Xuseen Qawdhan Xubin

 

5. Ilhaan Maxamed Jaamac Xubin

 

6. Axmed Xaashi Oday Xubin

 

7. Xuseen Axmed Caydiid Xubin

 

8. Mahdi Xuseen Cadar Xubin

 

9. C/raxmaan Yuusuf Cartan Xubin

 

10. Siciid Cilmi Rooble Xubin

 

11. Axmed Cabdi Dheere Xubin

 

Xubnaha Guddida qaban qaabada waxaa lagu wargalinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku began maalin Axad ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Kulmiye saacada 9:00 Subaxnimo, halkaas oo Guddoonka Golaha Dhexe kulan kula yeealn doono.

 

Mudanayaal waxaan idiin rajaynayaa hawl wacan, Guul iyo Gobanaimo taam ah

 

Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel)

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbiga Kulmiye

 

Hase yeeshee sida caawa laga baahiyay Televisionka Horn Cable TV oo waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wax laga weydiiyay Shirkaasi ayaa ku tilmaamay inaanu waxba ka ogayn, waxaanu Hogaanka xisbigu ogeyna aanay waxba ka jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu Dhex-dhexaadinayo Xalkii lagu Qaban lahaa Shirka Golaha Dhexe

“Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha uu Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhexe…”

 

Hargeysa(Waaheen)- Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa wada kulamo goos-goos ah oo xal loogu raadinayo muranka soo wajahay xisbigaasi oo maraya meel adag, ka dib markii hogaankiisa sare isku khilaafay soo xulida guddida qabanqaabada shirweynaha golaha dhexe oo dhici doontaa horaanta bishan June.

 

Sida ay Wararku sheegayaan Kulamadan ayaa loogu kala dabqaadayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Iimaan Shabeel oo isku maandhaafay cida xaqa u leh xulida xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha lagu dooran doono golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii Muuse Biixi ka biyo Diiday xubno uu magacaabay guddoomiyaha golaha dhexe laba maalmood ka hor.

 

Warku waxa uu intaasi ku darayaa inay saacadihii la soo dhaafay socdeen wada hadalo looga dan leeyahay sidii laysugu keeni lahaa labada masuul ee muranku ka dhexeeyo si looga hortago khilaaf kala qaybiya xisbiga inta aan la gaadhin doorashada golaha dhexe,inkasta oo aan ilaa hada lahayn wax war ah oo ka soo baxay wada xaajoodayada socda.

 

Xubnaha dhexdhexaadin wada ayaa dhinacooda ku adkaysanaya in laga gudbi karo Isfahan waagan ka dhex qarxay Xisbiga Kulmiye, kaasoo ay saadaalinayaan in la soo afjari doono dhawaan.

 

Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Md. Keyse Xasan Cige ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabadii uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil.

 

Keyse Xasan waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku kooban tahay Guddoomiyaha isla markaana aanu isagu awood u lahayn in uu ku dhawaaqo guddida qaban qaabada ee shirweynaha, taas bedelkeedana uu maroorsaday shaqadii guddoomiyaha.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Xog-hayuhu, waxaanu u dhignaa sidan “Waxaa dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye bisha Juun 6da. ee sannadkan.

 

Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa inaan goaanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka Xisbiga Kulmiye balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la ogeyn.

 

Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirarweynaha Xisbiga, kan Golaha Dhexe ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka Xisbiga, kaasoo leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wada hadla Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee Xisbiga. kadibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Kooramku) la rabay la helayo.

 

Dhinaca kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga isagoo ka ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado inuu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban yahay furida iyo xidhida Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan.

 

Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, haseyeeshee uu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga.

 

Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho go’aan kaligii iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu Guddoomiyaha Xisbiga madax ka yahay.

 

Haddaba waxaanu war-saxaafadeedkan ku caddeynaynaa in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u gaara, awoodna aanu u laheyn inuu kaligii go’aan ka gaadho qabashada Shirka Golaha Dhexe iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni ka haysanin Guddiga Fulinta ee Xisbiga.

 

Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay sidii loo qaban lahaa shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe iyadoo hawlgelintiisa ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu.” Ayaa lagu soo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedkaasi uu soo saaray Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye.

 

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan soo saaray magacyada 11 xubnood oo ku sheegay in ay yihiin gudida qaban qaabada ee shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaas, kaas oo uu sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta la filayaa in la qabto kulan balaadhan oo lagu xalilayo khilaafka ka dhashay qaabka loo qabanayo shirka oo ay ku kala aragti duwan yihiin hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this