Sign in to follow this  
Xeefow

1000 Soldiers finished their training in Doolow (Gedo) Today

Recommended Posts

Xeefow   

1000 askari oo tababar loogu soo xiray Doolow

 

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo gaaraya kun askari ayaa tababar u socday mudo 3 bilood ah loogu soo gabagabeeyay degmada Doolow ee waqooyiga gobolka Gedo.

 

Ciidamada tababarka dhameystay ayaa waxaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarrey ee gobolka Gedo si loogu xoojiyo ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna ee dagaallada kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

 

Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al Qaadi oo ah afhayeenka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo, ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay ka howlgali doonaan deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarrey iyo Beled-Xaawo oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan qaar ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

 

Dagaallo DKMG iyo Ahlu Sunna ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ayay ka gaareen guulo la taaban karo, iyagoo gacanta ku dhigay dhul baaxad leh.

 

http://www.bar-kulan.com/2011/05/27/1000-askari-oo-tababar-loogu-soo-xiray-doolow/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this