Sign in to follow this  
Liqaye

Shir ay ka qaybgalayaan maamullada Soomaaliya ka jira iyo DKMG ah oo maanta ka dhacaya Nayroobi

Recommended Posts

Liqaye   

Arbaco, May 25, 2011 (HOL) – Waxaa maanta ka dhacaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shir ay ka qaybgalayaan dhammaan maamullada ka jira dalka Soomaaliya iyo madaxda DKMG ah, kaasoo la sheegay in loo hadlayo ammaanka guud ee dalka, inkastoo danjire Augustine Mahinga uu ka gaabsaday inuu ka hadlo ajandayaasha shirka looga hadlayo.

 

Shirkan oo golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay uu soo qabanqaabiyay ayuu sheegay dajire Mahiga inuu yahay mid xasaasi ah oo diiradda arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waana mid ka badalan shirkii wadatashiga ahaa ee bishii Abriil ee sannadkan lagu qabtay Nariobi.

 

"Waa markii ugu horreysay oo ay xubnaha golaha amaanka oo dhan yimaadaan Nairobi si looga hadlo arrimaha dalka Soomaaliya," ayuu yiri danjire Mahiga oo ka gaabsaday inuu ka hadlo ajandayaasha shirka lagu soo qaadayo.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha Maxamed C/llaahi Farmaajo, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland iyo weliba wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

Warar hoose oo saxaafaddu ay helayso ayaa sheegaya in sihrka laga yaabo in xubnaha ka socda Qarrammada Midoobay ay kusoo bandhigaan qodobbo ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya oo ay soo diyaariyeen.

 

Xubnaha shirkan ka qaybgalaya qaarkood ayaa caddeeyay inaan weli lagu wargelin inta badan qodobbada looga hadlayo shirka, balse waxay sheegeen in shirku uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

 

Shirka ayaa lagu soo qaadayaa sida ay wararka hoose sheegayaan khliaafka aan weli xalka laga gaarin ee u dhexeeyay hay'adaha DKMG ah Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Waxaa barbar socon doona shirkan shir kale oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay yeelanayan xubnaha ka socda golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo mas'uuliyiinta dalka Kenya.

 

Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed qaarkood ayaa shirkan lagu casuumay iyadoo uu noqonayo shirkii ugu horreeyay oo ay kawada qaybgalaan madaxda maamullada Soomaaliya ka jira oo ay ku jirto Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Madaxweyn Shariif, Reysal Wasaare Farmaajo, Faroole iyo Caalin oo dhamaantood Nairobi soo gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Nairobi.

 

Wafdi Ballaaran oo ay kala hogaaminaayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland C/Raxmaan Faroole iyo Kan Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa galabta kasoo degay Garoonka Wilson Airport ee Magaalada Nairobi.

 

Madaxweynayaashaan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Jaaliyadaha Labada Maamul ee Magaalada Nairobi iyo Waliba Wakiilada u qaabilsan Nairobi labada Maamul.

 

Ujeedada ay u yimaadeen Nairobi ayaa ah in ay ka qeyb galaan Shir looga hadlaayo Waqtiga Kala Guurka ah ee DKMG ah oo Maalinta Berri ah ka Furmi doona Magaalada Nairobi, kaas oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobe.

 

Hadalo kooban oo ay Saxaafadda ku siiyeen Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ayay ku sheegeen Labada Madaxweyne in ay u yimaadeen Nairobi ka qeyb galka Shirkaas looga hadlaayo arimaha Soomaaliya, isla markaana waxa ay Caddeeyeen inay Casumaad ka heleen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe.

 

Dhanka kale waxaa Caawa kasoo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Joma Kenyata ee Magaalada Nairobi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh Axmed iyo Reysal Wasaarahiisa Max’ed C/llaahi Farmaajo.

 

Safarka Labadaan Masuul ayaa waxaa ku wehliya Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka.

 

Waxa ay ka mid yihiin Madaxda Lagu Casumay Shirkaan oo looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya.

 

Reysal Wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in ay ka qeyb gali doonaan Shirka Qaramada Midoobe ay soo qaban qaabisay oo Berri ka furmi doona Magaaladan Nairobi.

 

Goor sii horeesay oo shalay aheyd ayaa waxaa soo gaaray Halkaan Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Mudane Shariif Xasan, kaas oo qilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Shariif iyo Reysal Wasaare Farmajo.

 

Waa Markii ugu horeesay oo ay Hal Meel isugu yimaadaan 3-da Masuul ee ugu sareesa Dowladda KMG ah tan iyo Markii ay soo baxeen Qilaafyada u dhaxeeya Masuuliyiintaan oo salka ku haaya Waqti Kororsiga ay ku sameeyeen Hey’adahooda Labada Dhinacba.

 

Maalinta Berri ah oo ku began 25-ka May ayaa lagu wadaa in uu si Rasmi ah u furmo Shirkaan oo la rajeenaayo in ay kasoo baxaan Go’aamo Rasmi ah oo ku aadan sida laga yeelaayo Waqtiga Kala Guurka ah ee Dowldda KMG ah oo ku began Dhamaadka bisha August ee Sanadkaan.

 

Wixii Warar ah ee kusoo Kordha Dib ayan idin kala socodsiin doonaa hadii Rabbi uu ka Raali noqdo.

 

 

Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo )

Madaxa Xafiiska Dayniile ee

Nairobi_Kenya

+2547-21-944591

injineerka3@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxwayanaha oo dalka dib ugu soolaabtay sheegayna in la qabanayo shirka wada tashiga

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh Sharif Sh. Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo qeybgalay kulankii Qaramada Midoobay ee lagu qabtay magaalada Nairobi.

 

Abbaarihii 5.30 daqiiqo aha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cabdulle CusmaanAaden Cadde soo cago dhigatay diyaarad waday Madaxweynaha jamhuuriyadad somalaiya Mudane Sh Sharif axmed oo ay wehliyeen xubno ka tirsan saraakisha madaxtooyada Soomlaiya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kusoo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladad Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen k/simaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka Difaaca C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Xildhibanano ka tirsan Baaralamaanka Soomaaliya maareeyahay dekadda Taliyaha Ciidanka XDS s/Guuto C/qaadir Sh Cali Diini iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

 

madaxweyanaha jamhuuriyada Soomalaiya oo hadal kooban garoonka ku siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Shirkii uu kasoo qeybgalay waxyabaabihi kasoo baxay ay kamid ahaayeen in la yareeyo Khilaafaadyada ka dhex jira hay’adaha Dowladad lana qabto shirkii ay horay ugu baaqwaday xukuumadda Soomaalaya inuu qabsoomayo bisha june ee sanadkaan.

 

madaxweyanaha Soomaaliya ayaa kamid ahaa wafdi ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay kaasoo isla maanta lagu soo geba gabeeyay Magaalada Nairobi iyadoa kulankaasi diiradda lagu saaray khilaafaadka ka dhex jira hay'adaha dowladda iyo sidi looga gudbi lahaa marxaladadkala guurka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

From afka dawlada. :D

 

--------

War degdeg ah:Qodobada lagu go’aamiyay shirkii Nairobi

Shir jaraa’id ayaa ka dhacay xarunta xafiiska siyaasadda ee QM ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in ay wakiillada golaha ammaanka isla arkeen sadex qodob oo kala ah:

 

1- joojinta khilaafka madaxda dowladda u dhaxeeya

 

2- ilaalinta axdi qarameedka, iyo ku dhaqmidda shuruucda u degsan.

 

3- in shirka bisha June magaalada Muqdisho lagu qaban doono lagu go’aamiyo qaab siyaasadeedka uu dalku ku socon doono, uuna shirkaasi gacanta ku haayo xafiiska arrimaha siyaasada u qaabilsan QM, wixii ka soo baxana uu danjire Mahiga ula laaban doono golaha ammaanka kadiba la isla arko.

 

Waxaa shirka jaraa’id isla qabtay:

 

Ergeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan golaha ammaanka Mr.Mark Lyall Grant, Ergeyga joogtada ah ee dowladda Koofur Afrika u qaabilsan golaha ammaanka Mr. Baso Sanguqu, iyo ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Augustine Mahiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Well it looks like there won't be an extension for the TFI which translates to both Sharifs evacuating the Villa for the incoming new blood.

Ibbi, Jurile and all the other snakes in the grass, I say good riddance (hopefully, if this plays out as it should :) )!

 

Will the next month's Mogadishu meeting result in the appointment of 100 qualified new parliamentarians? am I being too optimistic? perhaps, however I have to admit after 20 years, it will be the first step in the right direction for Somalia if that scenario were to play out. I think our people are sick of the status quo, new course of action needs to be set ASAP.

 

This Nairobi summit was beneficial in so many ways. hmm :D

 

Allah knows best.

 

------------------------

 

Xukuumada Soomaaliya oo soo dhoweysay natiijadii ka soo baxday Kulankii Golaha Ammaanka

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa natiijo wax ku ool ah ku tilmaantay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanka ay la qaateen Madaxda Soomaalida, iyadoo ku tilmaamtay inay meesha ka baxeen kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa marxalada kala guurka.

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in waxyaabihii ka soo baxay shirka Golaha Ammaanka ay ahaayeen kuwo mira dhal u ah xalka Soomaaliya, isagoo rajo weyn ka muujiyay shirka dhici doona bisha June ee Xukuumada horay u iclaamisay.

 

"Kulankaas wuxuu ahaa mid natiijo wax ku ool ah ka soo baxeen, sidaas darteed waxaa meesha ka baxday kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa marxalada kala guurka"ayuu yiri C/kariin Xasan Jaamac oo ka mid ahaa Xubnihii Golaha Wasiirada ee ka qeyb galay shirkaas.

 

C/kariin Xasan Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in shirka June dhici doona ay ka qeyb gali doonaan Madax dhaqameedyada, Culumaa'udiinka, qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo sheegay in talada ka soo bixi doonta shirkaas uu noqon doono mid xal u ah umada Soomaaliyed.

 

"Shirka June ay horay xukuumada ku baaqday wuxuu yahay mid talada dadka soomaaliyed dib loogu noqonayo, qeybaha soomaalidana ay ku mideysan yihiin"ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta rajo ka muujiyay inay kulankaas ay ka soo baxaan go'aano dhaxal gal ah.

 

Golaha Ammaanka ayaa ka sheegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya in kulanka bisha June gacanta loo geliyay howshiisa Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Agoustine Mahiga, waxaana kulankaas natiijada ka soo baxday Wakiilka hor geyn doonaa Golaha Ammaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this