Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:electrical wires go underground for the first time+PICS

Recommended Posts

Borama Oo Noqotay Magaaladii Ugu Horeysay Somaliland Ee Laga Hirgaliyo Nidaamka Korontada Dhulka Hoosteeda In La Mariyo+SAWIRO

 

24/05/11-Borama-(Bnn) Shirkada Laydhka Aloog Ee Ka hawlgasha Magaalada Borama iyo Nawaaxigeeda ayaa dhawaan ku talaabsatay talaabo horumarineed uu ku saabsan baahinta laydhka Hab casriyaysan oo la jaanqaadaya Heerka Caalamiga ah, kaas oo ah in ay xadhkaha laydhka hoos mariyaan dhulka Hoostiisa.

 

Shirkadan Aloog oo ka mid ah shirkada Koowaad ee laydhka u qaybisa Magaalada Borama, ayaa waxa ay horey ugu talaabsatay in ay xadhkii horey loo isticmaali jiray ee Siliga ahaa ay badasho kuna badasho xadhko waawayn oo dahaaran kaas oo tayo iyo Badbaado leh ku badashay, waxa kale oo ay badashay Tiirarkii qoryaha ahaa ee horey ugu xidhnaan jiray Xadhkaha siliga kuna badashay Tiirar Bir ah oo ah kuwii loogu talagalay.

 

Shirkadan Aloog ayaa badi magaalada Borama u shida laydhka ay bixiyaan inta badan waa mid 24 Saac shidan kaas oo aan wax cilada iyo waqti maqnaansho aan lahayn, waxa ayna dadwaynaha Borama ku dhiiradeen in ay inta badan shirkadan Aloog Isticmaalaan.

 

Hadaba waxaas oo dhan oo horumar ah oo ay gaadheen ayaa iminkana waxa ay isku dayayaan in ay xadhkihii xaga sare marayay ay dhulka hoostiisa mariyaan,taas oo ay iminka ku guda jiraan, tani hadii ay suura gasho waxa ay noqonaysaa Magaaladii Ugu Horeysay Ee Somaliland ku taala Ama Shirkadii ugu horeysay ee ka hirgalisa Laydhka in ay dhulka hoostiisa Mariso, tanina waxaa la odhan karaa waxaa ay noqonaysaa Talaabo Horumarineed oo ay ku talaabsadeen Bulshada Ku dhaqan Magaaladan Borama, gaar ahaan Shirkadan Laydhka Ee Aloog.

 

Si kastaba ha ahaatee Shirkadan Aloog oo Uu ka Maamule Yahay Idiris Xaamud Jibriil Ayaa Noqonaysa Shirkadii ugu horeysay Ee Koronto ee Horumar intan Le'eg ku talaabsato tanina hadii ay u suura gasho waxa ay yarayn doontaa Khatar badan oo xaga xadhkaha laydhka ee Xaga sare daadsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this