Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda Kenya oo sheegtay inay aqoonsanayso Jamhuuriyadda Soomaaliland

Recommended Posts

Liqaye   

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda dalka Kenya Richard Onyonka ayaa sheegay in dawlada Kenya ay u aqoonsanayso maamulka Soomaaliland ee waqooyiga Soomaaliya dal madax banana

 

Richard Onyonka oo ka hadlay kulan ay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku yeesheen odoyaal ka soo jeeda Soomaaliland ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay taageerayso in Soomaaliland ay noqoto dawlad Soomaaliya ka madax banaan isla markaana aydhinacooda aqoonsan doonaan.

 

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda Kenya waxaa uu xusay in Kenya ay dadaal u galayso sidii ay aqoonsi ugu raadin laheyd waxaana uu ugu baaqay wadamada kale eek u jira ururka Midawga Africa inay aqoonsadaan Soomaaliland waxaana uu intaa ku daray heer nabad galyo ee Soomaaliland ka jira darted ay mudan tahay in la aqoosado.

 

Mas’uulkaan dawlada Kenya waxaa uu sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliland ay muujinayso in dimoqraadiyadu si weyn uga hir gashay goboladaas waxaana uu sidoo kale tilmaaamay in Soomaaliland ka bad qabto burcad badeeda iyo wax uu ugu yeeray argagixisada.

 

Dawlada Kenya ayaa noqonaysa dawlada kaliya ee African ah ee ku dhawaaqda inay dawlad gaar ah u aqoonsanayso Soomaaliland oo muddo 20 sano ah raadinaysa aqoosi caalami ah.

 

Maalin ka hor xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku baaqay in Soomaaliland la aqoonsado waxayna Soomaaliland ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu nabdoon ..

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this