Sign in to follow this  
Bashiir

Dumarka Reer Kenya-NFD iyo Kaalintooda ku aadan Ganacsiga iyo Maareeynta Baahida Dhaqaale ee Qooyska

Recommended Posts

Bashiir   

Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo koobayaa warbixin kooban oo an ka soo koobay wareeysi koobnaa oo aay haweeneey lagu magac’aabo Shamso Mahamed labo maalin ka hor siisay warbaahinta.

 

Inkasta oo aay yar tahay iskaashatooyin xoogan oo ka dhexeeya Dumarka Soomaalida Kenya-NFD, hadana Dumarka waa halbowlaha iyo aa’saaska runta ah ee uu ku taganyahay ganacsiga qeeybihiisa kala gedisan. Sidoo kale waa lafdhabarta iyo lamahuraanka dhaqaalaha Qooysaska.

 

Shamso Mahamed Ahmed waxaay ka mid tahay haweenka ganacsiga muuqda ka sameeyay dalkeeda hooyo gaar ahaan Gobolka NFD iyo Magaalada Nairobi, waxaay maareeysaa ganacsiyo kala gadisan.

 

Shamso waxaay ka warantay sida lagu aabuuri karo ganacsi Mira’dhal ah, gaar ahaan Hooyo aanan awoodin maalgashi ballaaran oo is dheelitira ama awood u laeh inuu ka gudbo caqabadaha soo waajihi kara goor walba.

 

Ugu horeeyn Shamso waxaay talo siisay Dumarka doonaya inaay ku soo biiraan suuqa-ganacsiga ama doonaya inaay horumariyaan ganacsigooda, waxaana hadaladeeda kamid ahaa sidan:

 

  • 1. Waa inaad niyad u haaysaa howsha

  • 2. Waxaa ka horeeya qorsheeyn dhameeystiran iyo daraasaad dhanwalba ah, ka hor inta aadan far-dhaqaajinin
  • 3. Waa inaad xirfad u ledahay howsha ama uguyaraan aad ka haaysato macluumaad *****li kara baahidaada daruuriga ah

  • 4. Waa inaad haaysaa information buuxa oo ku saabsan suuqa

  • 5. Waa muhim Booska ama goobta aad ka furatay ganacsiga

Markaas waxaa ku sahlanaanaya inaad horumariso ganacsigaaga si sahlan, Shamso waxaay hoosta ka xariiqday inaan loo baahneen lacago badan si loo bilaabo ganacsi ama loo horumariyo, Ganacsigaana inuu horumaro ama dib u dhaco waxaay ku xirantahay hadba sidaad u maareeyso ama u maamusho, inkasta oo aan laga dulboodi karin nasiib,,,calaf iyo qadarka Alle hadana khibrad,fir’fircooni iyo howlkarnimo, weji’furnaan ama soo jiidasho iyo weliba la’socodka isbedelleda suuqyada waa lagama’maarmaan.

 

Shamso ayaa sidoo kale ka hadashay waxtarka Bangiyada Islaamiga ah ee waqtiyadii dambe laga hirgeliyay dalka, iyada oo sheegtay in berigii hore Dumarka Muslimiinta ah ay ka qatanaayeen lacago badan oo aay dowlada u qoondeeysay horumarinta ganacsigooda , taasoo la xiriirta RIBADA, laakiin waxaay tiri (Shamso) hadda waxaan helay Bangiyo Islaami ah oo aan la macaamili karno, Sida first community Bank iyo Gulf African Bank oo sida ay sheegtay Shamso hadda loo soo mariyo lacagaha loo yaqaano women enterprise fund oo ah lacago dumarka loogu talagalay . Shamso waxaay tiri waxaan qaadan karnaa ugu yaraan ilaa half million oo shilinka Kenya ah, waxaa sii dheer in weliba loo sii kordhinayo qofkii dadaalkiisa loo bogo. Lacgtaas waxaa dib loogu celinaayaa muddo ku siman ilaa 5 sano.

 

Kenya waxaa sanadahan dambe ka howlgalay Bangiyo Islaami ah, laakiin Shuruudaha ad’adag ee Bangiyadan ayaan saamexeeynin in Dumar badan gaar ahaan kuwa dan’yarta ah helaan maalgelintay u baahnaayeen, sidaas darteed waxaa aad u yar Dumarka ka faaideeysata fursadaha aay abuureen Bangiyadan.

 

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com

 

________

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

 

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this