Sign in to follow this  
Liqaye

Ra'iisul wasaaraha DKMG oo sheegay in xukuumadda iyo baarlamaanku uu waqti ka dhammaanyo bisha Ogoos

Recommended Posts

Liqaye   

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadal ka jeediyay kulan uu golaha ammaanka ee UN-ku ka yeeshay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda iyo baarlamaanka uu ka dhammaanayo waqtiga marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo aanay jiri doonin koox sii joogaysa muddo saddex sano ah.

 

Maxamed Farmaajo, wuxuu sidoo kale ka hadlay waxqabadka xukuumaddiisa isagoo sheegay in dagaallo ay Muqdisho iyo gobollada Koonfureed ee dalka ay kula galeen Xarrakatul Shabaab ay kaga guuleysteen, inta badan caasimaddana ay iyagu ka taliyaan.

 

"Waxaan rumeysanahay in Qarammada Midoobay ay door ku leedahay ilaalinta qaanuunka caalamiga ah, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamka ma aqballi karaan fikirka baarlamanaka oo si cad ugu xad-gud-baya sharciga dalka u dagsan, iyo saddexda sano ee ay sida iskood ah ugu kororsadeen," ayuu yiri Farmaajo.

 

"Si horay loogu socdo waxaan magacaabay guddi wasiirro ah oo aan anigu madax u ahay waxaana ka codsannay baarlamaanka inaan kulanno si aan khilaafkeenna ugu xallinno is-afgarad, weli waxaan rajeynayaa inay kulmi doonaan baarlaaanka iyo xukuumadda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinta uu jeediyay kaga hadlay howlaha ay qabteen muddadii ay jireen, isagoo sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan ammaanka sidoo kalena ay ka socdaan waddooyinka Muqdisho qaarkood dayactirro lagu soo celinayo bilicda magaalada.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay gudaha dalka ku laabteen ayna bilaabeen inay dalka maalgashadaan, taasoo uu sheegay inay ku timid dadaal ay sameysay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

 

"Khilaafaadyada ka jira dalka waxaan rumeysannahay in lagu xallin karo inay Soomaalidu ay wadahadasho, waxaana Qarammada Midobay ka codsadaynaa inay nagu taageeraan sidii aan ku heli lahayn muddaa aan u baahannanahay si aan ku gaarno xalka siyaasadeed ee dhexdeenna ah," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya dajire Augustine Mahiga, ayaa isaguna ugu baaqay golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay inay miisaamaan arrinta sababtay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hay'adaha dowladda, taasoo ah xilliga ay doorashadu dhacayso.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this