Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Sheikh adan Siiro says Osama Bina laden was a Shahiid (Martyr)

Recommended Posts

Sheekh Aadan Siiro oo sheegay inuu Cusaama Shahiiday, Maraykankana ku eedeeyay Dilka iyo Aaska uu ku fuliyayba

■waxaan Taageersanahay Xasan Al-turaabi odhaahdiisii ahayd wuu Shahiiday

■Cusaamawaan ka soo horjeeday aragtida Cusaama ee Jihaadka taasi maaha inaan Maraykanka ku taageero sida uu u dilay

■waan ka soo horjeedaa in dadka la iska laayo oo amnigooda wax la yeelo taasi maaha inaan Maraykanka ku taageero inuu Cusaama ku dillo

■haddii kooxi ay weeraro ka fulisay Somaliland maaha taa macnaheedu inaan Maraykan ku taageero Dulmiga uu sameeyay

Hargeysa(Waaheen) Sheekh Aadan Xaaji Maxamud (Aadan Siiro) ayaa qudabadiisii Jimcaha ee maanta ku tilmaamay falkii uu Maraykanku ku Dilay isla markaana uu ku Aasay Badda hoosteeda Meydkii Cusaama Binu Laadin inuu yahay xad gudub lakula kacay xuquuqdii Binu’aadnimo iyo tii shareecada Islaamkaba, waxaanu ku taageeray Sheekh Xasan Al-turaabi aragtida uu ka qabo Dilka Cusaama Binu Laadin oo uu ku sheegay inuu Shahiiday.

 

Sh Aadan Siiro waxa uu sheegay aragti ahaan inuu ka soo horjeeday dariiqa uu Cusaama Binu Laadin u maray Jihaadka waxaanu yidhi ” Anigu Aragti ahaan waxaan ka mid ahaa dadka aan ku qanacsanayn Aragtida Cusaama ee uu u maray jihaadka hase yeeshee taasi maaha inaan ku taageero Maraykanka inuu iska dilo oo uu waliba yidaahdo Badda hoosteeda ayaan ku aasay waxaan u arkaa qalad Ummadda Islaamka ah laga galay, waxaana aminsanahay sida Sheekh Xasan l-turaabi in uu shahiiday Cusaama Binu Laadin” ayuu yidhi

 

mar uu ka hadlayay aragtida uu ka qabo falalka uu Maraykanku ku eedayo ee ah inuu dad aan waxba galabsan laayay waxa uu yidhi ” waan ka soo horjeedaa in dadka la iska laayo iyagoon waxba galabsan oo kuma taageersani Cusaama iyo shakhsi kale toona inuu ku kaco dad Amni haysata inuu laayo, taasise maaha in Shaaroon oo Malaayiin Caruur iyo waayeel ah laynaya inuu Maraykan Noble Price ku siiyo Cusaama iyo dadka Islaamka ahna ku laayo isagoo iska indha tiraya dadka Islaamka ah ee la laynayo” ayuu raaciyay

 

mar uu ka hadlayay weerarkii Somaliland lagu qarxiyay 29kii Bishii Oktoobar waxa uu yidhi ” maaha inaan Dilka Cusaama qiil uga dhigno weeraradii Somaliland lagu soo qaaday, falkaasina maaha mid aan ku taageerayno Maraykanku inuu wuxuu doono kula kaco Islaamka, waanu ka soo horjeednay cidii falkaasi samaysay, waxaanu ahaa fal cadowtinimo ah oo aan Jihaad u noqonayn kuwii fuliyay”ayuu ku soo xidhay Sheekh Aadan qudabadisii ku saabsanayd Aragtida uu ka qabo Dilka Cusaama

 

hase yeeshee Qudbadiisa oo dheerayd waxa uu kaga waramay taariikhda Islaamka ee dhinaca Jihaadka iyo Asxaabtii u halgantay isagoo tusaale u soo qaatay Kaalintii Khaalid Binu Waliid iyo hogaamiyihii gaalada ee wakhtigaas ee Tomas, waxaanu sheekh Aadan Siiro sheegay Awooda Islaamku wakhtigaas inay gaadhay Gaaladu inay ka baqaan Islaamka iyo Mujaahidiintiisa in bil loo socdo.

 

sidoo kale waxa uu ka hadlay Abaarihii dalka soo maray iyo sida loogu baahan yahay in Ummadda wax loogu qabto isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Nimcada uu ilaahay ina siiyay ee Roobka ah waxaanu yidhi ” Xukuumaddu waa inay qorshaheeda kowaad ka dhigataa sidii ay biyaha u qaban lahayd ee ay dhaamam u samayn lahayd, waad ogaydeen lacag ka badan Laba Milyan oo Dollar ayaynu biyo dhaan ku bixinay, waa in ay Xukuumaddu u habaysaa dadka sidii ay ugu jihayn lahayd iyaga iyo lacagtoodaba sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen, ee aan loo eegi lahayn gacan shisheeye” ayuu yidhi

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I certainty did not hear of him before. His no scholar to me if he is saying stuff like that. The gov should have no ties what so ever.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Africa own he does not Support Al Qaeda or Alshabaab he is actually against them he even made that clear many times even today at the Friday prayers khudba in hargeysa But he said what the Americans did is not something Muslim should cheer for and desecrating of his body is not acceptable according to islamic law (Sharia).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;717393 wrote:
Africa own he does not Support Al Qaeda or Alshabaab he is actually against them he even made that clear many times even today at the Friday prayers khudba in hargeysa But he said what the Americans did is not something Muslim should cheer for and desecrating of his body is not acceptable according to islamic law (Sharia).

Bottom-line he shouldn't be speaking on Osama , its just unwise. These old timers should all be censored.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Jacaylabaro,

 

Dacaayada jooji inadeer. Hadii uu yidhi xataa hadalka si kale oo ka duwan sida yara aad u tidhi in uu u dhigay laga yaabee. Kolkaa jooji fadeexada. Khawf Rabbak.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacayl baro stop taking words out of context Sh adan siiro talked about Gunter Bischos and his Porn producing activities and Bishos claimed to be a Muslim so the Sheikh asked to see the video and when he saw the video he made it clear and said Gunter Should be sentenced to death we are muslim Country and he claimed to be a muslim so his whole purpose was to see and to balance the punishment Bishos should get. So next time don't take his words out of context

 

Thank you

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this