Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President on the Killing of Osama Bin Laden

Recommended Posts

“waad ogtihiin anaga dhibaato weyn bay noo geysteen oo weeraro badan baabay nagu soo qaadeen, markaa anaga maahee Caalamka oo dhan bay dhibaatadaas ku hayaan, sidaas daraadeed in laga hortago waa arrin muhiim ah oo waan soo dhaweynaynaa”

President Siilaanyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Dilka Hoggaamiyihii Al-Qacida

 

May 3rd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku ay ku khaarajiyeen ku guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay.

 

“Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida.

“Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu waraysigaasi kaga waramay socdaalkiisii qaatay 17-ka maalmood ee uu ku soo maray dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwayt, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi uu guul u ahaa Somaliland, waxaanu tilmaamay in Kuwayt ay balan qaaday inay Somaliland ka taageerto mashaariic ay ku baxayso 15 milyan oo doillar, kaasi oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha,caafimaadka iyo waxbarashada.

 

Waxa kale oo uu sheegay in dalka Imaaraadka carabtu ay balan qaadeen inay dhisayaan dayactirka jidka u dhaxeeya Berbera iyo Burco.waxaanu labada dawladoodba uga mahad celiyay sidii heerka sare ahayd ee ay weftigiisa u soo dhaweeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this