Sign in to follow this  
Liqaye

Madaxweyne Shariif oo booqasho ku tagay fariisimaha ay ciidamada DKMG ah kaga sugan yihiin Boondheer

Recommended Posts

Liqaye   

Sabti, Abriil 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan wasiir-u-dowlaha gaashaandhigga Cabdi Max'ed Abtidoon, taliyaha ciidamada Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo AMISOM ayaa maanta booqasho ku tagay fariisimaha ay ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin degmada Boondheere.

 

Sheekh Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxay socod ku mareen dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo dhufeysyo ku yaalay degmadaas oo la sheegay in laga saaray xoogagga Xarrakatul Shabaab.

 

"Waxaad sameyseen dulqaad iyo geesinimo - waxaadna ku samarteen duruufo badan, laakiin waxaa la idin kaga baahan yahay inaad salaadda tukataan oo aad joojisaan isticmaalka jaadka iyo wixii la midka ah akhlaaqdiinana aan wanaajisaan," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ciidamadii uu kula kulmay fariisimahaas.

 

Sheekh Shariif wuxuu u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan inay dalka nabad kusoo celiyaan, isagoo xusay inaan loo baahnayn in dadka ay dhibaateeyaan taas badalkeedana ay u gargaaraan.

 

"Haddii la arko askari labisan qof walba wuxuu is-leeyahay tolow muxuu damacan yahay, idinka ayaa la idin kaga baahan yahay inaad shacabka ka saartaan fikirkaas aadna ogaataan inaad tihiin kuwo naftooda u hibeeyay dadka iyo dalka Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Booqashada madaxweyanaha Soomaaliya uu ku tagay fariisimaha ciidamada ee ku yaalla degmada Boondheere ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu booqasho ku tagay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga iyo kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

 

Sheekh Shariif ayaa booqasho uu ku tagayo xeryaha ciidamada waday tan iyo markii uu sanadkan bilowday, waxaana uu sheegay in talaabadan ay tahay mid ay dowlada KMG ah ku doonayso inay dib u soo celiso nabaddii Soomaaliya 20-sano kaddib.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this