Sign in to follow this  
Liqaye

Maxkamadda ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridday askari dil u geystay askari kale

Recommended Posts

Liqaye   

Sabti, Abriil 30, 2011 (HOL) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DKMG ah ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari la sheegay inuu shalay gallinkii dambe toogasho ku dilay askari kale oo ay wada-shaqeynayeen.

 

Askariga dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdi C/llaahi Dhuxul op 25-jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inuu toogtay 5:30 galabnimo ee shalay oo Jimco ahayd askari kale oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Xasan oo ay kawada tirsanaayeen hal guuto.

 

"Markii maxkamadu ay ka dhageystay markhaatiyaal caddeeyay in in Cabdi C/llaahi Dhuxul uu toogasho ku dilay C/risaaq Cali Xasan, maxkamaddu waxay go'aansatay inay ku xukunto iyadoo cuskanaysa diinta Islaamka iyo sharciyada ciidamada," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo warbaahinta la hadlay.

 

Xukunkan ayaa ka dhacay mid ka mid ah aagagga ay ciidamada DKMG ah kaga sugan yihiin Muqdisho halkaasoo la sheegay inay ahayd halkii askariga kale lagu dilay, iyadoo aan la sheegin sababta keentay in askariga uu dil u geysto askari kale sidoo kelana lama sheegin xilliga xukunka dilka ah lagu fulin doono askariga dilka lagu xukumay.

 

"Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay la wareegtay qorigii uu dilka ku geystay gacan ku dhiiglaha la xukumay kaasoo ahaa AK-47 iyo 16-rasaas ah oo ku jirtay," ayuu Muungaab hadalkiisa raaciyay.

 

Xukunkan ayaan ahayn markii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu ku riddo askari dil u geystay askari kale, waxaase tan iyo markii uu billowday sannadkaan ay dilal ku xukuntay askar ka tirsan ciidammada DKMG ah, kuwaasoo qaarkood xukunka lagu fuliyay halka kuwo kalena ay weli xabsiyada ku jiraan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this