Sign in to follow this  
Liqaye

Maamulka Puntland oo kulan ka yeeshay xaaladda nabadgelyo ee farahooda ka sii baxeysa

Recommended Posts

Liqaye   

Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda nabadgelyo oo maalmihii ugu dambeeyay farahooda ka baxay, waxayna Wasiiradu ka hadleen sababaha keenay falalka ka socda gobolada Puntland ay maamusho, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso oo saddexdii toddobaad ee u dambeysay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan, qaraxyo lala beegsanayo madaxda Puntland.

 

Wasiirada Puntland waxay kulankooda uga doodeen halka ay salka ku hayaan dembiyada dhacaya, waxayna Wasiiradu isku raaceen in dilalka abaabulan ay labo weji yihiin, sida aanooyinka qabiil ee u dhaxeeya beelaha wada degan Puntland, halka qaar ka mid ah Wasiirada ay sheegeen in dembiyada iyo qaraxyada ka dhacaya gobolka Mudug ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo xiriir la leh xarakada Al-Shabaab.

 

Md. Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirka amniga Puntland iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saciid Xasan Shire ayaa Warbaahinta la hadlay, iyagoona ka warbixiyay go'aanada ka soo baxay kulanka Wasiirada Puntland, hase yeeshee guud ahaan ayay sheegeen in Dowladdu dardar gelineyso inay ka hortagto falalka nabadgelyo xumo ee degaanada ka jira.

 

"Waxaan ka xunahay in qabyaalad wax la isu yeelo, taasi oo ka horjeeda nidaamka dowliga ah iyo shareecada Islaamka" ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo ku booriyay shacabka gobolka degan inay ka qeyb qaataan sidii ay uga hortegi lahaayeen nabadgelyo xumida degaanadooda ka jirta.

 

Dhinaca kale Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Saciid Xasan Shire ayaa isagana ka hadlay dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Sanaag, wuxuuna ugu baaqay beelaha wada degan gobolka ay ka shaqeeyaan nabadgelyada isla markaana joojiyaan colaadda dhexdooda ka oogan, wuxuuna Wasiirku ku hanjabay in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo iyadu dembi gasha.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this