Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga qaybtii 4aad

Recommended Posts

Positive   

Howlo keeni kara in aan mushquul noqdo ayaa ii soo socda marka haddii aad u aragtaan in deg-deg ku jiro qoraaladaydan raali iga ahaada.

 

Tan waa qaybtii 4aad ee sheeko xariiradii Soomaalida iyo Hayb-sooca

 

Arxan la’aantu waa cadow

 

Dhalandhool ayaannu ku jirnay maalintaas oo dhan habeenkii dambe intiisa badanna guure. Qofkastaa cunto iyo cabitaan wuxuu garabka ku sitay ayuu hadba isku nafaqaynayey. Mar mar aan xaajo u hakano mooye mar keliya maanan is-taagin oo waxaannu ka baqaynay in nala dabo socdo. Dhulka aan maraynay abaar oomane ah oo duur joog mooyee duunyo iyo dad aanan ku arag buu ahaa. Qorax aan daruuro celiyaa jirin ayaa maalintaas madaxa kaa gubaysay. Dhul kayn ah oo xagarka, bilcilka, quraca, sarmaanta iyo dhirta hoose sida jilabka, dareemada iyo duurku ay buuxiyeen ayaannu dhex jibaaxnay. Mar mar baan markaan arko dhafaruur ay ka lushaan miro hurdi ah oo aad mooddo in malab ka da’yo intaan xantoobo ka gurto afka ka buuxsanayey. Xange se sidii nin dhiilaysan oo kale mar mar uu gadaal soo dhugto mooyee hortiisa ayuu tallaabo dhiibsan ugu socday isagoo awrka hoggaanka u haya. Qalanjona sidii la yiri yuusan kaa tegin bay ku dabo niibsanayd.

 

Cawilka Alle ilayn lama waayee wuxuu noogu gargaaray in aannaan qof keliya arag cid na raadinaysaana aysan naga daba imaan. Waxaase kale oo nayaayiro na sii gelisay markii galabnimadii aannu helnay biciid gool ah oo intuu labada jeeni ka jabay kici kari la’. Xange ayaa intuu awrkii geed ku xiray oo midi af badan la soo baxay gowracay. Intuu awrkii gurada u saaray biciidkii ayaannu socodkayagii sii wadanay. Habeenkii oo caddo ahaa mar uu abaara kala bar yahay oo laxahu ay dhinaca galbeedka u bateen ayaa Xange is-taagay. Intuu cabbaar wax dhegaystay markuu wax dhiilo geliya maqli wayay ayuu awrkii fariisiyey. Qalanjo oo aadan daalba ka dareemayn ayaa intay soo oroday ka qabatay hoggaankii. Xange intuu biciidkii ka soo dejiyey awrkii ayuu geed halkan ah labadii minjood laan u suray oo soo foorariyey. Intuu qaatay gudin oo naga dhaqaaqay ayuu yiri “awrka fura waan soo noqonayaa”.

 

Annagoo awrkii ka dejinay heeryadii iyo haamihii ayuu soo noqday isagoo xaabo badan sida. Awrkii ayuu seeteeyey oo sii daayey si uu u daaqo. Ma daale Xange wuxuu isla markiiba u hawlgalay inuu dab ka bixiyo madag iyadoo walaashayna intay shillal samaysay ay biciidkii maqaarkii oo isku dhan ka siibtay hilibkiina qurub qurub yar-yar u jartay. Waxay tiri “ hilibka waynu hogaynaynaa ee dhamac xoog leh inoo sameeya”.

 

God baannu qoday oo xaabo ka buuxinay dabadeedna shidnay. Markay dhamac noqotay xaabadii ayaannu hilibkii oo ku tolan maqaarkii biciidka ku ridnay oo ku aasnay godkii . Markaannu hawshii dhammaynay ayuu Xange yiri “waxaynu sugaynaa inta uu hilibku ka hogoobayo. Waxaa habboon in aad isku daydaan in aad yara seexataan waayo caawa waa inoo guure”. Halkaan sugayey in Qalanjo nasan doonto ayey bilowday dood dhexmartay Xange.

 

Qalanja tiri: “ sac baa raaf igu hayo seexan kari mayo”.

Xangaa ku jawaabay: “Bal ka saar sarbeebtoo warka aan saani u caddayno”.

Qalanjo: “Ma sooc bay ku jiri sebiyo uu Eebe ina siiyo?”.

Xange: “ Maya ee abtirsiin saafi ah oo saxan ayey yeelan”.

Qalanjo: ”Ma sed dhoobi bay nolol ka dhigan Sahal wuxuu beeray?”.

Xange: “Maya ee Samafale Eebbe ayaa dhibtaa suxul ka yeelaaya. inaguna siday tahay dedaal sannado joogtaynay”.

 

“Waad igu bannaan tahay” ayey tiri Qalanjo iyadoo dhulka eegaysa. Dab olol yar oo noo shidnaa oo wejigeeda iftiimiyey ayaan ka daalacday in waalaashay kalsoonidii ugu dambaysay siisay Xange. Sidii wax feker dheer gashay oo kale intay noqotay ayey ku soo celisay su’aal Xange oo waxay tiri” Abtirsiinada maxaan ka yeelaynaa?".

 

Xange oo aan shaki gelin ayaa sharaxaad dheer siiyey qalanjo. Wuxu yiri:

“Abtiirsiinada waxaa ka horeeya tolnimada. Erayga tol wuxuu muujinayaa wax laysku kab-kabay. Marka qabiilka waxa saldhigga u ah ee isu keenaa waa tolnimo ee ma aha abtirsiino ama wada-dhalasho. Qabiil kasta joogto waxa ugu soo biira dad oo tolka ka mid noqda. Si haddaba loo sii adkeeyo tolnimada ayaa awoowayashii hore jideeyeen in dadka tol ahi ay abtirsiino wadaagaan. Haddaba tolnimada iyo batirsiintuba waa wax la sameeyey oo xal loo arkay ula-jeedada laga leeyahayna ahayd in layska kaashado colaadaha joogtada ah ee jira iyo duruufaha kale ee nolosha; waxaa caadi ah in saddex ilaa afar fac kadib la ilaawo taariikhdii qofka ama kooxdu ay ku soo biirtay tolka oo uu is-moodo qofku ama tolka kale moodaan in la wada dhashay oo dhiig la wadaago".

 

Wuxuu ku soo gunaanaday “ Dadka la hayb-soocaa waa dad aan ka mid ahayn tol cudud iyo xoog leh taas ayaana sabab u ah hayb-sooca. Idanka Ilaahay tol ina anfaca ayeynu heli”. Doodii ayaa intay yara hakatay ayaan ku milmay fekerkii dhex mushaaxayey maankayga. Sidii wax saacado maqnaa oo kale ayaan dareemay markaan mar dambe ku baraarugay Xange oo leh” qabiil reer tawaawul la yiraahdo ayaa caawa samaysmay. Carruur Alle ina siiyo oo keliyana ku koobnaan mayo qabiilkaasi ee waxaa dhallan doonaa, haddii rabitaanka Alle ay noqoto, is-bahaysi xoog weyn oo aynu ka mid noqono”.

 

Doodu markay halkaas maraysay ayaan ku dhiiraday in aan weydiiyo su’aal igu taagnayd oo iri ” Haddii aynu qabiil cusub samayno miyeysan taasi khaladkii oo aynu khalad ku saxnay noqonayn?”.

 

Isagoo aan runta ka libiqsan ayuu yiri” haa marka abuurista gaashaanbuur cusub oo aynu ku biirno la eego. Laakiin wax kastaa waqti ayey leeyihiin. Mar baa imaan doonta mustaqbalka ay dadku u bislaadaan inay xaqa u hiiliyaan. Markaasi waxay noqon doontaa marka Soomaali oo dhammi hal qabiil oo Soomaali la yiraahdo ogolaato! Inta ka horaysa dhibaatadu qaabab kala duwan ayey u jiri kartaa”.

 

Intuu yara hakaday ayuu sii waday hadalkii oo yiri “ innagu hadda kama maarano in aynu hayb cusub yeelano. Waxaynu se dhaqanka is-bahaysigeenna ku kordhin doonaa dhaqamo mamnuucaya in dadka la hay-sooco. Isla markaasna xeerar ayeynu samayn doonaa loogu xoolo go’nayo qofkii sabool noqda”.

 

Wax yar intuu aamusnaa oo hubiyey in ay Qalanjo dhegaysanayso ayuu hadalkii sii waday oo yiri” run ahaantii waxa keliya ee dadka kala soocaa waa hantida. Halkay ahayd in xoolaha Alle loogu shukri naqo waxaa jirta in la isugu faano oo ka aan wax haysan lagu gumaysto ama marka ay ugu liidato magac xun loo bixiyo.”

 

Wuxuu ku soo gunaanaday “ Arxan la’aan baa jirta ee nasab la’aan ma jirto.

 

Waxaan aad ugu bogay sida wanaagsan ee uu fekerka caafimaadka qaba isu saaray; sharaxaadda dheer ee uu bixiyey ayaa qalbiga ii dejisay waxanaan ogaaday in qofku dhibaato kasta oo soo wajahda intuu Rabi la kaashado inuu talo iyo tacab ku xalin karo.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Erayadan micnaha aan hoos ku sheegay ayey ugu jiraan sheeko xariirada:

 

Dhalandhool= ku lugeyn qorax kulul; dheemaal.

Guure= socod ama safar xilli habeen dambe ah.

Oomane= biyo la’aan.

Duur-joog = ugaarta iyo xayawaanka kale ee aan rabaayadda( guri-joogta ) ahayn ee duurka ku nool.

xagar= geed dheecaan cad oo qaraar leh.

Bilcil= geed ka mid ah dhirta caanka ah ee soomaliya ka baxda.

Qurac= geed ka mid ah dhirta caanka ah ee soomaaliya ka baxda.

Sarmaan= geed laamo dhuudhuuban oo qodax badan leh.

Jilab= geed hoosaad ay xooluhu jecel yihiin inay cunaan.

Duur= Caws dhulka ka baxa.

Xantoobo= in gacanta buuxisa; gacan mugeed.

Dhiilo= aad uga baqin qaba in la dilo ficil uu sameeyey awgiis.

Dhiibsan= toosan; aan leex-leex, qalooc , lahayn.

Niibsan= ku dabo dhegan; hoosta kaga jira; aan ka fogayn.

nayaayiro= Rajo, farxad.

Cawil = kalkaal; caawino; gargaar; ugu beddel wanaag.

Gool= naaxsan; cayilan; shilis.

Caddo= habeenkii marka dayax jiro.

Laxo= magaca xidido saddex ah oo is-dabo yaal.

Heeryo= maryo iyo waxyaabo kale oo laysku kab-kabay oo awrta marka la rarayo la saaro si uusan u dhaawicin rarku.

Seeteeyey= xarag lagu xiray labada lugood ee hore ee awrka si uusan meel dheer u tegin.

shillal = caws ama laamo qoyan/qalalan oo la hoos dhigo neefka la qalay si aanay ciiddu u gaarin hilibka.

Dhamac= dhuxul aad u ololaysa.

Raaf= cidida xoolaha; cagta xoolaha.

Sarbeeb= hadal micnihiisu daahsoon yahay. Hadal sida loo leeyahay iyo sida loola jeeda kala duwan yihiin.

Sebi= ilmaha yare oo dhashay.

Sed= irsiq; wax la cuno ama lagu noolaado.

Suxul= wanaag; sahal.

Daalacday= eegay.

is-moodo= isula muuqdo; isu arko.

Milmay= qooshmay; isugu darsamay si aan la kala sooci Karin.

baraarugay = hurdo ka toosay.

Go’ynayo= ( eraygan si khalad ah ayaan u qoray. Sida saxda waa gooyo ama goyn). Xoolo goyntu waxay ahayd dhaqan qofku markuu cayroobo xoolo loogu uruurin jiray si uu saboolnimada uga baxo. Marka inanku guursado aabihii ayaa xoolayn jiray. Labadaas dhaqanba xoolo gooyo ayaa la oran jiray ama la yiraahdaa haddaba.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mahadsanid saxiib erayga laxaha waa sidaad u sheegtay waa xidigo aanan markii hore aqoon intay tiradoodu tahay

waxaan kaliya oo xasuustaa urur laxo iyo xidigta waa beri

 

xidigaha iyo dayuxu dadkeenii reer guuraga ama reer badeedka waxay u ahaayeen (GPS ama Global Positioning System,) waxa afka qalaad loogu yeero.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this