Sign in to follow this  
Liqaye

Shariif Xasan iyo guddi hoosaadyada Baarlamaanka oo kulan ay yeesheen fashil ku dhammaaday

Recommended Posts

Liqaye   

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka, gaar ahaana ka tirsan guddi hoosaadyada Golaha ayaa ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimaha shirka dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ka qeyb galay Shariif Xasan, hase yeeshee markii uu u soo bandhigay go'aanadii ka soo baxay shirka Nairobi ayaa waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray Xildhibaanada.

 

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah mudanayaasha kulanka la yeeshay Guddoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay in go'aanka Baarlamaanka ee mudada saddexda sano ah ku kororsaday ay tahay mid lama taabtaan ah, wuxuuna sheegay inay kahor yimaadeen markii Shariif u sheegay in Baarlamaanka dib uga laabto saddexda sano.

 

"Sharciyan marka Baarlamaanka go'aankiisa wax laga bedelayo lix bil kaddib ayuu dastuurka dhigayaa" ayuu yiri Xildhibaan Cashara oo sheegay in inta badan qodobada ka soo baxay shirka Nairobi ay dhaawac ku yihiin dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka Golaha Baarlamaanka.

 

Dhinaca kale Xildhibaanada kulanka la yeeshay Shariif Xasan oo iyagu intooda ku taageeray ka qeyb galkiisa shirka Nairobi, ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Mudanayaasha ka hadlay kulankaasi Xildhibaan Cumar Islow oo sheegay iyagu inuusan waxba ka quseynin shirka Nairobi iyo qodobadii ka soo baxay, isagoona sheegay in go'aanka Golaha Baarlamaanka uu yahay lama taabtaan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this