Sign in to follow this  
Liqaye

Dagaal Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay Degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalkaasi ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 7-qof oo dhinacyadii dagaalamaysay ah, iyadoo dagaalku ahaa mid saakay uu ka dhacay

tuulada Buusaar oo ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

 

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka Howlgalada ciidamada ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dhinacooda dagaalkaasi,

ayna ku qabsadeen hub kala duwan iyo saddex ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada Dowladda.

 

Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in dagaalkaasi ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijin

kara sheegashada Al-Shabaab ee la xariirta in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen.

 

Dhinaca kale dagaalka ayaa ku soo adaaya xilli uu Gobolkaasi booqanaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this