Sign in to follow this  
Liqaye

Madaxda Bariga Africa oo taageray waqti kordhinta Sanadka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya

Recommended Posts

Liqaye   

Madaxda dowladaha Bariga africa ayaa taageeray go'aanka golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku aadanaa mudo kordhinta sanadka ah ee xukuumadda KMG ee soomaaliya.

 

Madaxda dowladaha Bariga Africa oo shalay kulan ku yeeshay xarunta dalka Tanzania ee Darassalam ayaa carabka ku dhuftay in waqti u kordhinta xukuumadda KMG ay qeyb ka qaadan karto dardar gelinta nabadda maadaama ay iminka ku howlantahay sidii ay gacanteeda ugu soo celin laheyd talada dalka iyo nabadeynta guud.

 

Madaxda ayaa sidoo kale bayaan ay soo saaren gabagabadii kulanka waxey ugu baaqeen beesha caalamka in la taageero ciidamada Amisom ee ka howl gala dalka Soomaaliya, taageera lasiiyo Amisom ayayna ku sheegeen madaxdu in ay tahay mid qeyb weyn ka qaadan karta soo celinta amniga iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.

 

Kulanka Madaxda bariga Africa ay ku taageereen go'aanka waziirada dowladda KMG ee Soomaaliya ee ka dhacay Darassalam ayaa waxa ka qeyb galay madaxda dowladaha Kenya, Uganda, Burundi, iyo tanzania oo isgu marti gelinayay kulanka.

 

Gabagabadii Kulanka ayaa madaxdu waxey ammaan ballaaran usoo jeediyeeen dowladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamadoodu ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasoo caawinaya dowladda KMG ee Soomaaliya oo baadi goob ugu jirta xal u helidda dhibaatooyinka baahsan ee ka oogan dalka.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this