Sign in to follow this  
Bashiir

Azania iyo Dhacdooyinkii ugu Dambeeyey.

Recommended Posts

Bashiir   

Arbaco, 20 April 2011 11:13 | Qoraaga: Tafaftiraha Afdheer

 

Dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay deegaanada hoostaga Maamul-goboleedka Azania State of Somalia iyo deegaanada deriska la ah, tan iyo intii lagu dhawaaqay Maamulkan dabayaaqadii bishii Maarso ee 2011-da.

 

30. March 2011, Prof. M. Abdi Gaandi ayaa madaxweeyne loogu doortay maamul loogu magacdaray Azaniya State of Somalia.

 

 

31. March 2011, Waxaa magaalada Garissa ka dhoofay Odayaal iyo Salaadin uu hogaaminayay Suldaan Abdi Ali Sokor, ka dib markii ay Dowlada Kenya ku martiqaaday inay yimaadaan magaalada Nairobi wadatashi ku saabsan maamulka Azania.

 

01. April 2011, Madaxweyne Gandi ayaa ka qeybgalay markii ugu horeeysay asaga oo Madaxweeyne ah barnaamijka Falanqeeynta-Jimcaha oo ah barnaamij ay soamaalidu aad u xiiseeyaan dhageeysigiisa.

 

Isla maalinkaas, waxaa magaalada Dhoobley ka dhacay dagaal socday 7 saacadood oo xiriir ah dagaalkaas oo ay guusha ku raacday Xoogaga Alshabaab oo berigaas ka talinayay Degmada Dhoobley iyo hareereheeda.

 

3. April 2011, Waxaa degmada Dhoobleey la wareegay Ciidamada Maamul-goboleedka Azania iyo Khubarada Kaambooniyiinta oo is garabsanaya, ka dib dagaal faraha looga gubtay.

 

Isla maalinkaas, waxaa si rasmi ah loo caleemo saaray ama loogu dhaariyay xilka Madaxweeynenimada ee Dowlad-goboleedka Azania State Of Somalia Madaxweyne Mahamed Abdi Gaandi.

 

Isla maalinkaas, waxaa Belad-xaawo gaaray wafdi ka socda DFKMS. oo uu horkacayay wasiirka maaliyada iyo lacagta mudane Xuseen Cabdi Xalane. Wafdiga waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Xidig), wasiiru dowladaha Bada, Dekedaha iyo Gaadiidka Cabdirashiid Xaaji Deerow, taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan “Cali Madoobe” iyo Gen,Yusuf Cismaan Dhuumaal oo isaga mar ahaan jiray Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaliyeed.

 

5. April 2011, Madaxweyne Gaandi iyo Suldaan Cabdi Cali Sonkor aya ku kulmay magaalada Nairobi arimo ku saabsan Maamulka Azania.

 

Isla maalinkaas, Gudoomiye ku xigeenka Golaha fulinta Ahlu-sunna wal-jamaaca ninka lagu magac'aabo Maxamaed Maxamuud Ow-Libaax oo war baahinta la hadlay asaga oo ku sugan Caabudwaaq ayaa Maamulka Azaniya ku tilmaamay waxba kama jiraan.

 

Isla maalinkaas, Waxaa deegaanka Dhoobleey booqday, wasiirka maaliyada iyo lacagta mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdirashiid Xidig oo ah wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DFKS.

 

6.April 2011, Ogayaasha Jubooyinka iyo Siyaasiga lagu magac'aabo maxammed Amin ayaa shir'jaraaid ku qabtay Nairobi, shirkaas oo ay si wadajir ah ugu taageereen Dowlada-goboleedka Azaniya.

 

7. April 2011, Safiirka soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku baaqay in la gar'gaaro dadka ku dhibaateeysan Jubooyinka oo ay isugu darmeen dagaalo iyo Abaaro daba dheeraaday.

 

Isla maalinkaas, Caruur ayaa ku wax'yeeloowday qarax ka dhacay magaalada Diif Korma kadib markii ay ku ciyaareen bambaano looga tegay meel xero Ciidan ah oo aay ka guureen Ciidamada Kaambooniyiinta.

 

Isla maalinkaas, Dayuuradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa Xuduuda ku weeraray dhor Askari oo ka baxsaday Ciidamada Dowlada islamarkaana doonayay inaay ka talaabaan xadka labada dal.

 

Isla maalinkaas, Raiisul-wazaare Farmaajo ayaa Nairobi kula kulmay dhigiisa Raila Odinga. Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamadooda ay magaalada Dhobleey kala wareegeen Xoogaga Alshabaab oo sida uu sheegay ay la socdaan dagaalyahano ajaanib ah.

 

Usbuucaa gudihiisa waxaa warbaahinta lagu qoray in magaalada Garissa laga furay Qunsuliyad ay leedahay Dowlada Ethopiya.

 

8. April 2011,Raiisul-wazaarihii hore ee dalka ingiriiska Gordon Brown oo waraysi siiyay wakaalada wararka (AP) ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Alqaacida ay ka bexeen Magaalada Kismaayo...

 

Isla maalinkaas, Suldaan Maxamed Xaaji Siraad (Siraaji). oo marti ku ahaa barnaamijka Fool-kafool ee ka baxa Raadiyaha Xarunta Bafin iyo Bidhaan arag (Kismaayood.com) ayaa dhinacyada ay quseeyso ugu baaqay in la taageero DowladaGoboledka Azania, waxuuna cambaareeyay dadka sida xun wax u fasirtay ama dhaliilay maamulka Azaniya.

 

 

9. April 2011, Waxaa ku geeriyooday Magaalada Kamsuuma labo qofood ka dib markii uu dab ka kacay Bakhaar lagu iibinayay shidaal (Haweeneey iskaleheyd bakhaarka iyo nin shaqaalo ahaa)

 

10. April 2011, Xoogagga arxanka'daran ee Alshabaab ayaa magaalada Kismaayo ku goowracay 4 nin oo ay ku eedeeyeen in ay xogo siinayeen ciidamada dowlada ee ku suganTaabdo.

 

Isla maalinkaas, Waxaa Ka dhacay Magaalooyinka Mataanaha ee St paul , Minneapolis Shir lagu Taageeray Maamul Goboleedka Azaania.

 

11.April.2011, Waxaa magaalada Nairobi gaaray Wafuud Soomaali ah oo ay horkacayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Somalia, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Galmudug iyo Madaxweynayaal kale oo Soomaaliyeed iyo weliba qaar ka mid ah ururada hubeeysan, sida Ururka Ahlu-sunna wal-Jamaaca.

 

12.April.2011, Xeen Maleeshiyada Alshabaabka Qooqaani ah ayaa isu dhiibay Ciidamada Dowlada iyo Kaambooniyiinta ku sugan safka hore.

 

13.April.2011, Afayeenka Qaaradda Yurub ee Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ninka lagu magac'aabo Sheekh Max’ed Xuseen Owliyoow ayaa Magaalada Nairobi ka sheegay in ujeedada Ahlu-Sunna ay kaga qeyb galeen shirka Nairobi ay tahay, sidii ay u hanan lahaayeen xukunka dalka Soomaaliya

 

Isla maalinkaas,Shabaabka magaalada Baardheere oo xir xiray Ganacsato iyo Waxgarad.

 

Isla maalinkaas, waxaa warbaahinta lagu faafiyay Kulan ka dhacay Buaale oo looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya, kulankaas oo sida la sheegay uu ka qeeybgalay Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane. (wax lala yaabo ma aha, Ugaas Xuseen Allah ha xafido)

 

15.April 2011, Xoogagga arxanka'daran ee Alshabaab ayaa magaalada Kismaayo ku gowracay Sarkaal horay uga tirsanaani jiray maamulkii Dooxada Juuba ee Bare-hiiraale oo lagu magacaabo Xareed Ali Dur-dur oo oo sida la sheegay inta la gowracay ka dibna meedkiisa lagu soo tuuray laamiga magaalada Kismaayo,

 

Hadii ay jiraan wax dhaliil ama khalad ah, sida taariikhaha dhacdooyinka ama macluumaadka intaba waxaan codsanayaa in la ii saxo, ama laiigu soo diro Emailka hoos ku qoran, ileen beni'aadamku ma dhama,.

Mahadsanidiin WCW.

 

b%20haji.png

 

 

Bishar Haji-

 

Qoraa Madaxbanaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

 

Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Raskambooni oo dagaal kula wareegay deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka J/hoose

 

Dagaalo aad u culus ayaa waxay saaka ka dhaceen deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka J/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada Somalia iyo Xarakada Raaskambooni oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyadoo dagaaladasina ay geysteen qasaare fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaalada ayaa bilowday saaka waaberigii ka dib markii ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Raaskambooni ee gacanta ku haya degmada Dhoobley ay weerar culus ku qaadeen deegaano lagu magacaabo Jarmiin iyo Shabaax oo ay joogeen ciidamada Xarakada Al Shabaab kuna yaala inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka J/hoose.

 

Labada dhinac ayaa waxaa deegaanadaasi ku dhexmaray dagaal aad u qaraar oo gacmaha la iskula tegay la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay markii dambe ka baxeen labada deegaan ee Jarmiin iyo Sabaax ayna ayna la wareegeen gacan ku heyntooda ciidamada is garabsanayey.

 

 

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay iney u baxeen dhinaca degmada Afmadow, iyadoo dagaalada halkaas ka dhacay ay guulo k sheegteen ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni saraakiil u hadlay oo sheegay iney guud ahaan la wareegeen goobihii ay saaka weerareen ayna ka dileen dhinacii ka soo horjeeday ilaa 10 askari oo ay sheegeen in meydkooda uu daadsan yahay ilaa hadda goobihii lagu dagqaalamay, mana jiro war ku saabsan dagaaladii saaka oo ka soo baxay dhinaca Al shabaab.

 

Deegaanada Jarmiin iyo Sabaax ee saaka ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Kaambooni ay la wareegeen ayaa waxaa ay ku yaalaan inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka J/hoose, waxayna Dhoobley u jiraan 120 km halka dhinaca afmadowna ay u jiraan ugu yaraan 60 km, waxaana saraakiisha ciidamada dowlada ay sheegeen iney dhowaan ku fool leeyihiin degmada Afmadow.

 

Xigashada: Dayniile

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal saaka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan degmadaas oo dhaca dhanka duleedka ay ku qabsadeen tuulooyin ay isku uruursanayeen Shabaabka.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Shabax oo ka tirsan tuulooyinka hoos taga Dhoobley, iyadoo dagaal muddo saacado qaatay uu halkaas ku dhex maray Shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano dhowr ah, ragg saraakiilna ay ku qab qabteen, inkastoo aanay sii xusin tirada saraakiisha.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in goor hore oo barqanimadii ahaa uu istaagay, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac wali wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garo.

 

Ciidamada Dowladda ayaa hada u muuqda in ku dhowaan 100-KM ay ka dhaqaaqeen degmada Dhoobley, iyagoo hada kulaalaya dhanka deegaanka Afmadow.

 

Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhacay Jubada Hoose, tan iyo markii dhowaan Ciidamada Dowladda ay qabsadeen degmada Dhoobley.

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Nairobi (RBC) Warar naga soo gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijiyey in ciidamada Raskambooni iyo kuwa DKMG ee maanta dagaalka la galay kuwa Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen sarkaalkii hogaaminayey ciidanka Al Shabaab.

 

Sarkaalka la qabtay ayaa lagu magacaabaa Sheekh Maxamuud Taqal waxaana wararku sheegayaan in isagoo dhaawac ah lagu soo qabtay tuulada Jirme oo ku dhow Afmadow halkaasoo saaka dagaal ay ku qabsadeen ciidamada DKMG iyo Raskambooni.

 

Sarkaalkan ayaa ahaa ninkii hogaaminayey ciidanka Al Shabaab ee ka dagaalamayey Dhoobley, waxaana dhaawaciisa haatan lagu daweynayaa Dhoobley siday sheegayaan ilo xog ogaal ah.

 

Qabashada sarkaalkan ayaa ka dambeysay dagaal culus oo saaka ciidamada DKMG iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray tuulooyinka Jirme iyo Sabaax halkaasi oo sarkaalka gacanta loogu dhigay.

 

Sheekh Axmed Madoobe oo ah gudoomiyaha ururka Raskambooni oo xulufo la ah ciidamada DKMG oo galabta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankiisa ay gacanta ku hayaan sarkaalkaasi Shabaab ka tirsanaa. Wuxuuna sheegay inay daweynayaan.

 

Xarakada Shabaab ayaa ka aamusay ka hadalka warka ku saabsan qabashada sarkaalkan.

 

RBC Radio -Xafiiska wararka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dhoobleey3-150x150.jpg

 

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Azaniya oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Ilyas Badal ayaa soo gaaray magaalada Dhoobleey. Waftigan ayaa ka soo kicitimay magaalda Nairobi halkaa oo lagu soo unkumay maamul gobeleedka Azania.

 

Mudane Ilyas Badal ayaa horey u ahaa gudoomiyaha J/Hoose xiligii C/llaahi Yuusuf. Qeybaha kala duwan ee maamul goboleedka Azaniya ayaa is ku raacay in maamulka sadexda gobol loo daayo mudo labo sano ah maamuladii ka jiray xiligii C/llaahi yuusuf.

 

Maamul goboleedka Azaniya ayeey u dhameeystiran tahay qeeybaha kala duwan oo uu maamul dowli ah leeyahay. Qeeybaha kale ee dalka ayaa la filayaa in dhowaan gaaraan maamuladii loo soo igmaday.

 

Jubbalandnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

dagaal-qararsss-300x238.jpg

 

Dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab ayaa saaka ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaaladaas warar kala duwan ay ka soo baxayaan ilaa iyo hada

Sida ay sheegayana wararka Ciidamada AL-shabaab oo qaaday dagaaladaas ayaa sheegay in dhowr jiho ay ka wareereen Talis Ciidamada Dowladda ku lahaayeen deegaano u dhow dhow Ceel-Waaq.

 

Wararkas ayaa intaa ku daraya in dagaalka oo ahaa mid saameyntiisa si aad ah looga dareemay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, ayaa ahaa mid mudooyinkan ay diyaarinayeen AL-Shabaab, kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolkaas, kadib Gurmadyo ugu yimid Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool.

 

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka, ayaa hadana waxaa jira sheegashooyin iska soo horjeeda oo labada dhinac ay ku sheegayaan guulo, laakiin ma jirto warar si rasmi ah uga soo kala baxay labada dhinac.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal ay ka wadeen dhinacyada isku haya halkaas, waxaana deegaano ka tirsan Gobolkaas gacantooda ka baxday Ciidamada AL-shabaab.

 

Ciidamada AL-shabaab aya ui eg mid uu xiligodii dhamaday madama aad kafahmi karto gulo badan ay garayan ciidamada dowlada iyo ciidamada kale ee garbinaya oo isku jiho u socdaa kuwaas oo ay yihiin hadaf koda in wadanka laga xoreyo ciidamada AL-shabab ee kataliya inta badan wadanka somaliya.

 

Kismaayood.com

 

Happy Yare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay duleedka Degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalkaasi ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab

 

Dagaaladaani oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa saakay waxaa ay ka dhaceen Tuulooyin hoostaga deeganka Buusaar oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowldda ay ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga deegaanka Buusaar, waxaana ay isku adeegsadeen dhinacyadaasi hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Dhinaca kale dagaalka ayaa ku soo adaaya xilli uu Gobolkaasi booqanaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Maalmihii u dambeysay ayaa deegaanka Buusaar iyo Tuulooyinka hoostaga waxaa ka soconayay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo ay wadeen Ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Shabaab

 

Cabdi Waheliye

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya Ciidamadda Xukuumadda Soomaaliya oo garabsanaaya ciidamadda Raaskambooni ayaa waxay saakay dagaalo xoog leh ay tuulooyinka Jirmo iyo Sabaax kula wareegeen dagaalo qorsheysan oo ay saakay ku qaadeen.

 

Deegaannada Jirmo iyo Sabaax oo ku yaala Galbeedka degmada Afmadoow oo ay horey u joogeen ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii saakay waxaa dagaallo qayb ka ah howlgallada dalka lagaga saarayo kooxdaasi, waxa ay ciidamada Dowladdu iyo Raaskambooniyiinta ku soo qaadeen waddada isku xirta Diif iyo Afmadoow ee isla gobolkaasi.

 

Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, in lagala wareegay tuulooyinka Jirmo iyo Sabaax

 

Cabdi Waheliye

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

ciidamada-dowlada1-150x150.jpg

 

Dagaalkii maanta ee dhexmaray ciidamada maamul goboleedka Azaniya (CMGA) iyo Alshabaab ee daagaanka Jirma ayaa la xaqiijiyay in Shabaabka lagu jabiyay. Meesha dagaalka ka dhacay ayaa ah wadada is ku xirta Dhoobleey iyo Afmadow.

 

Dagaalada maanta oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in CMGA iyo Raaskambooniyiinta si aad ah ugu gacan sareeyeen Shabaabkana ka carareen meeydka ciidamada laga dilay.

 

Sh. Takhal oo isagu ahaa masuulka amaanka u xilsaarnaa magaalada Afmadow ayeey Shabaabku dhawaan u xilsaareen dhamaan amaanka Jubbooyinka arintan ayaa ah mid saraakiisha deegaanka ee Alshabaab ka tirsan la soo hormariyo kaliya marka dadka deegaanka ey ka soo jeedaan lala dagaalamayo.

 

Takhal ayaa dhaawac ka ah gacanta midig iyo boowdada waxaana lala qabtay sarkaal kale oo daawiciisu halis yahay, gaari Cabdi Bile ah iyo gaari kale kuwa xamuulka ah oo waday saad saanado milatari ah.

 

Dhinaca kale ee Qooqaani afkeeda oo labada ciidan is ku ag fadhiyaan ayaanan wax dagaal ah ka dhicin. Waloow shalay la xaqiijiyay in Shabaabku toogteen nin xubin iyaga ka tirsanaa oo looga baqay in uu dhinaca kale u baxsado. Arintan ayaa Shabaabka xiisad ka dhex dhalisay keentayna in ey labo qeeybood u kala jabaan is rasaaseeyna dhex marto.

 

Shabaabka ayaa qofkii ey dilayaan ka adeejin jiray kuwa ehelkiisa ah, ninka shalay la toogtay ayaa la xaqiijiyay in ehelkiisa eeyan dilin waana halkan meesha xiisada in labo loo kala jabo oo la israsaaseeyo keentay.

 

Shabaabka Jubbooyinka ayaa kal hore lumiyay kalsoonida shacabka iyagoo isu badalay kuwa dano qabiileed iyo kuwa saqsiyadeed la soo baxay halkii Islaanimo laga filayay. Goobaha dagaalka ayaanan lagu arag saraakiisha Shabaabka u talisa ee manfaca aduun iyo mansabka is ku darsaday halka dhalinyaro yar yar oo si ula kac ah loo qalday dabka lagu shubo.

 

 

Jubbalandnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ayadoo dagaal aad u kharaar uu saaka ka dhacay deegaanka Jirma ee Banka Jiira, ee degmada Afmadow ayaa sidoo kale waxuu mar labaad dagaal dib u qarxay marka qoraxdu ay liiqa sii dhigaysay ee gooraysadu ku siqaysay xiliga salaadda maqrib laga tukado geeska Afrika.

 

Dagaalka oo dhaliyay khasaare xoogan ayaa u dhacay sidan;

 

 

Dagaalka waxaa qaaday oo kali ku ahaa Xarakada Kaambooni, halka ciidamadii DKMG iyo horin kale oo Kaambooniyiinta ah ay dhufays kaga jiraan aagga Taabta oon wali dagaal ka qarxin.

 

Inta la ogyahay dhimashadu waa 10, dhaawucuna waa 15 kuwaasi oo dhamaanba ah dhinacyadii dagaalamay.

 

Dagaalkii saaka, xarakada Alshabaab waxaa laga gubay baabuur, halka 2 kalana lagaga qabsaday.

 

Waxaa nolol lagaga qabtay xarakatul shabaabul mujaahidiin 6 askari iyo 2 sargaal oo mid lagu sheegay inuu ahaa muhaajiriinta wadamada dariska ee la baadi goobayo halka sargaalka kalana uu ahaa madaxii amniga Jubbooyinka Sh. Maxamud Takhal.

 

Dagaalka Maqriboodkii dhacay ayaa sidoo kale Xarakada Alshabaab waxaa lagaga furtay Booyaddii biyaha u dhaaminaysay iyo taliskoodii ciidanka ee aagga Banka Jiira.

 

Qoryo, saanad iyo taleefanada gacanta oo badan ayaa ayana laga qabsaday, waxaana la sheegayaa in taliska ciidamada ee xarakada Alshabaab uu ciidamadii aaggaas joogay uu taleefano ka dhigis ku sameeyay, taasina ay kaliftay in maanta markii lagala wareegay goobtii dirirtu ka dhacday laga qabsado dhamaanba taleefanadii gacanta oo meel ku wada jira.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii dagaalkii saaka xarakada Kaambooni ay ka lib heshay xarakada Alshabaab ay sanka sanka u saartay oo orodkii la isla jiidhay taliskii ciidanka kadibna ay sababtay in xarakada Alshabaab lagala wareego taliskoodii ugu mihiimsanaa ee aagga Banka Jiira.

 

 

Dhinaca aagga Taabta ayaa sidoo kale caawa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan ayadoon la saadaalin karin ayaa hadana waxaa mar kasta suuro gal ah inuu dagaal ka qarxo.

 

Dirirtii maanta ayaad moodaa inay furtay waji cusub ayadoo noqotay markii ugu horaysay taariikhda oo ciidan tiradaas gaaraya iyo saraakiil nolol ay kaga qabsadaan garabyada ay masraxa isku hayaan xarakada Alshabaab.

 

Waxaa suuro gal ah in khasaaraha uu dhaliyay dagaalkii saaka iyo kii maqribkii ay intaasi ka bataan.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ciidamo_Manaas-300x150.jpg

 

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobleey waxa ay sheegayaan in illaa shan boqol oo askari ay dowlada kumeelgaarka ah ku xaraysay magaalada Dhoobley halkaasoo tabobaro uga socdaan.

 

Ciidamadani ayaa la xareeyey dhawaan markii uu halkaasi tagay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DKMG ah Cabdirishiid Xidig.

 

Dhoobleey waxaa horey ugu sii sugnaa ciidamada maamulka Azania iyo kuwa Axmed Madoobe kuwaasoo labadooduba sheegta in ay taabacsanyihiin dowlada balse kala hogaan ah, lama oga ciidamadani cusub kuwa ay ku biirayaan iyo in ay noqonayaan ciidan sedexaad oo saaxada kusoo biirey.

 

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Gudiga fulinta ee maamulka Ururka Raaskambooni ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulan kulahaa magaalada Dhoobley kaasoo ay ku lafa gurayeen arimo la xidhiidha siyaasada Ururka ee ku wajahan guud ahaam xaalada Somalia gaar ahaan gobolada Jubooyinka.

 

Kulanka oo ahaa mid aragtiyo badan la isku dhaafsaday lagagana dooday arimo farabadan oo la xidhiidha siyaasada Ururka ayaa lagu go'aamiyey in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka gudiga fulinta ee Ururka.

 

Warsida Dhanaan.com ayaa waxaa soo gaadhay magacyada qaar kamid ah maamulka cusub ee kulanka lagu ansixiyay waxayna kala yihiin sidan;-

 

Sheekh Axmed madoobe: Gudoomiyaha Ururka

Sheekh Daahiir: Gudoomiye kuxigeen

Macalin Maxamuud : Gudoomiye kuxigeen ahna madaxa ciidanka

Mukhtaar Cabdullaahi Sahal:Madaxa siyaasada iyo xidhiidhka dibadda

C/nassir Seeraar: Madaxa arimaha bulshada.

 

Labada hogaan ee arimaha siyaasada iyo xidhiidhka dibadda iyo arimaha bulshada ayaa waxay hoos tagayaan Sheekh Daahir halka arimaha ciidanka iyo dacwadu ay hoos tagayaan Macalin Maxamuud.

 

Ciidamada Raaskaambooni iyo kuwa Dowlada ee lagu soo tababaray Kenya ayaa kuwada sugan Dhoobley oo ay ka qabsadeen Alshabaab waxayna si wadajir u wadaan abaabul dagaal oo ku wajahan sidii Alshabaab uga saari lahaayeen gobolada Jubooyinka.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dhoobley: Wariyaha nooga soo warama golaha qurabajoogata ayaa wuxuu noo sheegay in gudoomiyaha gobolka jubbada hoose ilyaas bedel uu shirar gooni gooni ah la yeeshay madax dhaqameedyada ku sugan degaanka dhoobley.

 

 

Gudoomiyaha iyo wafdigiisii ayaa uga waramay madax dhaqameedyada ismaamulka goboleedka azaaniya, ujeedooyinka loo aas aasay, waxa ilaa hada qabsoomay iyo waxa dhiman ee wali la sugayo.

 

Odey dhaqameedyada ayaa dhankooda u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ismaamulka azaaniya, isla markaana ay aad u jecel yihiin in loo gudbo nidaam dowladnimo lagana gudbo nidaamka jabhadaynta ah.

 

Odey dhaqameedyada ayaa sheegay in dadkii gudaha sii joogay iyo xarakada raaskambooniba barnaamijka lagu soo daro si halmeel looga duulo dantii maamulku u dhismayna looga mira dhaliyo.

 

Wariyaheena oo kormeer ku kala bixiyay degaanda dhawaan laga xoreeyay alshabaab ayaa noo sheegay in ay hada aad u dagan tahay, wariyaha oo la sheekeystay dhalinyarada hubka sida ee raaskambooni iyo kuwa siyoolow oo runtii si nabad ah oo walaalnimo ah meel walba ku wada jooga, ayaa waxay u sheegeen in ay isku dan yihiin, ujeedkooduna yahay oo kaliya in dhulka alshabaab laga xoreeyo dadkuna ay degaankooda maamushaan, waxay kaloo dhalinta qoriga wada wariyaha u sheegeen in wixii kala fikir duwanaansho ah ee u dhexeyn kara madaxda sare loo baahan yahay in ay iyaka xaliyaan, laakiin dhalinta hubka wada waa ciidan loo tababaray difaaca dalka oo kaliya.

 

Wariyaha ayaan way diinay in raaskambooni iyo dowlad goboleedka azaaniya is khilaafsan yihiin, sidaasna ay webabka qaar qorayaan, wariyuhu wuxuu sheegay kuwa sidaas qoraya waa cadowga ummada azaaniya waxay jecel yihiin xumaha dadkeena laakiin sawirka ay bixinayaan waa been la dhoo dhoobay.

 

Wariyaha ayaan waxaan ka waraysanay in gargaar cunto & dhar oo ay wadeen howl wadeeno ururka solidaratiga haweenka soomaaliyeed (swso) soo gaaray dhoobley ayaa wuxuu noo sheegay in gargaarkaas soo gaaray shacabkii u baahnaa ee ku sugnaa dhoobley, wariyuhu wuxuu kale oo uu noo sheegay in qurbajoogta azaaniya gaarsiino meel ay joogaanba in gargaar iyo taageero la soo gaaraan dadkooda iyo dalkooda.

 

 

 

Codka Azaaniya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Intaan ka guro ayaan waxaadan ku fikrin taabsiin adi iyo tii qurbaha ku dhigtay yaan lagu waayin uun ,...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this